Garowe: July 05, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa kulan mirodhal ah la yeeshay madaxda (UNDP), si ay uga wada hadlaan hirgelinta Qaab-Dhismeedka Maaliyadeed ee Isku-Dhafan (INFF).

Qaabkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda dowlad-goboleedyada ee qorsheynta horumarka waara iyo kor u qaadidda maalgelinta si loo gaaro Yoolalka Horumarka Waara (SDGs).
Kulanka oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo go’aan qaadasho ku saleysan caddeyn (evidence-based policymaking), ayaa si gaar ah waxaa loogu falanqeeyey qorshaha lagu horumarinayo Qaabka Dhaqaaleed ee Isku-Dhafan (Computable General Equilibrium – CGE Model). Qaabkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in la helo xog iyo saadaal sugan oo ku aaddan sameynta siyaasadaha iyo barnaamijyada horumarineed, si go’aamada la qaadanayo ay u noqdaan kuwo waxtar leh, la isku halleyn karo, isla markaana u adeegaya geeddi-socodka INFF iyo qorsheyaasha horumarineed ee dalka.
Qodobbada diiradda la saaray kulanka waxaa kamid ahaa:
1. Faa’iidada CGE Model – Khubarada UNDP waxay sharaxaad ka bixiyeen sida CGE model uu gacan uga geysan karo qiimeynta saameynta siyaasadaha kala duwan iyo kobcinta fahamka dhaqaale ee ku saleysan tijaabooyinka iyo saadaasha xogta.
2. Baahida Qiimeynta Suurtagalnimada (Feasibility Assessment) – Ka hor inta aan la bilaabin hirgelinta CGE model, waxaa la isla gartay in la sameeyo daraasad suurtagalnimo oo lagu qiimeynayo:
• Helitaanka xogaha lagama maarmaanka u ah
• Heerka ka-qaybgalka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda
• Is-waafajinta habraacyada farsamo iyo xog ururin
• Baahida tababbarro iyo dhisidda awoodda hay’adaha
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Abdi Farah juxa oo uu weheliyo Lataliyaha Mashaariicda ee Wasaaradda, Mudane Mohamed Geelle , ayaa muujiyey sida ay muhiim u tahay horumarinta iyo hirgelinta CGE model-ka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa xusey in qaabkan uu muhiim u yahay Wasaaradda gaar ahaan dhanka dejinta siyaasado dhaqaale oo ku saleysan xaqiiqo, taasoo suurto gelin karta in kor loo qaado dakhliga gudaha (canshuuraha), si adeegyo tayo leh loo gaarsiiyo degmooyinka Puntland.
Ugu dambeyn, kulanka waxaa hoosta laga xariiqay in la xoojiyo nidaamka maaliyadeed ee heer degmo iyo heer wasaaradeed ba iyo sidii dhaqaale loogu shubi lahaa degmooyinka si loo hormariyo adeegyada ay gaarsiinayaan bulshada.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top