Author name: Eng Mohamett Mohamoutt

469876996 999927828845259 7930783854072893033 n
Bari

Bosaaso: December 09, 2024: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa magaalada Bosaaso ku qaabilay Madax ka socotay Safaaradda Switzerland iyo Haay’addaha ka shaqeeya mashruuca Saamaynta ee ka socda magaalada Bosaaso.

Kulankaan waxaa Agaasimaha Guud ku weheliyey Duqa Degmada Bosaaso Eng Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Eng Cabdulqaadir Cabdi daadir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta Dowladda Puntland Cabduqaadir Shiikh Maxamuud. Shirkaan oo ka dhacay magaalada Bosaaso ayaa ka qaybgalay Madax ka socotay Haay’addaha sida wadajirka ah uga wada shaqeeya mashruuca Saamaynta, kuwaas oo kala ah IOM, UN-Habitat, UNDP iyo Dowlada Swiss oo iyagu ah Doonarka bixinaya dhaqaalaha ku baxaya mashruucaan. Kulanka kadib, masuuliyiinta kala duwan we uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa kormeer shaqo ku tegay Xaafada Xalka waara (Girible), kuwaas oo ay degen yihiin dad horay u ahaa Barakacayaal haddase si rasmi ah uga mid noqday bulshada deegaanka, kuwaas oo loo dhisay Xaafado ay iyagu leeyihiin oo qayb ka ah mashruuca xalka waara, Dowladda Puntland ayaa ku deeqday dhulka laga dhisay Xaafadahaa, waxaana si wada jir ah uga shaqeeyey Dhismaha Dowladda Hoose ee Degmada Bosaaso, iyo bahwadaagta mashruuca ee kala ah IOM, UN-HABITAT iyo UNDP. Masuuliyiinta ayaana Xariga ka jaray Xarunta Hooyada iyo dhaalanka iyo Garoonka kubada Cagta, sidoo kale waxay Kormeereen isla markaana indha indhayn iyo qiimayn ku sameeyeen Suuqa Xaafada, dhismayaasha gacanta lagu hayo ee loo dhisayo bulshada Xafadaasi iyo ceelbiyood cusub oo dhawaan laga hirgelin doono xaafadaha xalka waara. Intaas kadib, masuuliyiinta ayaa qiimayn ku sameeyey qaabka ugu fudud ee loogu dhisi karo Waddo laami ah oo isku xirta magaalada iyo xaafadaha xalka waara ee Bosaaso. Ugu dambeyntii Masuuliyiinta ayaa Bulshada Xaafadda ka dhegaystay baahiyaha ay qabaan kuwaas, waxayna sheegeen in ay baahi weyn u qabaan in ay helaan Dugsi sare, Fursado shaqa abuur iyo waxyaalaha kale ee ay u baahan yihiin, Gudoomiyaha Degmada Bosaaso ayaa ballan qaaday inay si dhow uga shaqaynayaan waxyaalaha dhiman. –DHAMMAAD– XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

469902689 1000345215470187 3783214107148296929 n
Arrimaha Gudaha DPL., Bari

Bosaaso: December 10, 2024: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladda Puntland Maxamed Cali Farmayeeri oo uu weheliyo Duqa Degmada Bosaaso Eng Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle), ayaa si wadajir ah u Guddoomiyey kulanka Maamulka Dowlada iyo Hay’adaha bah wadaagta ah ee ka wada shaqeeya mashruuca Saamaynta ee ka socda Bosaaso kuwaas ay ka mid yihiin IOM, UN-Habitat, UNDP iyo Swiss donor oo iyagu ahaa deeq bixiyaha mashruucan.

Waxaana kulanka qayb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Puntland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee dowlada Puntland, Engero iyo Khuburo kala duwan oo qayb ka ah Mashruucan oo lagu dhisay Xaafada Girible, Bosaaso (Xalka waara), taas oo ay degen yihiin dad horay u ahaa bakacayaal haddase si rasmi ah uga mid noqday bulshada Deegaanka, kuwaas oo loo dhisay Xaafadan oo qayb ka ah mashruuca xalka waara. Masuuliyiinta ayaa Madaxda Haay’addaha kala hadlay sidii loo heli lahaa natiijo wanaagsan oo ka dhalata mashruuca iyo sidii la isaga kaashan lahaa baahiyaha dhiman iyadoo shalay ay masuuliyiintu kormeeren Xaafadaasi, Waxaana si wayn la isula soo qaaday, Waxyaalaha qabyada ka ah filashooyinkii mashruucan iyo halka uu marayo iyada oo laga shaqaynayo deegaamaynta dadkii horay bakacayaasha u ahaa ee ku nool deegaanada Puntland gaar ahaan Bosaaso isla markaana loogu abuuri lahaa fursado shaqo loona bari lahaa xirfado mihiim ah si ay ula mid noqdaan bulshada kale. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

469849089 1000472255457483 8108656388062630032 n
Bari, Arrimaha Gudaha DPL.

