Author name: admin

464187309 965187092319333 905034235662075004 n
Arrimaha Gudaha DPL., WAR-SAXAAFADEED

WARGELIN DHISMAHA GOLAHA DEEGAANKA DEGMOOYINKA GOBOLKA NUGAAL.

Ku: Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland Garowe Og: Madaxweynaha Dowladda Puntland Garowe UJeeddo: Soo gudbin Heshiiska Xisbiyada ee Dhismaha Golaha Degaanka Degmooyinka Gobolka Nugaal. Tixraac warqadda summadeedu tahay XWK/WAG//F/D/30/2024 kuna taariikhaysan September 25, 2024, kana soo baxday Xafiiska Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ujeeddadeeduna ahayd soo gudbin heshiiska Xisbiyada Siyaasadda ee ah Dhismaha Golaha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal. Sidaa darteed, madaama qodobka 29-aad ee Xeer LR.7 Farqaddiisa 1-aad aysan ka hirgelin Doorashadii 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal, waxaa Xisbiyada Siyaasadda lagu wargelinayaa markii 2-aad in ay soo gudbiyaan qaabka ay ku dhisanayaan Degmooyinka kor ku xusan iyaga oo ku salaynaya qodobada uu siinayo Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo Dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee LR.7. Haddaba, maadaama Xubnaha Golaha Deegaanka la doortay ay xaq u liiyihiin in ay xasaanadda Xildhibaannimo qaataan, lana fariisiyo Golaha Deegaanka si ay ugu adeegaan bulshada, waxaa laga codsanayaa Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland in heshiiska Xisbiyadu ay Wasaaradda la soo wadaagayaan uu noqdo mid ay soo saxiixeen Madaxda Xisbiyadda Siyaasadda ee saxiixa rasmiga ah leh, ugu dambayn 02/11/2024.

464227310 965412742296768 8988589750743932804 n
Arrimaha Gudaha DPL.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed AIi Farah Farmayerih Xafiiskiisa ku qaabilay wafti ay hogaaminayso madaxa Xafiiska CARE ee Puntland Marwo Xamdi Cabdullaahi.

Garowe: October 22, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed AIi Farah Farmayerih Xafiiskiisa ku qaabilay wafti ay hogaaminayso madaxa Xafiiska CARE ee Puntland Marwo Xamdi Cabdullaahi. Shirkaan ayaa waxaa looga wada hadlay wada shaqaynta cusub ee Hay’adda CARE iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, sigaara barnaamijka dib u heshiisiinta iyo horumarinta taas oo Wasaaradda u leh ahmiyad gaara. Kulankaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xoghayaha Wasaaradda Abshir Hassan Mohamed iyo Xiriiriyaha Mashaariicda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Jaamac Geelle.

464373267 966769475494428 6359565797708012663 n
Arrimaha Gudaha DPL., Daryeelka Bulshada

Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Beexaani Axmed Barre oo magaalada Bosaaso ka daahfuray tababar ku saabsan marxaladaha Barakacnimada iyo fahamka barnaamijka Xalka waara.

Bosaaso: October 24, 2024: Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Beexaani Axmed Barre oo magaalada Bosaaso ka daahfuray tababar ku saabsan marxaladaha Barakacnimada iyo fahamka barnaamijka Xalka waara. Tababarkaan ayaa waxaa loo qabtay Guddoomiyaasha kaamamka ku yaala magaalada Boosaaso, waxaana aad loogu sharxay heerarkii uu soo maray Barnaamijka Xalka Waara ee ka shaqaynayey deegaanada Puntland. Sidoo kale, Tababarkaan ayaa waxaa la isku weydaarsaday fikrado badan oo quseeya habka ugu fiican ee loo sii hormarin karo Barnaamijyada quseeya kor u qaadida nolasha dadka nugul ee ku nool kaamamka Barakacayaasha ee magaalada Bosaaso. Tababarkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Bari, Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Dowlada Hoose ee Degmada Bosaaso , xubno ka socday golaha deegaanka degmada Bosaaso iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Waaxda Daryeelka Bulshada.

464815452 969653428539366 368271298967283158 n
Arrimaha Gudaha DPL., Daryeelka Bulshada

Waaxda Daryeelka Bulshada ( Human Protection Department ) ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari ku qabatay tababar ku saabsan khatarta ay leedahay tahriibka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara qulqulka faraha badan ee muhaajiriintu ku hayaan deegaanada ay ku soo haajireen .

