Author name: Eng Mohamett Mohamoutt

470224115 1009085311262844 3667894299235981371 n
Daryeelka Bulshada, Arrimaha Gudaha DPL., Bari

Bosaaso: December 22, 2024: Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawlada Puntland Mudane Beexaani Axmed Barre ayaa ka daahfuray magaalada Bosaaso barnaamijka xog uruurinta Barakacayaasha ku nool magaalada Bosaaso.

Xog ururintaan oo laga samayn doona 20 kaam oo ku yaala magaalada Boosaaso, waxaa iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawlada Puntland iyo Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

470219358 1007096958128346 7151633290762088965 n
Daryeelka Bulshada, Bari

19 December 2024 Boosaaso.

Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Dowlada Puntland ayaa magaalada Bosaaso tababar ugu qabatay xog uruuriyayaal xog kasoo aruurinaya 20 kaam oo ay degan yihiin Barakacayaasha ku nool magaalada Boosaaso. Tababarka waxaa furay Gudoomiye ku xigeenka Degmada Boosaaso Bashiir Faarax Siciid oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Beexaani Axmed Barre , waxaa kaloo ka soo qeybgalay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Dowladda Hoose Degmada Boosaaso Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud ( Qambi ) . —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

471196691 1006975144807194 3074543539153434870 n
Arrimaha Gudaha DPL.

WAR-MURTIYEED.

Garowe: December 19, 2024: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa si guul ah ku soo gabo-gabeysay shir saddex maalmood socday oo ka qabsoomay magaalada Garowe, laga soo bilaabo 17-kii illaa 19-ka December 2024. Shirkaan oo ujeedkiisu ahaa tababarid iyo wadaxaajood dhex-mara Wasaaradaha iyo Dowladaha Hoose ee Puntland ayaa waxaa looga wadda hadley arrimaha maamul baahinta gaar ahaan baahinta awoodda maaliyadda (Fiscal Decentralisation), Adeeg bixinta, Isla-xisaabtanka iyo Awoodsiinta Dowladaha Hoose. Qodobada ka soo baxay shirka:- 1. In la daadejiyo adeegyada asaasiga ah, lana xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Degmooyinka iyo Wasaaradaha adeegga bixiya. 2. In la xoojiyo wada shaqaynta Degmooyinka iyo Wasaaradaha Dowladda dhexe. 3. Waxaa la isla qaatay in la sameeyo Santuukha horumarinta Degmooyinka Puntland. 4. In la dardargeliyo kicinta cashuuraha heer Degmo, lana dedejiyo dhamaystirka iyo is-waafajinta shuruucda la xiriira cashuuraha Dowladaha Hoose gaarka u leeyihiin. 5. In beesha caalamka iyo dawladduba ay tix-gelin gaar ah siiyaan xoojinta mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed ee Degmooyinka ay doorashooyinku ka dheceen si ay u noqoto wax Soomaalidu higsato. 6. In la dhowro Deegaanka iyadoo laga waantoobayo jaridda dhirta, laynta ugaarta iyo xaalufinta halakeeyey deegaankeena. 7. In aan la magaalayn karin, lana oodan karin dhul cusub oo aan ruqsad looga haysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo ciddii kale ee ay qusayso. 8. In la dedejiyo dib u eegista iyo sixidda xeerarka iyo Siyaasadaha lagu dhaqo Dowladaha Hoose ee Puntland. 9. In laga wada-shaqeeyo adkaynta amniga iyo isku-xirka Bulshada Degmooyinka Puntland. 10. Waxaa la isla qaatay in la qabto shir sanadle ah oo u dhaxeeya Degmooyinka iyo Wasaaradaha Dowladda dhexe ee Puntland, kaas oo ay soo qaban-qaabiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. 11. Ugu dambayntii shirku wuxuu u mahadcelinayaa ka soo qaybgalayaashii kala duwanaa oo ay ugu horeeyaan Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda dhexe, Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Hay’adda Kaalo. —DHAMMAAD— Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. Kala xiriir wixii faahfaahin ah:-

470599797 1006145534890155 6539450756083647277 n
nugaal

LA TASHIGA GUDDOOMIYAASHA DEGMOOYINKA EE DIB U EEGISTA XEER LR.7.

