Author name: Eng Mohamett Mohamoutt

507990815 1142028254635215 1853773370949363785 n 3
Bari

MAALINTII 6-AAD

Balli-dhidin:June 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dumuqraadiyeynta Puntland (MoIFAD) oo kaashaanaysa Bahwadaagteeda, waxay si guul leh u qabatay una soo gabagabeysay doodo bulsho oo billaha ah oo ka qayb ka ah mashruuca xasilinta ee Calmiskaad laguna qabtay afarta Degmo ee kala ah Carmo, Iskushuban, Balidhidin, iyo Ufeyn. Hawlgalkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada ballaaran ee ay Wasaaradda iyo Bahwadaagteedu ay ku xoojinayso maamul-wanaagga deegaannada, lagu dhiirrigelinayo wada noolaanshaha bulshada, laguna adkaynayo xasilloonida deegaanada nugul iyo kuwa kasoo kabanaya colaadaha ka dhacay Calmiskaad. Doodaha bulshada waxa si dhow loola shaqeeyey maamulka degmooyinkaas ku kuxusan iyo hogaamiyeyaasha bulshada si loo xaqiijiyo ka-qaybgal ballaaran oo loo dhan yahay. Mid kasta oo ka mid ah afarta degmo waxaa lagu qabtay hal fadhi dood. Intii lagu guda jiray doodaha, waxaa si furan loo siiyey fursad ay bulshada ku cabbiraan tabashooyinkooda, ku falanqeeyaan caqabadaha jira, islamarkaana ay si wadajir ah ugu soo bandhigaan xalal wax ku ool ah oo lagu wajaho dhibaatooyinka deegaanada ka jira. Arrimaha ugu waaweyn ee laga dooday waxa ka mid ahaa murannada dhulka, khilaafaadka la xiriira qaybsiga kheyraadka, isqabqabsi beeleedka, shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo caqabadaha maamul ee jira. Doodahaasi waxay ku salaysnaayeen is-ixtiraam, wada-xaajood furan, iyo hab-facilinta xasaasiga ah ee lagu dhiirrigelinayo wada hadal nabadeed oo miro-dhal ah. Kulamadaan ayaa sii socon doona iyaga oo u qorsheysan in ay u dhacaan hab bille ah. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

506522382 1142040214634019 4201705711158857874 n 1
Bari

Malintii 6-AAD.

ISKUSHUBAN: June 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dumuqraadiyeynta Puntland (MoIFAD) oo kaashaanaysa Bahwadaagteeda, waxay si guul leh u qabatay una soo gabagabeysay doodo bulsho oo billaha ah oo ka qayb ka ah mashruuca xasilinta ee Calmiskaad laguna qabtay afarta Degmo ee kala ah Carmo, Iskushuban, Balidhidin, iyo Ufeyn. Hawlgalkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada ballaaran ee ay Wasaaradda iyo Bahwadaagteedu ay ku xoojinayso maamul-wanaagga deegaannada, lagu dhiirrigelinayo wada noolaanshaha bulshada, laguna adkaynayo xasilloonida deegaanada nugul iyo kuwa kasoo kabanaya colaadaha ka dhacay Calmiskaad. Doodaha bulshada waxa si dhow loola shaqeeyey maamulka degmooyinkaas ku kuxusan iyo hogaamiyeyaasha bulshada si loo xaqiijiyo ka-qaybgal ballaaran oo loo dhan yahay. Mid kasta oo ka mid ah afarta degmo waxaa lagu qabtay hal fadhi dood. Intii lagu guda jiray doodaha, waxaa si furan loo siiyey fursad ay bulshada ku cabbiraan tabashooyinkooda, ku falanqeeyaan caqabadaha jira, islamarkaana ay si wadajir ah ugu soo bandhigaan xalal wax ku ool ah oo lagu wajaho dhibaatooyinka deegaanada ka jira. Arrimaha ugu waaweyn ee laga dooday waxa ka mid ahaa murannada dhulka, khilaafaadka la xiriira qaybsiga kheyraadka, isqabqabsi beeleedka, shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo caqabadaha maamul ee jira. Doodahaasi waxay ku salaysnaayeen is-ixtiraam, wada-xaajood furan, iyo hab-facilinta xasaasiga ah ee lagu dhiirrigelinayo wada hadal nabadeed oo miro-dhal ah. Kulamadaan ayaa sii socon doona iyaga oo u qorsheysan in ay u dhacaan hab bille ah. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

