Ku: Xubnaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Raas-casayr.
Og: Isuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Raas-casayr.
Og: Guddoomiyaha Gobolka Raas-casayr.
Og: Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Ujeeddo: Shaacin Jadwalka furitaanka kalfadhiga Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Raas-casayr.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo tixgelinaysa soo jeedinta Guddoomiyaasha Degmooyinka, Guddoomiyaha Gobolka Raas-casayr iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Raas-casayr, waxay dib u soo saartay jadwalka cusub ee furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Raas-casayr, waana sidaan Hoose:-
1. Degmada Baargaal July 20, 2025.
2. Degmada Bareeda July 25, 2025.
3. Degmada Caluula August 02, 2025.
4. Degmada Gumbax August 06, 2025.
Sidaa darteed, waa in Degmo kasta u diyaar garowdaa qabashada kalfadhiga waqtiga loo asteeyey, waxaana imaan doonaa doona Masuuliyiinta Wasaaradda dhexe iyo heer Gobol haddii alle idmo.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
