Author name: admin

498589818 1121455860025788 4584148751953547466 n
nugaal

Garoowe, 18 May 2025 – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland, ayaa maanta si wadajir ah ula qaadatay kulan qorsheyn muhiim ah Hay’adda Somali Stability Fund (SSF). Kulanka oo lagu qabtay Garoowe ayaa looga hadlay qorsheynta iyo hirgelinta mashaariicda SSF ee sannadka saddexaad ee barnaamijkeeda taageerada Puntland.

Kulanka waxaa si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay dowladda Puntland siineyso qorsheynta wadajirka ah ee mashaariicda horumarineed. Waxa uu xusay in khubarada ka kala socday wasaaradaha Puntland ay xoogga saareen in la dardargeliyo waxqabadyada mudnaanta u leh bulshada sannadka soo socda. Mas’uuliyiinta ka socotay wasaaradaha dowladda ee ka qaybgalay kulanka waxay soo jeediyeen talooyin wax-ku-ool ah iyo waxqabadyada muhiimka ah ee loo baahan yahay in lagu daro qorshaha sanadka cusub, oo si rasmi ah u bilaaban doona bisha Luulyo ee 2025. Wakiilka SSF ee Puntland, Mudane Abshir Maxamed, ayaa sheegay in SSF ay muhiimad gaar ah siineyso in qorsheynta mashaariicda lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, wuxuuna tilmaamay in mudada 12-ka bilood ah ee sanadka saddexaad ay noqon doonto fursad lagu dhiso kalsooni iyo horumar waara. Waxaa sidoo kale kulanka daadihinayay Xiriiriyaha Mashaariicda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Mohamed Geelle , oo soo jeediyay 8 qodob oo sal u ah himilooyinka mashaariicda la qorsheynayo, kuwaas oo lagu hagayo fulinta waxqabadyada si waafaqsan baahida shacabka iyo mudnaanta dowladdu dejisay. Ugu dambeyn, dhammaan ka qaybgalayaashii kulanka ayaa si wadajir ah u ansixiyay waxqabadyadii lasoo bandhigay, iyadoo si qoto dheer looga dooday mid kasta oo kamid ah, lana isla qaatay muhiimaddiisa iyo sida ugu habboon ee loo hirgelin karo. β–ͺ︎β–ͺ︎β–ͺ︎DHAMMAADβ–ͺ︎β–ͺ︎β–ͺ︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

FB IMG 1747239961893 1
nugaal

WASIIRKA OO MAGACAABAY XOGHAYAHA DOWLADDA HOOSE EE DEGMADA BALI-DHIDIN.

Garowe: May 14, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Abdi Farah Juxa wuxuu Xoghaya Dowladda Hoose ee Degmada Balli-dhidin u magacaabay Axmed Siciid Maxamuud (Filfil). Sidaa darteed, waxaa la farayaa maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Balli-dhidin iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee Gobolka Bari in la fuliyo dhaqan gelinta magacaabidda Xoghayaha Cusub.     β–ͺ︎β–ͺ︎β–ͺ︎DHAMMAADβ–ͺ︎β–ͺ︎β–ͺ︎

FB IMG 1747235783543
nugaal

WASIIRKA OO MAGACAABAY XOGHAYAHA DOWLADDA HOOSE EE DEGMADA CARMO.

Garowe: May 14, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Abdi Farah Juxa wuxuu Xoghaya Dowladda Hoose ee Degmada Carmo u magacaabay Maxamuud Axmed Siciid(Heelo). Sidaa darteed, waxaa la farayaa maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Carmo iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee Gobolka Bari in la fuliyo dhaqan gelinta magacaabidda Xoghayaha Cusub.     β–ͺ︎β–ͺ︎β–ͺ︎DHAMMAADβ–ͺ︎β–ͺ︎ β–ͺ︎

469592193 997600109078031 1229154886963114444 n
Arrimaha Gudaha DPL., mudug

Gaalkacyo: 06 December 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa ka qeybgalay Aaska Qaran ee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Ahaana Senator ka tirsan Aqalka Sarre ee Soomaaliya, Allaah ha u naxariisto Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa xusay in Madaxweyne Ku-xigeenkii hore AHUN Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland oo uu ka mid ahaa aasaasayaashii. Wuxuu allaah uga baryay in uu u danbi dhaafo, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Allaah kasiiyo Aamiin. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

469379529 997478399090202 4114871773979753007 n
Arrimaha Gudaha DPL., mudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo kula kulmay Guddiga qaban-qaabada Aaska Madaxweyne Ku-xigeenka hore ee Dowladda Puntland Senetor Maxamed Cali Yuusuf (Gaab-gaab) oo maanta lagu aasi doono Magaalada Gaalkacyo.

469435413 996860865818622 4213953534391125873 n
Arrimaha Gudaha DPL.

TABABARKA XALINTA KHILAAFAADKA DHULKA, DEGMADA BUUTINLE EE GOBOLKA NUGAAL.

