Author name: Eng Mohamett Mohamoutt

515979278 1158869082951132 7964005697789945280 n
nugaal

Garowe: July 05, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa kulan mirodhal ah la yeeshay madaxda (UNDP), si ay uga wada hadlaan hirgelinta Qaab-Dhismeedka Maaliyadeed ee Isku-Dhafan (INFF).

Qaabkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda dowlad-goboleedyada ee qorsheynta horumarka waara iyo kor u qaadidda maalgelinta si loo gaaro Yoolalka Horumarka Waara (SDGs). Kulanka oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo go’aan qaadasho ku saleysan caddeyn (evidence-based policymaking), ayaa si gaar ah waxaa loogu falanqeeyey qorshaha lagu horumarinayo Qaabka Dhaqaaleed ee Isku-Dhafan (Computable General Equilibrium – CGE Model). Qaabkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in la helo xog iyo saadaal sugan oo ku aaddan sameynta siyaasadaha iyo barnaamijyada horumarineed, si go’aamada la qaadanayo ay u noqdaan kuwo waxtar leh, la isku halleyn karo, isla markaana u adeegaya geeddi-socodka INFF iyo qorsheyaasha horumarineed ee dalka. Qodobbada diiradda la saaray kulanka waxaa kamid ahaa: 1. Faa’iidada CGE Model – Khubarada UNDP waxay sharaxaad ka bixiyeen sida CGE model uu gacan uga geysan karo qiimeynta saameynta siyaasadaha kala duwan iyo kobcinta fahamka dhaqaale ee ku saleysan tijaabooyinka iyo saadaasha xogta. 2. Baahida Qiimeynta Suurtagalnimada (Feasibility Assessment) – Ka hor inta aan la bilaabin hirgelinta CGE model, waxaa la isla gartay in la sameeyo daraasad suurtagalnimo oo lagu qiimeynayo: • Helitaanka xogaha lagama maarmaanka u ah • Heerka ka-qaybgalka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda • Is-waafajinta habraacyada farsamo iyo xog ururin • Baahida tababbarro iyo dhisidda awoodda hay’adaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Abdi Farah juxa oo uu weheliyo Lataliyaha Mashaariicda ee Wasaaradda, Mudane Mohamed Geelle , ayaa muujiyey sida ay muhiim u tahay horumarinta iyo hirgelinta CGE model-ka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa xusey in qaabkan uu muhiim u yahay Wasaaradda gaar ahaan dhanka dejinta siyaasado dhaqaale oo ku saleysan xaqiiqo, taasoo suurto gelin karta in kor loo qaado dakhliga gudaha (canshuuraha), si adeegyo tayo leh loo gaarsiiyo degmooyinka Puntland. Ugu dambeyn, kulanka waxaa hoosta laga xariiqay in la xoojiyo nidaamka maaliyadeed ee heer degmo iyo heer wasaaradeed ba iyo sidii dhaqaale loogu shubi lahaa degmooyinka si loo hormariyo adeegyada ay gaarsiinayaan bulshada. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

516523778 1158537659650941 3498395428657268488 n
Bari

Bosaaso: July 05, 2025:Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa maanta goobjoog ka ahayd furitaanka kalfadhiga 36-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso.

Munaasadda daahfurka kalfadhiga waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu hogaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland, H.E Abdirahman Khaliif Faarah, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland, Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri, Guddoomiyaha Gobalka Bari Mudane Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon), Kusimaha Agaasimaha Waaxda Dawladaha Hoose Abshir Hassan Mohamed iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Bari Maxamed Axmed Maxamuud (Ugaas). Sidookale, waxaa ka soo qaybgalay Taliska qaybta booliiska Gobolka Bari, Maamulka iyo xubnaha Golaha Deegaanka, ururada bulshada Rayidka ah iyo qaybaha kala duwan ee dadweynaha magaalada Bosaaso. Intii munaasabaddu socotay waxaa xilkii Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Bosaaso iska Casilay Guddoomiyihii Degmada Mudane Cabdifitaax Cismaan Shalne, waxayna Wasaaraddu ku dhawaaqday in Guddoomiye ku xigeenka Degmada uu shaqada sii wado inta laga soo dooranayo Guddoomiyaha Degmada oo la muddooyey in doorashadu dhacdo July 09, 2025. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

515714034 1158000296371344 1740726827190185393 n
Bari

Carmo: July 04, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa maanta Degmada Carmo ee Gobolka Bari ku qabatay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Degmada Carmo iyadoo Golaha Deegaanka degmadu ay si xor ah oo dimuqraadi ah ugu codeeyeen Gudoomiyaha cusub.

