Author name: Eng Mohamett Mohamoutt

511308133 1147122770792430 2449729946791377740 n
haylaan

BURAAN 21 JUNE 2025 : Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Mudane Yuusuf Mohamed Wacays Dhado oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri , ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay degmada Buraan ee gobolka Haylaan.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay degmada Buraan, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Guddoomiyaha degmada Buraan Mudane Ismaaciil Cabdi Gurey, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Haylaan Mudane Fuaad Maxamed Muuse, iyo Taliyaha Saldhigga Booliska ee degmada Buraan G/sare Siciid Shalmad. Intii uu socday socdaalka, Wasiir Dowlaha iyo wafdigiisa waxay kormeer ku tageen xarumo muhiim ah oo ku yaalla deegaanka, waxayna la yeesheen kulammo wadatashi iyo xog-is-weydaarsi ah madaxda deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Mas’uuliyiintu waxay ka qeyb geli doonaan furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka ee Buraan, oo ah mid muhiim u ah xoojinta ka qaybgalka shacabka iyo kobcinta maamulka hoose, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta Puntland waxay sii wadi doontaa howlaheeda ku aaddan xoojinta dowlad-dhiska, kor u qaadista tayada adeegyada degmooyinka, iyo hirgelinta maamul daadejin ku saleysan sharciga iyo hufnaanta. ▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

509737006 1144920101012697 4232340913912668080 n 2
Bari

Furitaanka Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Xumbays.

Xumbays: June 16, 2025: Gudoomoye ku-xigeenka Gobolka Karkaar Xiir Yusuf Caamir ayaa maanta si rasmi ah u furay kal-fadhiga 2-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Xumbays ee Gobolka Karkaar, iyadona ay kasoo qaybgaleen Gudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada iyo Nabadoono waxgarad Cuqaal iyo Masuuliyiin kale. Kal-fadhiga ayaana inta uu socdo looga Doodaaya horumarada laga qabtay degmada iyo qorshayaasha cusub iyo talaabooyinka lagu horumarinaayo degmada. Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Karkaar Xiir Yusuf Caamir ayaana kula dardaarmay Gudoonka iyo Golaha deegaanka in ay ka shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa Horumarinta iyo amniga Deegaanka u adeegida Bulshada soo dooratay madama Golayaashu matalaan codka shacabka, waana meelaha laga saadaaliyo mustaqbalka degmada loona baahan yahay in ay yeeshaan doodo masiiri ah oo u hiiliya waxqabadka iyo horumarinta kor u qaadida Caafimaadka Biyaha iyo adeegyada Bulshada. Dhammaad.

509737006 1144920101012697 4232340913912668080 n 1
sanaag

Dhahar: June 18, 2025: ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Kalfadhiyada 3-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan.

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Dhahar Bashiir Maxamed Ciise ayaa khudbadiisa rasmiga ku daahfuray agenjadaha shirka iyo waxbadkii Golaha intii labadaba kalfadhiga u dhaxaysay. Furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Dhahar ee Xarunta Gobolka Haylaan waxaa goobjoog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Haylaan Mudane Maxamed Aaden Faarax, Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ahna ku simaha Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Abshir Hassan Mohamed, Guddoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa Degmada Dhahar Bashiir Maxamed Ciise Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dhahar, Laamaha amniga Degmada, ururka Haweenka Degmada, Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Dhahar, guurtida iyo cuqaasha Degmada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada. Wasiir ku-xigeenka ahna ku simaha Wasiirka oo khudbad ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Dhahar ayaa ku bogaadiyey Golaha Deegaanka sida ay uga go’an tahay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isagoo xusay in dowladdu ay garab taagan tahay dadaallada lagu horumarinayo Degmada. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay marwalba xoojinaysaa in Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee shacabku soo doortay in ay dadka ugu adeegaan si hufan, waxtar leh, kuna dhisan kalsoonida dadweynaha soo doortay, waxaana lagu kormeeri doonaa ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta waajibaadka shaqo ee fulinta. Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL wuxuu bogaadiyey Maamulka Degmada, Xubnaha Golaha Deegaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee Degmada Dhahar, wuxuuna kula dardarmaay in ay xoojiyaan isku duubnaanta, hufnaanta shaqo iyo in ay xalintaas khilaafaadka gudahooda ah iyo u aaddgidda bulshada si wada jir ah. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

508427060 1144920207679353 3154649811573660420 n
Arrimaha Gudaha DPL.

Garowe: June 18, 2025: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa shir isugu yeeray Dawladda Hoose ee Degmada Garowe iyo Wasaaradda Caafimaadka heer Gobolka Nugaal.

