DHAGAX-DHIGGA GURIGA MARTI DEEGAANKA CEELBUUH EE GOBOLKA SANAAG.

Ceelbuuh: April 14, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa dhagax-dhiggay guriga Martida Deegaanka Ceelbuuh ee Gobolka Sanaag.
Dhagax-dhigga waxaa Wasiirada ku weheliyey Guddoomiyaasha Gobolka Sanaag Mudane Siciid Badmaax Jaamac iyo Guddoomiyaha Gobolka Haylaan Maxamed Faarax Aaden, Guddoomiyaha Deegaanka Ceelbuuh, qayb ka mid ah xubnaha Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa dadka deegaanka Ceelbuuh ku amaanay sida wanaagsan ee ay uga qaybqaateen horumarka magaalada iyo arrimaha nabadeynta iyo is dhexgelka bulshada Gobolka.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top