TABABARKA XALINTA KHILAAFAADKA DHULKA, DEGMADA BUUTINLE EE GOBOLKA NUGAAL.

Buurtinle: December 04, 2024: Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo dib u heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Cabduqaadir Cabdimaalik Maxamuud ayaa Guddiga Khilaafadka dhulka iyo Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal u furay Tababar ku saabsiyo Maareynta Khilaafadka Dhulka.
Tababarkaan ayaa waxaa loogu talagalay in Golaha Deegaanka, Waaxda Dhulka, Guddiga xalinta khilaafadka dhulka iyo Maxkamadda darjada 1-aad ee Degmada Buurtinle lagu tababaro xeerarka kala duwan ee la xiriira dhulka sida Xeerka Hawlaha Guud ee dhulka iyo Xeer nidaamiyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhulka Magaalooyinka.
Sidookale, waxaa tababarkaan lagu bartay tabaha kala duwan ee lagu xaliyo khilaafadka dhulka iyo wada shaqaynta hay’addaha kala duwan ee Dowladda ee ku aadan xalinta khilaafaadka dhulka Magaalooyinka.
Tababarka waxa kaso qayab galay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Badhan, Guddiga xalinta khilaafadka heer Degmo, Waaxda Dhulka, Qaybaha Garsoorka, cuqaasha, dhalinyarada, laamaha amaanka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Buurtinle.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top