507990815 1142028254635215 1853773370949363785 n
Bari

MAALINTII 4-AAD

Balli-dhidin: June , 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland (MoIFAD) waxay fududeysay kulamada wadajirka ah ee u dhexeeya Guddiyada nabbada iyo Amniga ee billaha ah oo si wadajir ah looga qabtay afarta Degmo ee mashruuca Xasilinta Calmiskaad ee kala ahCarmo, Iskushuban, Balidhidin, iyo Ufeyn. Kulammadan waxaa ka soo qaybgalay 20 qof Degmo kasta, guud ahaanna gaaraya 80 qof, kuwaas oo isugu jiray xubno ka tirsan guddiyada nabadda ee deegaanka, Booliska, saraakiisha amniga, Maamulka Degmooyinka, odayaal dhaqameedyo, iyo hoggaamiyeyaal kale oo matala bulshada deegaanka. Ujeeddada kulammadaan waxay ahayd in la dhiso madal nidaamsan oo lagu xoojinayo isgaarsiinta iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee ka dhaxeysa hay’adaha nabadda ee bulshada iyo laamaha rasmiga ah ee amniga. Hindisahaan wuxuu doonayaa in uu yareeyo farqiga iskudugid mararka badan keena in si daahsan looga jawaabo dhacdooyinka amni-darro, isla markaana la xoojiyo kalsoonida bulshada iyo hay’adaha dowladda Kulammadii ugu horreeyay waxay fursad u noqdeen in lagu aqoonsado caqabadaha amni ee ka jira deegaanka, laguna wadaago habraacyada digniinta hore (early warning mechanisms), iyadoo la is waafajiyay xeeladaha bulsho iyo kuwa dowladeed ee dhinacyada nabad-dhisidda iyo xallinta khilaafaadka. Ugu dambeyntii Kulammadaan ayaa u dhici doona si bille ah , waxaana la rajeynayaa in ay door muhiim ah ka qaataan saameynta muddada dheer ee mashruucaan oo si gooni ah diiradda u saaraya ilaalinta hannaanka xasilinta ee deegaanada Cal-miskaad ee Degmooyinka Carmo, Ufeyn, Iskushuban iyo Balli-dhidin ee Gobolka Bari. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Uncategorized

Ufeyn: June 11, 2025: Waxaa maanta si rasmi ah Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari looga daahfuray Kalfadhiyada Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dawladda Puntland.

Furitaanka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bari iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee Gobolka Bari. Sidoo kale, waxaa ka soo qaybgalay Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Siyaasiin, Guddoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa Degmada Ufeyn, Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Ufeyn iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada. Golaha Deegaanka Degmada Ufeyn oo horseed u ah biilowga Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa inta kalfadhigu socda ka doodi doona ajandaha rasmi ah ee ay diyaarsadeen, kaas oo ku dhisan baahiyaha asaasiga ee ku xeeran si guud Degmada Ufeyn iyo deegaanada hoostaga kuwaas oo ku salaysan isla xisaabtanka iyo soo bandhigidda warbixinta waxqabadkii qorshaysanaa muddadii labada kalfadhi u dhaxaysay iyo guda gelidda kuwa qorshaysan. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay marwalba xoojinaysaa in Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee shacabku soo doortay ay dadka ugu adeegaan si hufan, waxtar leh, kuna dhisan kalsoonida dadweynaha soo doortay, waxaana lagu kormeeri doonaa ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta waajibaadka shaqo ee fulinta. Ugu dambeyntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL waxay ku bogaadinaysaa Maamulka Degmada, Xubnaha Golaha Deegaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee Degmada Ufeyn, sida ay isugu duubanyihiin, una xalistaan khilaafaadka gudahooda iyo u aaddgidda bulshada si wada jir ah. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