Shirkaan ku saabsanaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Dawladda Hoose ee Degmada Garowe iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Gobol ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka heer Gobol, iyo Maamulka Degmada Garowe. Shirkan oo ay qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa ujeeddadiisu ahayd in si qoto dheer looga doodo, loogana heshiiyo sidii loo hagaajin lahaa wadashaqaynta dhinacyadan iyo maamul-baahinta adeegyada caafimaadka asaasiga ah ee Degmada Garowe ee Caasumadda Dawladda Puntland. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Cali Faarax ayaa carrabka ku adkeeyay in arrinta ugu weyn ee ay arkaan ay tahay isku-dulsaarid shaqo (overlapping roles) oo ka dhex jirta Degmada iyo Wasaaradda marka ay timaaddo taageerada xarumaha caafimaadka. Ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ayaa l xusay in heshiiskii wareejinta maamul-baahinta uu si cad u qeexay doorka Degmada, isla markaana ay muhiim tahay in si buuxda loo fuliyo. Dhinaciisa, Guddoomiye ku xigeenka Degmada Garowe wuxuu shirka la wadaagay tallaabooyinkii ay qaadeen tan iyo markii lagu wareejiyay shan xarun caafimaad oo asaasi ah, Waxaana uu sheegay inay kormeereen xarumaha, gaarsiiyeen dawooyin, isla markaana ay wax ka qabteen baahiyo asaasi ah sida korontada iyo nadaafadda. Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu soo bandhigay iskaashi ay la yeesheen hay’adda fulinaysa mashruuca Damal Caafimaad oo gacan ka geysta dayactirka iyo bixinta dawooyinka xarumaha caafimaadka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa tilmaamay in heshiiska Damal Caafimaad ee Degmadu ay gashay aanu soo marin Wasaaradda, taasoo keentay xoogaa isfaham la’aan ah. Shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu lafa guray arrimaha shaqaalaha xarumaha caafimaadka, kuwaas oo mushaharkooda horay uga qaadan jiray Mashruuca Damal Caafimaad, Wasaaradda Caafimaadka ayaa hadda qorshaynaysa inay mas’uuliyadda mushaharka shaqaalaha u wareejiso Degmada. Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Nugaal ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada adeegyada caafimaadka, Waxaana uu qiray inuu jiro xoogaa faham la’aan ah oo ka dhalatay filashooyinkii Degmada ee ku saabsanaa mashaariicda, balse waxa uu ballan qaaday inay ka shaqayn doonaan sidii loo qareemi lahaa dhammaan xarumaha caafimaadka, isla markaana loo raadin lahaa mashaariic cusub. Gebogebadii shirka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha wuxuu si adag ugu booriyay Guddoomiyaha Degmada iyo Golaha Deegaanka inay xoogga saaraan wada-shaqaynta dhabta ah ee ka dhaxaysa gobolka iyo degmada. Waxa uu intaa ku daray in wada-shaqayntaasi ay tahay furaha lagu xallin karo khilaafaadyada jira, laguna hagaajin karo adeegyada bulshada. Shirkan ayaa calaamad u ah dedaallada joogtada ah ee lagu doonayo in lagu wanaajiyo adeegyada caafimaadka ee Garowe iyo in si hufan loo hirgeliyo nidaamka maamul-baahinta ee dalka. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

508675612 1144379494400091 901776817602463502 n
nugaal

Garowe: June 17, 2025: Maalinta 2-AAD shirka Maamul Wanaagga iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada.

Shirkan oo muhiim u ah tayeynta adeegyada dadweynaha iyo xoojinta xiirirka hay’adaha dowladda si loodadajiyo adeega bulshada ayaa Mudadii uu socday shirka waxaa si qoto dheer looga dooday Caqabadaha hortaagan hay’adaha dowladda ee la xiriira daadejinta adeegyada dadweynaha, muhiimadda iskaashi iyo wadashaqeyn ee udhaxaysa Dawladda dhexe iyo Dawladaha Hoose. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

