UFAYN JUNE 2025 :Wasiir doowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeenta Doowlada puntland Ayaa ka daahfurtay taxane ololeyaal wacyigelin dadweyne ah oo ka dhacay degmooyinka Carmo, Iskushuban, Ufeyn, iyo Balidhidin, oo qayb ka ah Mashruuca Xasilinta Calmiskaad.
Kulamada Wacyigalintu waxa kasoo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan sida, odayaasha, culimada, haweenka iyo dhallinyarada, si kor loogu qaado wadahadal bulsho, loona xoojiyo maamulka Degmooyinka, loona dhiirrigeliyo nabadda. Ayadoo lagu booriyey muhiimada ay leedahay midnimada bulshada, ka hortagga saameynta kooxaha xagjirka ah, iyo fahamka kala dambeynta dowladda ee bixinta adeegyada iyo sugidda xasiloonida. Waxay bulshadu ugu baaqeen inay si firfircoon uga qayb qaataan hanaanka maamul-wanaagga oo ay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta degmooyinka si loo ilaaliyo nabadda iyo horumarka. Mashruuca Xasilinta Calmiskaad, oo ay hoggaaminayso Wasaaradu, wuxuu leeyahay ujeedooyin ay ka mid yihiin: dhisidda kalsoonida bulshada ee hay’adaha dawladda, la dagaalanka fikradaha xagjirka ah, iyo xoojinta adkaysiga degmooyinka ay saamayso amni daradu. Wacyigelintaaanu waxay qayb muhiim ah ka yihiin istiraatiijiyadda Wasaradda ee ku saleysan wada-shaqeyn ta iyo ka qayb qaadashadaan, iyagoo bixinaya fursad lagu soo bandhigo aragtiyada bulshada, loona waafajiyo dadaallada dejinta baahiyaha deegaanka. Hirgalinta ololayaashan waxay cadeyn u tahay sida Wasaarada ay uga go’antahay maamul daahfuran, ka qayb qaadashada bulshada, iyo nabad waarta oo ka hirgasha guud ahaan Puntland in la gaaro. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.