Garowe: December 18, 2024: Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa la tashi kala yeelatay Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7. Ugu horreyntii wajiga 2-aad ee shirka Degmooyinka oo maanta looga doodayey dib u eegista Xeer LR.7 waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, intaas kadib waxaa Warbixin ku saabsan qodobada Wasaaraddu u aragtay in ay u baahanyihiin wax-kabedal iyo kaabis soo jeediyey La taliyaha sare ee dhanka Sharciga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Garsoore Ismaciil Cabdullaahi Cilmi. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax iyo Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeri ayaa Degmooyinka maanta la wadaagay aragtida Wasaaradda ee ku aadan in Xeerkaan si wadajir ah looga doodo wax kabedalkiisa. Soo jeedinta kadib, waxaa doodda loo furay Guddoomiyaasha iyo aqoonyahankii kala duwanaa ee shirka ka soo qaybgalay waxaana la is dhaafsaday dood maangal ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in wadatashi balaaran la geliyo wax kabelka Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7. Dood dheer kadib, waxaa la qoray soo jeedinta Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Aqoonyahankii kale ee shirka ka soo qaybgalay waxaana laga samayn doonaa in lagu dabakho dhamaystirka dib u eegista Xeerka, waxaana sii socon-doona shirarka lagu dhamaystirayo Xeerka LR.7.

470184299 1005314471639928 2598000437257943025 n
wasaarada arimaha gudaha puntland, nugaal

Garowe: December 17, 2024: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa daahfurey Tababarka ku saabsan u qareemidda iyo Daadejinta maalmulka Maaliyadda Dowladaha Hoose ee Puntland, kaas oo ay ka soo qaybgaleen 36 Degmo.

Tababarkaan oo socon doonaa muddo 3 Beri ah yaa waxaa looga hadli doonaa Maamul Baahinta iyo Adeeg bixinta Dowladaha Hoose ee Puntland, u qareemidda Sanduuqa Horumarinta Degmooyinka. Sidookale, waxaa looga hadli doonaa dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 iyo Mideynta cashuuraha kala duwan ee Dowladdaha Hoose ee Puntland. Shirka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday Golaha Xukuumadda, Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland ee laga qabtay Doorashada hal Qof iyo hal Cod. —DHAMMAAD— Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. Kala xiriir wixii faahfaahin ah:-

470176063 1004688708369171 8356046136752492807 n
nugaal

Garowe: December 16 2024: shirka Dib u eegista Xeerka mideynta Canshuuraha Dowladdaha Hoose ee Degmooyinka Dowladda Puntland oo u dhaxeeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland ee laga qabtay Doorashada hal qof iyo hal Cod.

Ujeedka shirka ayaa ku saabsanaa ka doodista Qadobada ubaahan in lagu sameeyo wax ka badalka Xeerka mideynta canshuuraha Dawaladaha hoose ee Dagmooyinka Puntland. Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Hanti dhawrka Guud ee Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland ee laga qabtay Doorashada hal cod iyo hal Qof. Intii shirka socday waxaa soo jeediyey Su’aalaha laga doodayey Sharci yaqaanka Wasaaradda Garsoore Ismaciil Cabdullaahi Cilmi iyo Guddoomiyaha Hanti dhawrka Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cismaan Maxamuud Cali, waxaaana fikirkooda iyo talo bixin laga aruuriyey Guddoomiyaasha shirka ka soo qaybgalay —DHAMMAAD— Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. Kala xiriir wixii faahfaahin ah:-

470069995 1001859385318770 6675489109722698882 n
mudug

Gaalkacyo 11, December 2024: waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug lagu qabtay shirka Xoojinta iyo Dardargalinta Nabada Galbedka Gobolka mudug kaas oo ay soo agaasimeen Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowladaha Galmudug iyo puntland.

Shirkaan oo muhiim u ah Nabada Gobolka ayaa waxaa ka qaybgalay Maamulka Gobolka mudug iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo ee labada maamul Puntland iyo Galmudug. Sidookale, waxaa ka soo qaybgalay Guddiga Odayaasha Nabada Gobolka Mudug, Dhalinyarada iyo Haweenka Gobolka, waxaana shirka Diirada lagu saaray dardar galinta Nabada iyo Hirgalinta heshiisyadii Horay loo gaaray ee aagga Galbeedka Gobolka Mudug. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Cumar Guure iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Puntland Mudane Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey in Nabadda Galbeedka Gobolka Mudug ay muhiim u tahay Guud ahaan Gobolka Mudug, loona baahanyahay in si wadajir ah looga qaybqaato. —DHAMMAAD. Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. Kala xiriir wixii faahfaahin ah.