508816791 1144008971103810 2888416181385680396 n 1
sanaag

Xingalool: June 17, 2025: Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah oo ay Weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Mudane Siciid Badmaax Jaamac iyo Xoghayaha Wasaaradda ahna ku simaha Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Abshir Hassan Mohamed ayaa xalay kulnan la qaatay maamulka iyo xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Xingalool, ku xigeenkiisa, Xogahayaha Dawladda Hoose iyo xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Xingalool. Kulanka oo ay soo agaasintay Dawladda Hoose ee Degmada iyo Golaha Deegaanka ayaa wuxuu daaranaa isla-xisaabtan iyo kala warqaadasho u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, maamulka Gobolka Sanaag iyo Golaha Deegaanka Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag. Intii kulanka socday ayaa waxaa looga dooday baahiyaha guud ee Degmada kuwa heer Gobol iyo Dawladda dhexe, sida helidda mashaariicda, ka qaybgalka wax qaybsiga Gobolka, helidda kastamka Degmada, xoojinta iyo ka qaybgalka adeegyada bulshada iyo Arrimaha deegaanka. Dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Xingalool ee shirka joogay ayaa su’aalo kala duwan oo ku dhisan waajibaadyada shaqo ee loo doortay waydiiyey madaxda shirka joogtay. Ugu dambeyntii ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax ayaa ka jaawaabay Dhammaan su’aalihii wax laga waydiiyey ee Degmada Xingalool iyo baahiyaheeda la xiriiray Wasiirka ayaa sheegay in Dawladdu la weelayn doono soo jeedinta Golaha Deegaanka iyo bulshada Degmada si deg deg ahna wax looga qaban doono iyada oo kala hormarinayo sida ay mudnaanta u kala leeyihiin. Sidookale, Wasiir Cabdiraxmaan Khaliif ayaa xusay in ay muhiim tahay in la xoojiyo nidaamka maamulka Maaliyadeed ee Dawladda Hoose, lana kiciyo canshuuraha Degmada taas oo lagu duldhiso doono mashaariicda loo helo Degmada. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

508694657 1143416484496392 7675659943659454425 n 2
sanaag

Xingalool: June 17, 2025: ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah oo ay Weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Sanaag iyo Duqa Degmada Xingalool ayaa kormeeray dhismaha xarunta caafimaadka Degmada Xingalool oo bulshada Degmadu si iskutashi ah ku dhisayaan.

Wasiirka oo u kuurgalay xaaladda guud ee Degmada gaar ahaan kaabayaasha horumarinta Arrimaha Bulshada ayaa bogaadiyey Golaha Deegaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo ku dhiiraday in si isku tashi ah looga shaqeeyo goobaha muhiimka ah ee Degmada iyo deegaanada hoostaga. Wasiirka ayaa caddeeyey in Dawladda Puntland ay door muuqda ka qaadan doonto horumarinta Degmada Xingalool iyo guud ahaan Degmooyinka Gobolka Sanaag. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

508694657 1143416484496392 7675659943659454425 n 1
sanaag

Xingalool: June 16, 2025: ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Kalfadhiyada 3-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Xingalool Mudane Mustafe Axmed Caydiid ayaa khudbadiisa rasmiga ku daahfuray agenjadaha shirka iyo waxbadkii Golaha intii labadaba kalfadhiga u dhaxaysay. Furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag waxaa goobjoog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Mudane SiciidBadmaaxJaamac, Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ahna ku simaha Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Abshir Hassan Mohamed, Guddoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa Degmada Xingalool Mudane Mustafe Axmed Caydiid, Guddoomiye ku xigeenka Degmada Xingalool, Laamaha amniga Degmada, ururka Haweenka Degmada, Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Xingalool, guurtida iyo cuqaasha Degmada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada. Wasiir ku-xigeenka ahna ku simaha Wasiirka oo khudbad ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Xingalool ayaa ku bogaadiyey Golaha Deegaanka sida ay uga go’an tahay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isagoo xusay in dowladdu ay garab taagan tahay dadaallada lagu horumarinayo Degmada. Waxuuna sidoo kale, carabka ku adkeeyay in laga shaqeeyo baahida loo qabo iskaashi buuxa oo ka dhexeeya laamaha dowliga ah iyo shacabka. Sidoo kale, Wasiir Cabdiraxmaan Khaliif ayaa xusay in bulshada Degmada Xingalool iyo Golahooda Deegaanka ay door muuqda ka qaateen barnaamijyada iskutashi bulshada iyo wax-wadaqabsi si darteed, Wasaaraddu ay door muuqda ka qaadan doonta kor u qqadista kaabayaasha horumarinta Degmada Xingalool Gobolka Sanaag. Kalfadhiga 3-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Xingalool ayaa waxaa loogu ansixiyey Ajandaha rasmi ah ee Golahu ku shaqayn-doono, waana sidaan hoose:- 1. Soo bandhigidda Waxqabadkii Degmad iyo isla xisaabtanka Golaha Deegaanka. 2. ka doodista iyo ansixinta qorshaha 6-da Bilood ee Degmada. 3. soo bandhigidda Xeerarka Deegaanka oo heer Degmo ah iyo ansixintooda. 4. Miisaaniyada iyo dib u eegista Canshuuraha Degmada Xingalool. 5. Qorshaha dhulka (Bogcadaha magaalada) 6. Dib u eegista Xubnaha guddiga joogtada ah. 7. in 7 Beri laga dhigo waqtiga uu soconayo kalfadhiga 3-aad ee Golaha Deegaanka Degmada XiXingalool. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay marwalba xoojinaysaa in Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee shacabku soo doortay in ay dadka ugu adeegaan si hufan, waxtar leh, kuna dhisan kalsoonida dadweynaha soo doortay, waxaana lagu kormeeri doonaa ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta waajibaadka shaqo ee fulinta. Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL wuxuu bogaadiyey Maamulka Degmada, Xubnaha Golaha Deegaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee Degmada Xingalool, sida ay isugu duubanyihiin, una xalistaan khilaafaadka gudahooda iyo u aaddgidda bulshada si wada jir ah. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