Waxaa munaasabada doorashada Guddoomiyaha Degmada Carmo goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu hogaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland, H.E Abdirahman Khaliif Faarah , Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland, Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri Guddoomiyaha Gobalka Bari Mudane Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) iyo Kusimaha Agaasimaha Waaxda Dawladaha Hoose Abshir Hassan Mohamed. Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Carmo waxaa isu soo taagay Hal Musharax oo ah Maxamed Geelle Siciid. Sidaa darteed, waxay doorashadu u dhacday hab xor ah oo xaal ah waxaana Guddoomiyaha gacanta u taagay 27 Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Degmada Carmo ka koobanyahay, majirin cid diiday iyo cid ka aamustay. Waxaa Natiijada Rasmiga ah ee doorashada Duqa cusub ee Degmada Carmo ku dhawaaqay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, intaas kadib waxaa la guda galay daarinta Guddoomiyaha cusub. Guddoomiyihii hore ee Degmada Carmo, Maxamed Cali Shire oo si rasmi ah isaga casilay xilka Guddoomiyaha Degmada June 26, 2025, waxa uu isla maanta oo taariikhdu tahay July 04, 2025, si sharaf leh xilka ugu wareejiyey guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay. Doorashadan ayaa ku dhacday jawi nabdoon, hufan sido kalena Hannaanka doorashada ayaa ahaa mid si xor ah, xalaal ah oo hufan taasoo muujinaysa kalsoonida bulshada iyo horumarka laga sameeyay geeddi-socodka dimuqraadiyadda Dawladda Puntland. Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa si weyn u bogaadiyay doorkii uu qabtay Guddoomiyihii hore, Maxamed Cali Shire, gaar ahaan horumarka, nabadgelyada, iyo adeegsiga maamulka wanaagsan ee uu muujiyay muddadii uu xilka hayay. Sidoo kale, waxay ammaan u jeediyeen Golaha Deegaanka degmada Carmo oo ku dhaqmay habraac dimuqraadi ah oo hufan. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dawladda Puntland waxay mar walba garab taagan tahay Dawladaha hoose, waxayna dhiirrigelisaa in Guddoomiyaha cusub uu sii xoojiyo wada-shaqeynta bulshada, Hay’adda kala duwan Dawladda, daahfurnaanta, iyo adeegyada muhiimka ah ee Degmada Carmo u baahantahay in laga qabto in ka dhiman muddo xileedka Golaha Deegaanka. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

515103698 1156432953194745 4346960368179015756 n
nugaal

Garowe: July 02, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa oo Weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa Shahaado-sharaf guddoonsiiyay Guddoomiyaasha Gobollada Mudug iyo Sanaag.

Laba Guddoomiye Gobol ayaa abaalmarintaan ku muteystay xoojinta xiriirka maalinlaha ah ee ku saabsan hawlaha shaqo ee heer Gobol, taasoo fure u noqotay in si wax ku ool ah wax looga qabto baahiyaha shacabka ee heer Gobol iyo Degmo. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

514288580 1156384326532941 8191461042419174534 n
Arrimaha Gudaha DPL.

Garowe: July 02, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland, Mudane Abdi Farah Juxa oo ay wehliyeen Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyeyaasha Gobollada, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Isuduweyaasha Wasaaradda ee heer gobol.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dedaallada lagu dardargelinayo qorshaha xukuumadda ee Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni dhawaan iclaamiyey in ay ka soo baxaan shirkii laba maalmood socday ee looga hadlayey arrimaha maamul-baahinta, tayeynta adeegyada Dawladeed iyo xoojinta Dawladnimada Puntland. Wasiirka ayaa kulanka ka jeediyey khudbad muhiim ah oo uu ku dhiirrigeliyay madaxda heerarka kala duwan in ay ka shaqeeyaan xoojinta xiriirka dowladda dhexe, Gobollada iyo Dawladaha Hoose, fulinta adeegyada bulshada iyo u diyaar garowga kalfadhiyada Goleyaasha Deegaanka ee qorshaysan. Kulanka oo si habsami leh u dhacay ayaa diiradda lagu saaray: 1. Xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dawliga ah. 2. Dardargelinta qorshayaasha horumarineed ee Gobolladda iyo Degmooyinka. 3. Tixgelinta baahiyaha gaarka ah ee degmooyinka iyo bulshada deegaanka. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo jeediyey khudbad ayaa adkeeyey in Wasaaraddu ay si dhow ula shaqeyn doonto dhammaan maamulka Gobollada iyo Dawladaha Hoose hoose si loo gaaro yoolalka horyaalla Dowladda Puntland ee dhinaca maamul-wanaagga iyo dimuqraadiyadda. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