Buurtinle: December 04, 2024: Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo dib u heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Cabduqaadir Cabdimaalik Maxamuud ayaa Guddiga Khilaafadka dhulka iyo Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal u furay Tababar ku saabsiyo Maareynta Khilaafadka Dhulka. Tababarkaan ayaa waxaa loogu talagalay in Golaha Deegaanka, Waaxda Dhulka, Guddiga xalinta khilaafadka dhulka iyo Maxkamadda darjada 1-aad ee Degmada Buurtinle lagu tababaro xeerarka kala duwan ee la xiriira dhulka sida Xeerka Hawlaha Guud ee dhulka iyo Xeer nidaamiyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhulka Magaalooyinka. Sidookale, waxaa tababarkaan lagu bartay tabaha kala duwan ee lagu xaliyo khilaafadka dhulka iyo wada shaqaynta hay’addaha kala duwan ee Dowladda ee ku aadan xalinta khilaafaadka dhulka Magaalooyinka. Tababarka waxa kaso qayab galay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Badhan, Guddiga xalinta khilaafadka heer Degmo, Waaxda Dhulka, Qaybaha Garsoorka, cuqaasha, dhalinyarada, laamaha amaanka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Buurtinle. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

468621190 994725806032128 107983
Arrimaha Gudaha DPL., Daryeelka Bulshada, degaanka, shir, wasaarada arimaha gudaha puntland

Shirka 6-aad ee Deegaanka Puntland: Dardaaranka Wasiirka oo Ku Saabsan Bilicda Magaalooyinka

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah waxaa u daahfuray Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor. Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ku saabsan ilaalinta deegaanka, wax ka qabashada isbeddelka cimilada, iyo sidii loo hormarin lahaa bilicda magaalooyinka Puntland. Shirka waxaa ka soo qaybgalay dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah ee arrimaha deegaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maamulka Gobollada, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Puntland, iyo xubnaha goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland. Waxa kale oo shirka ka qaybqaatay khubaro iyo ururo ku shaqo leh ilaalinta deegaanka kuwaas oo talooyin muhiim ah ku soo biiriyey ajendaha shirka. Intii uu socday shirkan, waxaa si gaar ah loogu falanqeeyey doorka muhiimka ah ee ay bulshada ku leedahay ilaalinta deegaanka iyo la dagaallanka isbeddelka cimilada, gaar ahaan xaaladaha sii xumaanaya ee laga dareemayo deegaanka Puntland. Qodobada shirka ayaa sidoo kale lagu xusay caqabadaha hadda jira, sida kororka qashinka magaalooyinka, xaalufinta dhirta, iyo saameynta ka dhalata adeegyada qashin ururinta oo aan weli si buuxda loo hagaajin. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo kalmad muhiim ah ka jeediyey shirka 6-aad ee Arrimaha Deegaanka, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada shaqada ay qabteen iyo sida ay uga go’an tahay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka deegaanka ee gobolka. Wasiirka ayaa ku adkeeyey Maamulada Gobollada iyo Degmooyinka Puntland in ay si dhow uga shaqeeyaan ilaalinta bilicda iyo nadaafada magaalooyinka, taas oo kaalin weyn ka qaadanaysa yareynta saameynta taban ee isbeddelka cimilada. Sidoo kale, Wasiirka ayaa shacabka kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaataan ilaalinta deegaanka. Wuxuu xusay in bulshada looga baahan yahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xakameynta qashinka iyo in ay iska ilaaliyaan wax kasta oo waxyeelo u geysan kara deegaanka, sida isticmaalka aan xakamayn lahayn ee bacaha iyo xaalufinta dhirta. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay taageerto dadaallada lagu hormarinayo bilicda magaalooyinka, iyadoo la hirgelinayo barnaamijyo ku salaysan wacyigelin bulshada iyo dhiirrigelinta adeegyada nadaafadda. Intii uu shirku socday, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaal cusub oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa isbeddelka cimilada oo saameyn weyn ku leh nolosha dadka iyo deegaanka Puntland. Wasaaradda Deegaanka ayaa soo jeedisay qorshooyin horumarineed oo ku saabsan sidii loo yarayn lahaa saameynta roob yarida iyo abaaraha, kuwaas oo si gaar ah u taabanaya bulshooyinka miyiga ah. Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo dhiirrigelin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, iyo hay’adaha caalamiga ah si loo gaaro ujeeddooyinka la xiriira horumarinta iyo ilaalinta deegaanka Puntland. Khubarada iyo daneeyayaasha shirka ka qaybgalay ayaa si wadajir ah u soo bandhigay talooyin wax ku ool ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada. Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ugu baaqay dhammaan maamullada gobolka iyo shacabka Puntland in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta deegaanka. Wuxuu carabka ku adkeeyey in nadaafada magaalooyinka iyo ilaalinta bilicda ay muhiim u yihiin caafimaadka bulshada iyo horumarka guud ee Puntland. Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada ku aaddan barnaamijyada deegaanka si loo xaqiijiyo mustaqbal ka wanaagsan Puntland oo cagaaran. Shirkan oo ahaa kii 6-aad ee noociisa ah ayaa la filayaa in uu dhiirrigeliyo dadaallada socda iyo kuwa mustaqbalka ee lagu horumarinayo nadaafadda magaalooyinka iyo ilaalinta deegaanka Puntland. Dhammaan talooyinka iyo go’aannada shirka ka soo baxay ayaa noqon doona kuwo lagu dhaqangeliyo dhammaan gobollada iyo degmooyinka Puntland, iyadoo diiradda la saarayo ilaalinta deegaanka iyo wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada. “kadaalaco sawirada linkigan hoose https://www.facebook.com/share/p/WvRW3oY6yEJKdYUN/”

465714235 978157257688983 6204394783476788853 n
Arrimaha Gudaha DPL.

FARIISINTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA GAROWE EE GOBOLKA NUGAAL.

Garowe: November 09, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa dhisay Golaha Deegaanka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal. Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal waxaa ka soo qaybgalay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga, Guddoomiyaha Maxkamadda darjada 1-aad ee Degmada Garowe, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland iyo marti sharaf kala duwan oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada Caasimadda. Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee 23-kii july 2024 ka qabsoontay 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal oo ka mid ah Degmooyinka Puntland oo hore looga soo qabtay doorashooyinka Golayaasha Deegaanka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal ee ku yimi habka is bahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Puntland sida uu qabo qodobka 29aad farqaddiisa 2-aad. Sidoo lale, Wasiirka ayaa u hambalyeeyey dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Garowe ee la doortay, kuwaas oo maanta yeeshay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka, Guddoomiyaha Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal waxaa ku guulaystay Mudane Cabduqaadir Maxamed Axmed (Geedi) oo ka soo baxay Xisbiga Kaah. sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka waxaa ku guulaystay Maxamed Cali (Xamari) oo ka soo baxay Xisbiga Kaah. Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddiga doorashooyinka Puntland (PEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka Reer Puntland. Dhammaad

465597435 974966374674738 2407080690389746928 n
Arrimaha Gudaha DPL., WAR-SAXAAFADEED

π— π—¨π——π—˜π—¬π—‘π—§π—” 𝗙𝗔π—₯π—œπ—œπ—¦π—œπ—‘π—§π—” π—šπ—’π—Ÿπ—˜π—¬π—”π—”π—¦π—›π—” π——π—˜π—˜π—šπ—”π—”π—‘π—žπ—” π—˜π—˜ π——π—˜π—šπ— π—’π—’π—¬π—œπ—‘π—žπ—” π—šπ—”π—₯𝗒π—ͺπ—˜, π——π—”π—‘π—šπ—’π—₯𝗔𝗬𝗒 π—œπ—¬π—’ π—šπ—’π——π—’π—•-π—π—œπ—₯𝗔𝗔𝗑.

Ku: Dhammaan Xubnaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan ee Gobolka Nugaal. Ku: Guddoomiyaha Gobolka Nugaal. Og: Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Nugaal. Og: Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland. Og: Madaxweynaha Dowladda Puntland. Ujeeddo: Wargelin Jadwalka Dhismaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan ee Gobolka Nugaal. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaha Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal in ay u diyaar garoobaan waajibaadyada u dhimman ee dhaarta iyo fariisinta Goleyaasha Deegaanka. Sidoo kale, waxaa lagu wargelinayaa Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Xisbiyada Siyaasadda ee soo dhistay 3-da Degmo in ay ka qayb qaataan fududeynta fariisinta iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal. Jadwalka Dhismaha Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal. πƒπžπ π¦πšππš π†πšπ«π¨π°πž. 1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka 05 – 08 November 2024. 2. Dhaartinta iyo fariisinta 09 November 2024. πƒπžπ π¦πšππš πƒπšπ§π π¨π«πšπ²π¨. 1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka 06- 12 November 2024. 2. Dhaarinta iyo Fariisinta 13 November 2024. πƒπžπ π¦πšππš 𝐆𝐨𝐝𝐨𝐛-𝐣𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧. 1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka 10 – 15 November 2024. 2. Dhaarta iyo Fariisinta 16 November 2024. Fiiro gaar ah: waxaa jiri doona Masuuliyiin Wasaaraddu u xilsaartay fududeynta dhismaha dhammaan Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.

464038926 964730675698308 7395914616072644275 n
Arrimaha Gudaha DPL., Uncategorized

TABABARKA SHAQAALAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Garowe: October 21, 2024: Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland oo qaatay Tababar ku saabsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland. Tababarkaan oo ay bixinayeen masuuliyiin ka socday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland, ayaa Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa si fiican loo baray Cutubyada kala duwan ee wax-kabadalka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland, kaas oo waxkabadalkii u dambeeyey lagu sameeyey December 2022. Madaxa Shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Abshir Hassan Mohamed oo soo dhaweeyey hawl-wadeenadii tababarka bixinayey ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada sida ay uga go’antay in shaqaalaha Dowladda lagu tababaro xeerarka kala duwan ee Hay’adaha Dowladda. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri oo dedaal badan geliyey in la taabo geliyo Tababarka iyo tayada Shaqaalaha iyo hawl-wadeenada kale ee Wasaaradda, ayaa markasta waxaa ka go’an in la helo shaqaale tayo leh kuna filan shaqooyinka Wasaaradda ka socda ee ay u idmanyihiin.

Scroll to Top