508460727 1142932717878102 6089940067030361976 n 1
Arrimaha Gudaha DPL.

Garowe: June 16, 2025: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa daahfuray shirka Maamul Wanaagga iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada.

Shirkaan oo ka dhacay Caasumadda Dawladda Puntland ee Garowe ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha adeeg-bixinta Dawladda Puntland sida:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha, Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyaska, Maareeyaha guud Wakaaladda Horumarinta Biyaha, Iskuduwayaasha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolada Nugaal iyo Bari, Guddoomiye ku xigeenka Degmada Garowe. Dhanka kale waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Daladda bulshada Rayidka ah PUNSAA. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Maxamed Cali Faarax oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirka ayaa sharaxay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku xirnaanta hay’adaha Dawladda ee ka shaqeeyo adeeg bixinta bulshada iyada oo shirkaan gun-dhig u yahay shaqooyinka ka dhaxeeya Wasaaradaha iyo Dawladaha Hoose ee Puntland iyada oo la marayo hannaanka Maamul bahinta Dawladda Puntland. Shirkan oo muhiim u ah tayeynta adeegyada dadweynaha iyo xoojinta xiirirka hay’adaha dowladda si loodadajiyo adeega bulshada ayaa Mudadii uu socday shirka waxaa si qoto dheer looga dooday Caqabadaha hortaagan hay’adaha dowladda ee la xiriira daadejinta adeegyada dadweynaha, muhiimadda iskaashi iyo wadashaqeyn ee udhaxaysa Dawladda dhexe iyo Dawladaha Hoose. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

508460727 1142932717878102 6089940067030361976 n
mudug

Galdogob: June 15, 2025: Waxaa maanta si rasmi ah Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug looga daahfuray Kalfadhiyada 23-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug waxaa goobjoog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Mudane Maxamed Xasan Xuseen Waloore iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee Gobolka Mudug CabdifitaaxSamatarCiise, Guddoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa Degmada Galdogob, Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Galdogob iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada. Guddoomiyaha Gobolka oo kalmad ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 23-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Galdogob ayaa ku bogaadiyey Golaha Deegaanka sida ay uga go’an tahay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isagoo xusay in dowladdu ay garab taagan tahay dadaallada lagu horumarinayo Degmada. Waxuuna sidoo kale, carabka ku adkeeyay in laga shaqeeyo baahida loo qabo iskaashi buuxa oo ka dhexeeya laamaha dowliga ah iyo shacabka. Kalfadhiga 23-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Goldogob ayaa inta uu socdo waxaa lagu lafo-gurayaa arrimo muhiim ah oo la xiriira adeegyada bulshada, qorshaha horumarinta Degmada, isla-xisaabtanka iyo dib-u-eegista miisaaniyadda sanadka 2025 ee Degmada waxaana la rajeynayaa in kalfadhigani uu horseedo go’aamo waxtar u leh bulshada Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay marwalba xoojinaysaa in Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee shacabku soo doortay ay dadka ugu adeegaan si hufan, waxtar leh, kuna dhisan kalsoonida dadweynaha soo doortay, waxaana lagu kormeeri doonaa ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta waajibaadka shaqo ee fulinta. Ugu dambeyntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL waxay ku bogaadinaysaa Maamulka Degmada, Xubnaha Golaha Deegaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee Degmada Galdogob, sida ay isugu duubanyihiin, una xalistaan khilaafaadka gudahooda iyo u aaddgidda bulshada si wada jir ah. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top