469780754 1000621032109272 444901706297037956 n
Arrimaha Gudaha DPL., nugaal

WASIIRKA OO SOO XIRAY WAJIGA 1-AAD EE SHIRKA DIB U EEGISTA XEER LR.7.

Garowe: December 10, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta soo xiray wajiga 1-aad ee shirka dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Xeer LR.7. Shirkaa ayaa maanta waxaa diiradda lagu saaray soo bandhigidda tala-bixintii ka soo baxday qodobadii shalay laga dooday, soo jeedin, caqabadihii laga bartay Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 xiligii Doorashada Goleyaasha Deegaanka, kaas oo ay soo jeedisay Aamina oo ka socotay hay’adda PDRC. Ka doodista caqabaha ay soo jeedisay PDRC, wax ku darista iyo kaabista qodobada Xeerka ee la xiira Arrimaha Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmooyinka iyo Soohdimaha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland. Sidookale, waxaa soo jeedin sameeyey Axmed Shire Axmed oo ka socday Machadka Hangool & Jaamacadda Puntland State University (PSU), Kaas oo ku saabsanaa daadejinta Maaliyadda (Fiscal Decentralisation), Caasimadda Garowe, Nidaamka Doorashooyinka Degmooyinka, iyo dib uga fakeridda nidaamka goboladda iyo Degmooyinka ee PL (Administrative Tiers). Is dhaafsiga aragtida kala duwan ee Dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka waxaa loo bedeli noo ururin iyo kaabis, waxaana la sii wadi doonaa shirarka ku saabsan talo xibinta wax ku darka, kaabista iyo dhamaystirka Dib u eegista xeerkaan. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

469691231 999881245516584 2795285335395996400 n
nugaal, Arrimaha Gudaha DPL.

WASIIRKA OO DAAH-FURAY SHIRKA DIB U EEGISTA XEER LR.7.

Garowe: December 09, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta daahfurey shirka dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Xeer LR.7. Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaasha Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo Shuruucda ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xubnaha Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, Xisbiyada Siyaasadda Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Garowe, qayb ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Garowe, Duqa Degmada Godob-jiiraan, Xildhibaan Haashim Maxamed Jaamac oo ka socday Dalka Sweden, Madaxa UNDP Puntland, Hay’adaha maxaliga ah, Jaamacadaha, Garsoorka, sharciyaqaano iyo aqoonyahan kala duwan oo door ku lahaa doodda dib u eegista Xeerka. Ugu horreyntii waxaa shirka si Rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, intaas kadib waxaa Warbixin ku saabsan qodobada Wasaaraddu u aragtay in ay u baahanyihiin wax-kabedal iyo kaabis soo jeediyey La taliyaha sare ee dhanka Sharciga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Garsoore Ismaciil Cabdullaahi Cilmi. Soo jeedinta kadib, waxaa doodda loo furay aqoonyahankii iyo Madaxdii kala duwanayd ee shirka ka soo qaybgalay waxaana la is dhaafsaday dood maangal ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 iyo Dastuurka Dowladda Puntland oo meel badan kala duwanaansho ka jiro iyo in kaabis lagu sameeyo qodobada qaarkood. Qodobada aadka looga dooday waxaa ka ka mid ahaa, Qodobka 29-aad ee Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmooyinka iyo Qodobka 24-aad oo sheegaya Shuruudaha lagu lumin karo xubinnimada Golaha Deegaanka. Qodobada 45-aad oo sheegaya habka ay ku furmayaan Fadhiyada Goleyaasha Deegaanka iyo ugu dambeyntii Qodobka 26-aad oo sheegaya Qaab-dhismeedka Derajoonka Degmooyinka iyo Tirada Xubnaha Golaha Deegaanka. Dood dheer kadib, waxaa la qoray soo jeedinta aqoonyahan waxaana laga samayn doonaa in lagu dabakho dhamaystirka dib u eegista Xeerka, waxaana sii socon-doona shirarka lagu dhamaystirayo Xeerka LR.7. –DHAMMAAD– XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top