sanaag

492300360 1102870918550949 6825752916406080923 n
sanaag

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland oo kaashaneysa hay’adda KAALO ayaa si rasmi ah usoo gabagabeysay tababarro isdaba joog ah oo loogu talagalay Golaha Dhalinyarada ee degmooyinka Dangoroyo iyo Badhan.

• Kobcinta xirfadaha hoggaamineed • Aqoonta civics-ka iyo doorka muwaadinka • Isgaarsiin wax-ku-ool ah iyo wada-shaqeyn Degmo kasta waxaa tababarka ka faa’iidaystay 20 xubnood oo ka tirsan Golaha Dhalinyarada Degmada, kuwaas oo ka go’an inay door muuqda ka qaataan horumarinta bulshadooda. Tababarradan waxay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku horumarinayso kartida dhalinyarada, si ay mustaqbalka u noqdaan hoggaan wax-ka-bedel ku sameeya deegaanka ay ku nool yihiin ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

490490068 1095662602605114 7436209968379989053 n
sanaag

FURITAANKA GOGOSHA NABADEYNTA BEELAHA BAH-OGAYSLABE IYO MUXUMUD EE GOBOLKA SANAAG.

Ceelbuuh: April 14, 2025: Waftiga Dawladda Puntland ee uu hoggaamiyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ka qaybgalay furitaanka gogosha nabadeynta beelaha walaaha ah ee dirirtu ku dhexmartay Deegaanka Dooxada Dureera ee Gobolka Sanaag. Waftiga Dawladda Puntland ee gaaray Ceelbuuh ayaa koobnaa labada Gole ee Dawladda Puntland. Sidookale, waxaa gaaray Xildhibaan heer Federaal ee Puntland ku matala DFS, Culumo, Ganacsato iyo Siyaasiin kala duwan oo Reer Puntland ah. Dhanka dhaqanka waxaa ka soo qaybgalay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Ugaas Cabdifitaax Ugaas Yaasiin, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi Cartan iyo Islaan Xuseen Xaji Cabdi. Sidookale, shirka waxaa ka soo qaybgalay guddigii cuqaasha ahaa ee gacanta ku hayey muddadadii Bisha ahayd ee ka soo wareegtay dhacdadaan, guddiga cusub ee hawshaan la wareegay oo ka kooban 21 xubnood isugu jira Gobolada Nugaal, Bari iyo Sool. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa labada beelood ugu baaqay in ay u hogaansamaan go’aanka iyo garta ka soo baxda guddiga la qabtay awooddana la saaro nabadda, walaalnimada iyo wada noolaashaha bulshada walaaha ah ee wada dhalatay ee isku qoyska ah. Sidookale, Isimada dhaqanka Dawladda Puntland ee madasha joogay ayaa si isku mid ah ula hadlay beelaha walaaha ah ee dirirtu dhexmartay. Shirka dib u heshiisiinta beelaha ayaa sii socon doona waxaana wadaya oo lagu wareejiyey guddiga ka kooban 21 xubnood oo ka kooban Beelaha daarood. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

490914868 1095521189285922 5677356661447874555 n
sanaag

DHAGAX-DHIGGA GURIGA MARTI DEEGAANKA CEELBUUH EE GOBOLKA SANAAG.

Ceelbuuh: April 14, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa dhagax-dhiggay guriga Martida Deegaanka Ceelbuuh ee Gobolka Sanaag. Dhagax-dhigga waxaa Wasiirada ku weheliyey Guddoomiyaasha Gobolka Sanaag Mudane Siciid Badmaax Jaamac iyo Guddoomiyaha Gobolka Haylaan Maxamed Faarax Aaden, Guddoomiyaha Deegaanka Ceelbuuh, qayb ka mid ah xubnaha Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa dadka deegaanka Ceelbuuh ku amaanay sida wanaagsan ee ay uga qaybqaateen horumarka magaalada iyo arrimaha nabadeynta iyo is dhexgelka bulshada Gobolka. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

490175486 1093925706112137 3024999244453053308 n 1
sanaag

Ceelbuuh: April 12, 2025: Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa gaaray magaalada Ceelbuuh ee Gobolka Sanaag.

Waftiga Dawladda Puntland ee gaaray Ceelbuuh ayaa koobnaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-TA Mudane Ahmed Maxamuud Ahmed, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdirakiin Maxamed Xasan. Masuuliyiinta ayaa waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Ceelbuuh Guddoomiyaasha Gobolada Sanaag iyo Haylaan, Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo laamaha amaanka. Ujeeddadka safarkaan ayaa daaran xoojinta nabadda iyo ka qaybgalka furitaanka shirka nabadeynta beelaha Walaalaha ah ee dhawaan dirirtu ku dhexmartay Deegaanka Dooxada Dureera ee Gobolka Sanaag. Waftiga Dawladda ayaa inta ay ku suganyihiin magaalada Ceelbuuh waxay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada, kulamadaas oo lagu xoojinayo nabadda, horumarka iyo isdhex-galka bulshada Gobolka. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

475818574 1039109254927116 1069714813812067383 n
sanaag

Badhan: February 02, 2025: Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ka daahfurtay Kulanka Dadweynaha iyo Maamulka ee isla xisaabtanka iyo Daahfuraanta oo u dheexaya dawladda Hoose iyo dadweynaha Degmada Badhan.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa hawl wadeenada Wasaaradda iyo Kaalo. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

473589146 1023112693193439 4672799507094229794 n
sanaag

Dhahar: January 10, 2024: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa safar shaqo ku gaaray magaalada Dhahar ee Xarunta Gobolka Haylaaan.

Safarka Wasiir ayaa daaranaa kormeer iyo u kuur gelidda xaaladda guud ee Gobolka, intaas kadib Wasiirka ayaa la kulmay Maamulka Gobolka, Degmada Dhahar iyo masuuliyiin kala duwan ee heer Gobol iyo Degmo, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Maamulka Gobolka iyo Degmada iyo garab istaagga ciidamada amniga Dawladda Puntland. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top