Baran: June 23, 2025 – Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Mudane Yusuf Maxamed Wacays (Dhado), ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Baran ee Gobolka Sanaag.

Wafdiga Wasiirka waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mohamed Ali Farah (Farmayeri), iyo Abwaan Abdulqaadir Biriir, markii ay gaareen magaalada Baran, waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Maayarka Degmada Badhan, iyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Baran.
Masuuliyiinta waxay booqasho sharafeed iyo salaam ugu tageen Gurigiisa Suldaan Siciid Suldaan Abdisalaan Suldaan Mahamud Ali Shire, oo ka mid ah isimada waaweyn ee Puntland. Wasiiru-Dawlaha ayaa Suldaanka uga warbixiyey ujeeddada safarkooda iyo howlaha ay Wasaaraddu ka waddo Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Baran.
Suldaanka ayaa uga mahadceliyey booqashada wafdiga, wuxuuna xoojiyey shaqada wanaagsan ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka hayso Gobolka.
Ugu dambayn, Wasiiru-Dawlaha ayaa isna dhankiisa uga mahadceliyey Suldaanka sida diirran ee uu u soo dhaweeyey wafdiga, isagoo adkeeyey doorka muhiimka ah ee dhaqanka iyo isimadu ku leeyihiin nabadda iyo dowladnimada.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top