Bosaaso: December 10, 2024: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa dhagax dhigay Dayactirka xarunta qaabiladda Qaxootiga magaalada Bosaaso ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Agaasimaha Guud ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Eng Cabdulqaadir Cabdi daadir, Duqa Degmada Bosaaso Eng Cabdifitaax Maxamed Cismaan, Iskuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Bari oyo masuuliyiin ka kala socday Hay’adda UNHCR iyo Shirka Diyaar iyo xubno ka mid ah Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso. Xaruntaan oo in muddo ah aan helin dib u dayactir ayaa madaxda Wasaaradda waxay juhdi iyo waqti geliyeen sidii loogu samayn lahaa dayactir dhamaystiran, si dadka loogu adeego. Waxaa Wasaaradda ka caawisay Hay’adda UNHCR oo Wasaaradda ka taageerta Arrimaha la xiriira qaabilaadda qaxootiga, barakacayaasha iyo Magangelyo-doonka ku nool deegaanada Puntland. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

469775362 999908245513884 1494275167892904737 n
Arrimaha Gudaha DPL., mudug

XAFLADA XIL-WAREEJINTA XOGHAYAHA CUSUB EE DOWLADDA HOOSE EE DEGMADA GAALKACYO.

Gaalkacyo: December 09, 2024: Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo Mudane Maxamed Cabdirisaaq Warsame (Daacad) iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane ee Gobolka Mudug Cabdifitaax Samatar Ciise ayaa xilka u kala wareejiy Xoghayaha cusub iyo Xoghayihii hore ee Degmada Gaalkacyo. Xafladda xil-wareejinta Xoghayaha Degmada Gaalkacyo oo ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Degmada ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xubno kamida Xildhibaanada Golaha Deeganka Degmada, Agaasimka Waaxyaha kale duwan ee Dowladda Hoose, laamaha amniga iyo hawl-wadeenada kala duwan ee Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo. Xoghayihii hore Degmada Mudane Ukun Cabdicasiis Maxamed ayaa madasha xilwareejinta ku soo bandhigay Guuulihii iyo waxqabadkii Degmadu gaartay intii uu xilka joogay kadibna wuxuu Faylashii wax-qabadka u qab soomay inta uu joogay iyo xogta shaqalaha kala duwan ee Dowladda Hoose kuwareejiyey xoghaya cusub mudane Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax (Geesaweyne). Xoghayaha cusub ee Degmada Gaalkacyo Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax ayaa ka mahadceliyey shaqada baaxada leh ee ay soo qabteen howl wadeenada kala duwan ee Dowladda Hoose isagoo ka codsaday in sidii maamulka hore iyo si ka wanaagsan loola shaeeyo. …DHAMMAAD… XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

469840016 1000499348788107 1694147123210601471 n
Arrimaha Gudaha DPL., nugaal

DAAH-FURKA TABABARKA XALINTA KHILAAFAADKA DHULKA.

Garowe: December 10, 2024: Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa daahfuray Tababarka xalinta khilaafadka dhulka ee Degmada Garowe. Guddoomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmada Garowe Mudane Maxamed Cali Xameri ayaa wasiir ku xigeenka kala qaybgalay Daahfurka Tababarkaan oo loogu talagalay in ay ka qaybgalaan xubnaha Golaha Deegaanka, Guddiga Xalinta khilaafadka dhulka, Maxkamadda darjada 1-aad ee Degmada iyo Waaxda Hawlaha Guud iyo Dhulka ee Dowladda hoose ee Degmada Garowe. Tababarkaan oo ku saabsanaa Maaraynta khilaafaadka Dhulka Degmooyinka ayaa waxaa hore looga soo qabtay Degmooyinka Badhan iyo Buurtinle ee Gobolada Sanaag iyo Nugaal. Tababarkaan ayaa waxaa bixinyey Bare Sare Maxamed Muuse Maxamed Kala-kaan waxaana caawinayey Cabdinuur Cali Jaamac oo ka mid ah Hawl-wadannada Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. –DHAMMAAD– XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

469630489 999599445544764 7974623588661565771 n
nugaal

XIRITAANKA TABABARKA XALINTA KHILAAFAADKA DHULKA, DEGMADA BUUTINLE EE GOBOLKA NUGAAL.

Buurtinle: December 06, 2024: Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo dib u heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Cabduqaadir Cabdimaalik Maxamuud ayaa Guddiga Khilaafadka dhulka iyo Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal u soo xiray Tababar ku saabsan Maareynta Khilaafadka Dhulka. Tababarkaan ayaa waxaa loogu talagalay in Golaha Deegaanka, Waaxda Dhulka, Guddiga xalinta khilaafadka dhulka iyo Maxkamadda darjada 1-aad ee Degmada Buurtinle lagu tababaro xeerarka kala duwan ee la xiriira dhulka sida Xeerka Hawlaha Guud ee dhulka iyo Xeer nidaamiyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhulka Magaalooyinka. Sidookale, waxaa tababarkaan lagu bartay tabaha kala duwan ee lagu xaliyo khilaafadka dhulka iyo wada shaqaynta hay’addaha kala duwan ee Dowladda ee ku aadan xalinta khilaafaadka dhulka Magaalooyinka. Tababarka waxa kaso qayab galay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Badhan, Guddiga xalinta khilaafadka heer Degmo, Waaxda Dhulka, Qaybaha Garsoorka, cuqaasha, dhalinyarada, laamaha amaanka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Buurtinle. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