514106502 1153309063507134 8146912897019005519 n
Bari

Balli-dhidin JUNE 2025 :Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah Ayaa ka daahfurtay taxane ololeyaal wacyigelin dadweyne ah oo ka dhacay degmooyinka Carmo, Iskushuban, Ufeyn, iyo Balidhidin, oo qayb ka ah Mashruuca Xasilinta Calmiskaad.

Kulamada Wacyigalintu waxa kasoo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan sida, odayaasha, culimada, haweenka iyo dhallinyarada, si kor loogu qaado wadahadal bulsho, loona xoojiyo maamulka Degmooyinka, loona dhiirrigeliyo nabadda. Ayadoo lagu booriyey muhiimada ay leedahay midnimada bulshada, ka hortagga saameynta kooxaha xagjirka ah, iyo fahamka kala dambeynta dowladda ee bixinta adeegyada iyo sugidda xasiloonida. Waxay bulshadu ugu baaqeen inay si firfircoon uga qayb qaataan hanaanka maamul-wanaagga oo ay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta degmooyinka si loo ilaaliyo nabadda iyo horumarka. Mashruuca Xasilinta Calmiskaad, oo ay hoggaaminayso Wasaaradu, wuxuu leeyahay ujeedooyin ay ka mid yihiin: dhisidda kalsoonida bulshada ee hay’adaha dawladda, la dagaalanka fikradaha xagjirka ah, iyo xoojinta adkaysiga degmooyinka ay saamayso amni daradu. Wacyigelintaaanu waxay qayb muhiim ah ka yihiin istiraatiijiyadda Wasaradda ee ku saleysan wada-shaqeyn ta iyo ka qayb qaadashadaan, iyagoo bixinaya fursad lagu soo bandhigo aragtiyada bulshada, loona waafajiyo dadaallada dejinta baahiyaha deegaanka. Hirgalinta ololayaashan waxay cadeyn u tahay sida Wasaarada ay uga go’antahay maamul daahfuran, ka qayb qaadashada bulshada, iyo nabad waarta oo ka hirgasha guud ahaan Puntland in la gaaro. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

514116021 1153302953507745 6875546031635314956 n
Bari

ISKUSHUBAN JUNE 2025 :Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah Ayaa ka daahfurtay taxane ololeyaal wacyigelin dadweyne ah oo ka dhacay degmooyinka Carmo, Iskushuban, Ufeyn, iyo Balidhidin, oo qayb ka ah Mashruuca Xasilinta Calmiskaad.

Kulamada Wacyigalintu waxa kasoo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan sida, odayaasha, culimada, haweenka iyo dhallinyarada, si kor loogu qaado wadahadal bulsho, loona xoojiyo maamulka Degmooyinka, loona dhiirrigeliyo nabadda. Ayadoo lagu booriyey muhiimada ay leedahay midnimada bulshada, ka hortagga saameynta kooxaha xagjirka ah, iyo fahamka kala dambeynta dowladda ee bixinta adeegyada iyo sugidda xasiloonida. Waxay bulshadu ugu baaqeen inay si firfircoon uga qayb qaataan hanaanka maamul-wanaagga oo ay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta degmooyinka si loo ilaaliyo nabadda iyo horumarka. Mashruuca Xasilinta Calmiskaad, oo ay hoggaaminayso Wasaaradu, wuxuu leeyahay ujeedooyin ay ka mid yihiin: dhisidda kalsoonida bulshada ee hay’adaha dawladda, la dagaalanka fikradaha xagjirka ah, iyo xoojinta adkaysiga degmooyinka ay saamayso amni daradu. Wacyigelintaaanu waxay qayb muhiim ah ka yihiin istiraatiijiyadda Wasaradda ee ku saleysan wada-shaqeyn ta iyo ka qayb qaadashadaan, iyagoo bixinaya fursad lagu soo bandhigo aragtiyada bulshada, loona waafajiyo dadaallada dejinta baahiyaha deegaanka. Hirgalinta ololayaashan waxay cadeyn u tahay sida Wasaarada ay uga go’antahay maamul daahfuran, ka qayb qaadashada bulshada, iyo nabad waarta oo ka hirgasha guud ahaan Puntland in la gaaro. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

