Furitaanka Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Xumbays.

Xumbays: June 16, 2025: Gudoomoye ku-xigeenka Gobolka Karkaar Xiir Yusuf Caamir ayaa maanta si rasmi ah u furay kal-fadhiga 2-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Xumbays ee Gobolka Karkaar, iyadona ay kasoo qaybgaleen Gudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada iyo Nabadoono waxgarad Cuqaal iyo Masuuliyiin kale.
Kal-fadhiga ayaana inta uu socdo looga Doodaaya horumarada laga qabtay degmada iyo qorshayaasha cusub iyo talaabooyinka lagu horumarinaayo degmada.
Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Karkaar Xiir Yusuf Caamir ayaana kula dardaarmay Gudoonka iyo Golaha deegaanka in ay ka shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa Horumarinta iyo amniga Deegaanka u adeegida Bulshada soo dooratay madama Golayaashu matalaan codka shacabka, waana meelaha laga saadaaliyo mustaqbalka degmada loona baahan yahay in ay yeeshaan doodo masiiri ah oo u hiiliya waxqabadka iyo horumarinta kor u qaadida Caafimaadka Biyaha iyo adeegyada Bulshada.
Dhammaad.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top