Xingalool: June 17, 2025: Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah oo ay Weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Mudane Siciid Badmaax Jaamac iyo Xoghayaha Wasaaradda ahna ku simaha Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Abshir Hassan Mohamed ayaa xalay kulnan la qaatay maamulka iyo xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Xingalool, ku xigeenkiisa, Xogahayaha Dawladda Hoose iyo xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Xingalool.
Kulanka oo ay soo agaasintay Dawladda Hoose ee Degmada iyo Golaha Deegaanka ayaa wuxuu daaranaa isla-xisaabtan iyo kala warqaadasho u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, maamulka Gobolka Sanaag iyo Golaha Deegaanka Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag.
Intii kulanka socday ayaa waxaa looga dooday baahiyaha guud ee Degmada kuwa heer Gobol iyo Dawladda dhexe, sida helidda mashaariicda, ka qaybgalka wax qaybsiga Gobolka, helidda kastamka Degmada, xoojinta iyo ka qaybgalka adeegyada bulshada iyo Arrimaha deegaanka.
Dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Xingalool ee shirka joogay ayaa su’aalo kala duwan oo ku dhisan waajibaadyada shaqo ee loo doortay waydiiyey madaxda shirka joogtay.
Ugu dambeyntii ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax ayaa ka jaawaabay Dhammaan su’aalihii wax laga waydiiyey ee Degmada Xingalool iyo baahiyaheeda la xiriiray Wasiirka ayaa sheegay in Dawladdu la weelayn doono soo jeedinta Golaha Deegaanka iyo bulshada Degmada si deg deg ahna wax looga qaban doono iyada oo kala hormarinayo sida ay mudnaanta u kala leeyihiin.
Sidookale, Wasiir Cabdiraxmaan Khaliif ayaa xusay in ay muhiim tahay in la xoojiyo nidaamka maamulka Maaliyadeed ee Dawladda Hoose, lana kiciyo canshuuraha Degmada taas oo lagu duldhiso doono mashaariicda loo helo Degmada.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top