514346857 1153267546844619 7469287710101092692 n
Bari

𝐖𝐚𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧 𝐣𝐚𝐝𝐰𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐚𝐡𝐧𝐚 𝐃𝐮𝐪𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐦𝐨.

Ku: Guddoomiye ku xigeenka Degmada Carmo Ku: Dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Carmo ee Gobolka Bari. Og: Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Bari Og: Guddoomiyaha Gobolka Bari Og: Madaxweynaha Dawladda Puntland 𝑼𝒋𝒆𝒆𝒅𝒅𝒐: Wargelin Jadwalka Doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Carmo. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo tixtaacaysa qoraalka ku taariikhaysan June 28, 2025, kana soo baxay Xafiiska Guddoomiye ku xigeenka Degmada Carmo, kuna saabsan magacaabis Guddiga doorashada Guddoomiyaha Degmada Carmo, waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Carmo in ay u diyaar garoobaan doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Carmo 𝗝𝗮𝗱𝘄𝗮𝗹𝗸𝗮. 1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka 𝐉𝐮𝐧𝐞 𝟐𝟖, 𝟐𝟎𝟐𝟓 ilaa 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟎𝟑, 𝟐𝟎𝟐𝟓 2. Dhaarta iyo doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟎𝟒, 𝟐𝟎𝟐𝟓. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

514093737 1154863880018319 2024209805820488404 n
Bari

CARMO JUNE 29, 2025 :Wasiir doowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeenta Doowlada puntland Yuusuf Mohamed Wacays Dhado ayaa furey Kulanka La-tashiga Guddiyada Xasilinta Nabadda iyo Wacyigelinta Bulshada

Kulanka la-tashiga ee lagu qabtay magaalada Carmo wuxuu ahaa mid muhiimad weyn u leh xoojinta nabadgelyada iyo wada-shaqeynta bulshada iyo guddiyada nabadda. Ujeedada ugu weyn ee shirkan waxay ahayd: In la xoojiyo wada-shaqeynta guddiyada nabadda iyo amniga iyo bulshada deegaanka, si si wadajir ah looga hortago khilaafaadka una suurtagasho deegaan xasiloon oo nabad ah. Kordhinta wacyigelinta bulshada si loo fahmo xaaladaha amni ee deegaanka iyo doorka ay bulshada ku leeyihiin ilaalinta nabadda. Intii uu socday kulanka, waxaa la isla gartay in la xoojiyo iskaashiga dhallinyarada, haweenka, odayaasha, aqoon yahnka iyo maamulka degmada. Sido kale in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah ee lagu xallinayo caqabadaha haysta guddiyada xasilinta nabada. Waxaa looga hadlay doorka muhiimka ah ee guddiyada xasilinta nabaddu ku leeyihiin deegaanka, iyadoo si buuxda laysula qaatay in guddiyadan ay yihiin dadaallada xasillinta nabada degaanka Carmo. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

504378235 1153243680180339 4221786637729561900 n
Bari

Bosaaso: June 28, 2025: Xildhibaan Layla aadan Isxaaq ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay ka mid noqoshada Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso Gobolka Bari.

waxaa goob joog ka ahaa madasha xildhibaanadda xaasaanadda lagu siiyey Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon). Xildhibaan Leylo Aadan oo ka mid ah Bulshada Koonfur galbeed ee Degan Puntland ayaana bedeshay Cabdirisaaq Axmed Cali (Galinba Ceyn) oo ka wada tirsanayeen Xisbiga Mideeye oo ay ugu qornayd booska (B). Gudoomiyaa Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobolka Bari ayaana si rasmi ah ugu dhaariyay xubinmada Golaha deegaanka waxaana ka qaybgalay Maamulka Gobolka Bari Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka iyo Masuuliyiin kale. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top