497573169 1117236587114382 2278215772768979250 n 2
Bari

COMMUNIQUÉ

Introduction Armo: May 12, 2025: The official launch of the Cal-Miskaad Stabilization Program in the districts of Carmo, Ufeyn, Iskushuban, and Bali-dhidin was held in Carmo District, Bari Region, on May 12, 2025. High-level dignitaries, including the Minister of Health (also Chairperson of the Cal-Miskaad Counterterrorism Support Committee), the Minister of Security and DDR, the State Minister of the office of Puntland President, the Governor of Bari, district mayors, representatives from international and local stabilization partners, civil society actors, traditional elders, and security sector representatives graced the launch ceremony. The primary objective of the launch was to assess the urgent and actual needs in districts affected by the conflict against terrorist groups in the Cal-Miskaad mountains, to establish and train district-level security committees, to raise public awareness, to strengthen the linkage between communities and local authorities, and to conduct a rapid assessment of the conflict’s impact on surrounding populations and areas. Key Resolutions from the Conference 1. The Ministry of Interior, Federal Affairs, and Democratization of Puntland shall lead all stabilization efforts in the region. 2. The Ministry is tasked with conducting a rapid needs assessment to generate detailed and evidence-based information to guide targeted stabilization interventions. 3. A coordination committee for stabilization shall be established at both the district and central government levels to steer efforts, ensure community-government accountability, and reinforce the legitimacy of recently held one-person-one-vote elections. 4. Efforts to promote social cohesion shall be intensified, particularly for displaced persons from the Cal-Miskaad region, by integrating them into district-level development plans. 5. The Ministry shall ensure that stabilization programming is inclusive and responsive to the needs of women, youth, and other vulnerable groups affected by the Cal-Miskaad conflict. Call to the International Community The Ministry of Interior, Federal Affairs, and Democratization of Puntland Respectively calls upon the international community, donor agencies, and development and humanitarian stakeholders to: 1. Ensure Puntland’s participation in ongoing stabilization programs from which it is currently excluded, despite the high levels of need in Cal-Miskaad—an area recently liberated from terrorist control and a strategic focus alongside the Calmadow areas. 2. Align international stabilization efforts with the Ministry’s overarching framework for peacebuilding, community stabilization, and inter-clan reconciliation. 3. Support the institutional capacity building of local government structures—especially those responsible for good governance, service delivery, and conflict resolution at the district level. Conclusion Stabilizing the Cal-Miskaad region is not merely a matter of urgent humanitarian response; it is a strategic investment in peace, community resilience, and legitimate state-building. The Ministry of Interior stands ready to lead a collaborative, transparent, and needs-driven stabilization process that addresses the priorities of the people of Puntland. Finally, we express our sincere gratitude to the SSF III Program for its vital support to the stabilization agenda across the four districts of Carmo, Ufeyn, Iskushuban, and Bali-dhidin in Bari Region. ●●●END●●● For More information, Please Contact us Office of the Communication-MOIFAD.

497573169 1117236587114382 2278215772768979250 n 1
Bari

●●WAR-MURTIYEED●●

HORDHAC. Carmo: May 12, 2025: Daah-furka Barnaamijka Xasilinta Cal-miskaad ee Degmooyinka Carmo, Ufeyn, Iskushuban iyo Bal-dhidin oo ka qabsoomay Degmada Carmo ee Gobolka Bari May 12, 2025. Madasha daah-furka Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka, Wasiiru Dowlaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ahna Guddoomiyaha Guddiga Taakulada hawlgalka ciribtirka argagisada ee Cal-miskaad, Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada Dawladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Guddoomiyaasha Degmooyinka Carmo, Ufeyn, Iskushuban iyo Bali-dhin ee Gobolka Bari, Hay’adaha taageera barnaamijka Xasilinta, Bulshada Rayidka ah, Nabaddoono iyo laamaha amaanka. Ujeeddada daah-furka shirkaan ayaa a in la helo baahiyaha rasmiga ah ee ka jira Degmooyinka uu saameeyey dagaalka lagula jiro argagixisada ee buuraha Cal-miskaad, Dhisida iyo tababaridda guddiyada nabadgelyada ee heer Degmo, wacyigelinta bulshada, xoojinta isku xirka bulshada iyo Dawladaha Hoose iyo in si deg deg ah loo sameeyo qiimeynta baaxadda saamaynta dagaalka ee bulshada ku nool Degmooyinka kor ku xusan iyo deegaanada ku xeeran. QODOBADA KA SOO BAXAY SHIRKA. 1. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ay hogaamiso barnaamijyada xasilinta Puntland. 2. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ay samayso qiimeyn deg-deg ah, si loo helo xog dheeri ah oo saldhig u noqota barnaamijyada la beegsanayo ee Xasilinta. 3. In la dhiso guddiga isku-dubaridka Xasilinta ee heer Degmo iyo Dawladda dhexe si loo hago dedaallada xasilinta, loona hubiyo isla xisaabtanka bulshada iyo Dawladda Hoose ee ay dhawaan ka dhacday doorashooyinka tooska ah ee hal qof iyo hal cod. 4. In la xoojiyo is-dhexgalka bulshada, gaar ahaan kuwa deegaanada Cal-miskaad kasoo barakacay, iyaga oo lagu daro qorsheyaasha horumarinta heer Degmo. 5. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ay hubiso in barnaamijyada xasilintu noqdaan kuwa ka tarjumaaya baahiyaha haweenka, dhalinyarada iyo bulshada nugul ee uu saameeyey dagaalka Cal-miskaad. BAAQA BEESHA CAALAMKA. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Beesha caalamka, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee daneeya arrimaha nabadda iyo xasilinta Soomaaliya:- a) In Dawladda Puntland laga qaybgeliyo barnaamijyada xasilinta ee ay hadda ka maqantahay, maadaama ay baahi-weyn ka jirto deegaanada Cal-miskaad ee argagixisada laga horeeyey iyo kuwa qorshaysan ee Calmadow. b) In dedaalada barnaamijyada xasilinta ay la jaan-qaadaan qorshaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee ah Nabad-dhiska, Xasilinta bulshada iyo u heshiisiinta Beelaha. c) In la taageero dhismaha awooddaha hay’adaha Dawliga ah ee heer Degmo, gaar ahaanna maamul wanaagga, bixinta adeegyada, iyo xalinta khilaafaadka. Gunaanad. Xasilinta Calmiskaad ma aha oo kaliya baahi bani’aadanimo oo degdeg ah, ee waa maalgashi istaraatiiji ah oo lagu sugayo Nabadda, adkaysiga bulshada iyo dhismaha dawladnimo oo rasmi ah. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay diyaar u tahay inay hoggaamiso hawlgal wadajir ah oo hufan, waxtar leh, kuna saleysan baahida dhabta ah ee shacabka Reer Puntland. Ugu dambayntii waxaanu u mahadcelinaynaa barnaamijka SSF III oo taageeray qorshaha Xasilinta 4 Degmo ee Carmo, Ufeyn, Iskushuban iyo Bali-dhidin ee Gobolka Bari. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

