Garowe: 28 October 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Xildhibaanada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulankaan oo ahaa is xog waraysi guud iyo kala warqaadasho ku saabsan guulaha Dowladda Puntland ka gaartay dhinacyada Dimuqraadiyadda, Arrimaha Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta, Fariisinta iyo Tababarista Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland iyo horumarinta Arrimaha Bulshada waxaa Wasiirada kala soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri iyo qaybo ka mid ah Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.