469706864 999594352211940 7362491405832213657 n
mudug

GEEDI-SOCODKA ADKAYNTA NABADGELYADA GALBEEDKA GOBOLKA MUDUG.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland oo ka duulaysa Shirweynihii Dardargelinta Dedaalada nabadeynta ee Gobolka Mudug ee ay fureen labada Madaxweyne Puntland iyo Galmudug, waxay magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug ku qabatay shir lagu adkaynayo Nabadeynta Galbeedka Gobolka Mudug. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

468873088 993319396172769 3974017505381931704 n
Arrimaha Gudaha DPL.

Rwanda, Kigali: November 30, 2024: Wafti Heer sare ah oo uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri oo safar shaqo ku jooga Dalka Rwandaa ayaa kulan la qaatay Hay’adda Rwanda u qaabilsan Xiriirka Caalaamka.

Shirkaas ayaa daaranaa sagootinta iyo gaba-gabaynta Barnaamijkii aqoon barista ahaa ee Dalwad dhiska iyo habka ay Dowladda Rwanda u mareen horumarinka baaxadda leh ee Guud ahaan hay’adda Dowladda ee Dalkaas iyo in Heshiis aan la galo hay’adda Ruwanda cooperation si aan isku dhaafsano kor u qaadista dhismaha Dawladaha Hoose Puntland iyo maaraynta khataraha masiibooyinka ka dhasha Isbedelka cimilada. Kulkaan oo miro dhal ahaa ayaa eaxaa ka soo baxay in waftiga Dowladda Puntland ay wax badan ka siyaasadeen sida wasaaradaha iyo hay’addaha Rwanda uga shaqeeyeen maamul daadajinta iyo maraynta masiibooyinka isla markaana la isla qaatay in la sameeyo xiriir wada shaqayn oo ay dawlada Puntland la yeelato hay’adda kala duwan ee Dalka Rwanda dhinacyada aqoonta iyo is dhaafsiga khibrada labada dhinac. Dhinaca Dowladda Puntland ee uu hogaaminayey Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali ayaa soo diyaarin doona habraaca lagu wada shaqayn doono marka la bilaabayo is dhaafsiga khibradda iyo aqoonta Dowlad-dhiska iyo horumarinta tabaha maaraynta khataraha masiibooyinka. Waftiga Dowladda Puntland ayaa u mahad celiyey Dowladda Rwanda, si gaara Hay’addaha dawlada oo ay ugu horayso hay’adda Rwanda cooperation. Waxaa kale wafdigu u mahad celiyey Hay’adda VNGI ee dalka Holland oo fududaysa Barnaamijkan. Gabagabadii Waxaa Safarka wadiga Puntland ku doo dhamaaday Guul iyo isfahan wanaagsan oo labada dhinac ah. —-DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

468594867 992847249553317 7594857899092577570 n
Arrimaha Gudaha DPL.

TABABARKA GOLEYAASHA DEEGAANKA 6 DEGMO OO LA SOO GABA-GABEEYEY. Badhan: November 29, 2024; Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax (Khaliifa) ayaa magaalada Badhan ee xarunta Gobolka Sanaag ku soo xiray Tababarka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland. oo muddo 5 cisho ah socday.

Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 1-aad lagu bilaabayaa Degmooyinka kala ah Baran, Xiingalool, Dhahar, Buraan, Carmo yo Waaciye. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. Tababarkaan ayaa waxaa bixinaya Tababarayaal ka socda Hay’adda CES iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

468280955 992136999624342 3285645431864143193 n 1
Arrimaha Gudaha DPL.

Rwanda, Kigali: November 28, 2024: Waftiga Dowladda Puntland ee ku sugan Dalka Rwandaa ayaa maanta booqasho heer Degmo ku tagay Degdmada “GEKENGE Northern Profance.

Wafdigao oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa la kulmay Guddomiyaha iyo maamulka degmada Gekenge, oo ah degmo beeralay ah una jirta 60km caasimadda Kigali. Kulankaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaababka lagu maareeyo khataraha ay keenaan Daadadka iyo isbedelka cimilada, iyada oo Duqa Degmada Qardho ee Gobolka Karkaar uu darsay Xogaha ku saabsan khatarta Maareynta Daadadka iyo isbedelka cimilada. Markii shirku dhammaadey, waxaa madaxdu booqatay goobta laga dhisayo dhismayaasha dadka ay saamaysay daadadka iyo isbedelka cimilada, halkaas oo laga soo daad gureeyey goobaha khatarahu ka dhaceeen. Ugu dambeyn masuuliyiintu waxay u mahadceliyeen madaxda sida diiran u soo dhaweeyey, lana wadaagey waxyaalaha ay iskaga midka yihiin labada dal iyo casharada ay kala baran karaaan. —DHAMMAAD– XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top