Bosaaso: October 28, 2024: Waaxda Daryeelka Bulshada ( Human Protection Department ) ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari ku qabatay tababar ku saabsan khatarta ay leedahay tahriibka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara qulqulka faraha badan ee muhaajiriintu ku hayaan deegaanada ay ku soo haajireen . Sanadkasta Dad aad u fara badan ayaa ku waxyeelooba Badaha, iyagoo raxan raxan u socda, kuwaa soo qaarkood aysan gaarin meeshii ay u socdeen. Tahriibka waxaa lagu qeexaa aafo bani’aadam. Tababarka waxaa lagu baranayey sida loo yareyn karo qulqulka muhaajiriinta, Muhaajiriinta isku dhafan ( Mixed Migration ) mararka qaarkood waxay lugeeyaan kiiloomitro aad u badan, waxaa dhacda in kuwa ka mid ah dadkaas ay jidadka ugu dhintaan gaajo, oon iyo caafimaad daro. Tababarka waxaa furay Mayor ku xigeenka degmada Boosaaso Mudane Bashiir Faarax Siciid oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada Mudane Beexaani Axmed Barre , waxaa kaloo ka soo qeybgalay Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee gobolka Bari, Agaasimaha arrimaha bulshada ee dowladda hoose ee Boosaaso iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Waaxda Daryeelka Bulshada .

465473292 973581148146594 8951262953146944724 n 1
Arrimaha Gudaha DPL., WAR-SAXAAFADEED

Ujeeddo: Shaacin Heshiiska Xisbiyada Siyaasadda ee Dhismaha Golaha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxaa soo gaaray caawa oo ay taariikhdu tahay 02-11-2024, Heshiiska Xisbiyada Siyaasadda ee ku aadan Dhismaha Golaha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal. Heshiiska Xibsiyada Siyaasadda ee 3-da Degmo ayaa ku dhisan isbahaysi sida uu qabo Qodobka 29-aad ee Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo Dhismaha Goleyaasha Deegaanka farqaddiisa 2-aad. oo u dhigan sidaan:- Haddii Xisbina ku guulaysan waayo tirada xubnaha ku filan in uu soo dhisto Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, sida ku xusan farqadda 1-aad, waxay samayn karaan Xisbiyadu is bahaysi si ay u helaan aqlabiyad ay ku soo dhistaan Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa. 1. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Godob-jiiraan ee Gobolka Nugaal, kaas oo dhexmaray Xisbiyada Kaah iyo Mideeye waxay ku heshiiyeen:- A. In Kaynaan Cabdi Jaamac Xirsi uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Godob-jiraan. (Xisbiga Kaah). B. In Maxamed Axmed Saalax uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Godob-jiraan. (Xisbiga Mideeye). 2. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal, kaas oo dhexmaray Xisbiyada Kaah, Runcad, Mideeye iyo Shaqaalaha waxay ku heshiiyeen:- A. In Xaamid Axmed Xaaji Maxamed uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Dangorayo. (Xisbiga Kaah). B. In Axmed Ciise Saciid uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dangarayo. (Xisbiga Mideeye). 3. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay Heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal, kaas oo dhexmaray Xisbiyada Kaah, Runcad, Mideeye iyo Shaqaalaha. Waxay ku heshiiyeen. A. In Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Garowe. (Xisbiga Kaah). B. In Maxamed Cali Maxamed (Xamari) uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Garowe. (Xisbiga Kaah). Sidaa darteed, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay wadatashi kooban kadib, dhakhso u soo saaraysaa jadwalka Dhaarinta iyo Fariisinta Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan. Ugu dambayntii Wasaaraddu waxay u mahacelinaynaa Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland oo heshiiskooda soo gudbiyey waqtigii loogu talagalay.

464687139 969700735201302 8065314600864051131 n e1730583624807
Arrimaha Gudaha DPL.

WASIIRKA OO QAABILAY XILDHIBAANADA PUNTLAND KU METELA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA.

Garowe: 28 October 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Xildhibaanada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulankaan oo ahaa is xog waraysi guud iyo kala warqaadasho ku saabsan guulaha Dowladda Puntland ka gaartay dhinacyada Dimuqraadiyadda, Arrimaha Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta, Fariisinta iyo Tababarista Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland iyo horumarinta Arrimaha Bulshada waxaa Wasiirada kala soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri iyo qaybo ka mid ah Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Scroll to Top