Badhan: November 26, 2024: Hawl-wadannada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo La taliyeyaasha Farsamo ee Hay’adda CES ayaa maalintii sadaxaaad Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ka wadda Tababarka Golaha Deegaanka.
Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.



