𝗠𝗨𝗗𝗘𝗬𝗡𝗧𝗔 𝗙𝗔𝗥𝗜𝗜𝗦𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗚𝗢𝗟𝗘𝗬𝗔𝗔𝗦𝗛𝗔 𝗗𝗘𝗘𝗚𝗔𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗘𝗘 𝗗𝗘𝗚𝗠𝗢𝗢𝗬𝗜𝗡𝗞𝗔 𝗚𝗔𝗥𝗢𝗪𝗘, 𝗗𝗔𝗡𝗚𝗢𝗥𝗔𝗬𝗢 𝗜𝗬𝗢 𝗚𝗢𝗗𝗢𝗕-𝗝𝗜𝗥𝗔𝗔𝗡.

Ku: Dhammaan Xubnaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan ee Gobolka Nugaal.
Ku: Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.
Og: Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Nugaal.
Og: Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland.
Og: Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Ujeeddo: Wargelin Jadwalka Dhismaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan ee Gobolka Nugaal.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaha Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal in ay u diyaar garoobaan waajibaadyada u dhimman ee dhaarta iyo fariisinta Goleyaasha Deegaanka.
Sidoo kale, waxaa lagu wargelinayaa Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Xisbiyada Siyaasadda ee soo dhistay 3-da Degmo in ay ka qayb qaataan fududeynta fariisinta iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal.
Jadwalka Dhismaha Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal.
𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐰𝐞.
1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka 05 – 08 November 2024.
2. Dhaartinta iyo fariisinta 09 November 2024.
𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐠𝐨𝐫𝐚𝐲𝐨.
1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka 06- 12 November 2024.
2. Dhaarinta iyo Fariisinta 13 November 2024.
𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐝𝐨𝐛-𝐣𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧.
1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka 10 – 15 November 2024.
2. Dhaarta iyo Fariisinta 16 November 2024.
Fiiro gaar ah: waxaa jiri doona Masuuliyiin Wasaaraddu u xilsaartay fududeynta dhismaha dhammaan Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top