BURAAN 21 JUNE 2025 : Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Mudane Yuusuf Mohamed Wacays Dhado oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri , ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay degmada Buraan ee gobolka Haylaan.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay degmada Buraan, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Guddoomiyaha degmada Buraan Mudane Ismaaciil Cabdi Gurey, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Haylaan Mudane Fuaad Maxamed Muuse, iyo Taliyaha Saldhigga Booliska ee degmada Buraan G/sare Siciid Shalmad.
Intii uu socday socdaalka, Wasiir Dowlaha iyo wafdigiisa waxay kormeer ku tageen xarumo muhiim ah oo ku yaalla deegaanka, waxayna la yeesheen kulammo wadatashi iyo xog-is-weydaarsi ah madaxda deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Mas’uuliyiintu waxay ka qeyb geli doonaan furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka ee Buraan, oo ah mid muhiim u ah xoojinta ka qaybgalka shacabka iyo kobcinta maamulka hoose, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta Puntland waxay sii wadi doontaa howlaheeda ku aaddan xoojinta dowlad-dhiska, kor u qaadista tayada adeegyada degmooyinka, iyo hirgelinta maamul daadejin ku saleysan sharciga iyo hufnaanta.
▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top