496938418 1115675780603796 2463403286197400537 n 2
Bari

𝗗𝗮𝗮𝗵𝗳𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮- 𝗫𝗮𝘀𝗶𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗖𝗮𝗹𝗺𝗶𝘀𝗸𝗮𝗮𝗱

Carmo: May 12, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Mudane Abdi Farah Juxa ayaa si rasmi ah u daah-furnay barnaamijka xasilinta Cal-miskaad ee wajiga koobaad oo ka bilaamanaya Degmooyinka Carmo, Ufeyn, Iskushuban iyo Balli-dhidin ee Gobolka Bari. Madasha daah-furka waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaasha 4 Degmo ee kor ku xusan, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ahna Guddoomiyaha guddiga taakulada hawlgalka ciribtirka argagixisada ee buuraha Cal-miskaad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-TA Dawladda Puntland, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo dib u heshiisiinta iyo hawl-wadeenada kala duwan ee Wasaarada Arrimaha Gudaha DPL. Shirkaan ayaa wuxuu ahmiyadda siinayaa qodobadaan hoose ku xusan:- 𝟏. 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐞𝐲𝐧 𝐃𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Waxay fulinaysaa qiimeyn deg-deg ah oo ku saabsan xaaladda Nabadeed, adeegyada bulshada, hay’adaha Dawladda heer degmo ee degmooyinka Carmo, Iskushuban, Ufeyn iyo Balidhidin si loo helo, loona daraaseeyo baahiyaha rasmiga ah ee ka jira Degmooyinka. 𝟮. 𝗔𝗯𝗮𝗮𝗯𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗱𝗼 𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗶𝗱𝗮 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮: Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL Waxay dhisaysaa guddiyada Nabadda heer Degmo oo ka kooban masuuliyiin deegaan, Odayaal dhaqameed, haween iyo dhalinyaro si loo dhiso kalsoonida iyo iskaashiga bulshada (social fabric- social hocesion) deegaanada ay samaysay colaadaha, iyada oo la siinayo tababaro ku saabsan Tabaha xalinta khilaafaadka, adkaynta Nabada iyo wada shaqaynta dadka iyo dowladda. 𝟯. 𝗪𝗮𝗰𝘆𝗶𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻 & 𝗧𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮𝗿 𝗞𝘂 𝗦𝗮𝗮𝗯𝘀𝗮𝗻 𝗫𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗞𝗵𝗶𝗹𝗮𝗮𝗳𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 Waxaa la tabari doonaa, guddiyada la dhisay iyo qaybo kamid ah dadweynaha Degmooyinka laga shaqaynayo, waxaa lagu tababri doonaa Tabaha xalinta khilaafaadka, ka hortaga xasaradaha colaadaha iyo la dagaalanka mab da’a xagjirka ah, sii loo dhiso fahamka dadka ee Nabada iyo Xasiloonida bulshada dhexdeeda. 𝟰. 𝗢𝗹𝗼𝗹𝗲 𝘄𝗮𝗰𝘆𝗶𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻 𝗗𝗮𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 Wasaaraddu Waxay qabanaysaa fagaareyaal wacyigelin ah oo ay ka qeyb galayaan Culumada, Odayaasha, Dhalinyaradda iyo Goloyaasha deegaanka si bulshada loogu wacyigeliyo muhiimadda Nabadda. 𝟱. 𝗙𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗙𝗮𝗿𝗶𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮: Wasaaraddu waxay dhisaysaa fariimo nabadeed oo la jaanqaadaya dhaqanka bulshada iyo wacyigooda annagoo gaarsiin doona dadweynaha ku dhaqan deeganada hoos yimaada degmooyinka bar-bilowaga u ah barnaamijka Xasilinta, farriimahaan ayaa dadweynaha loo marin doonaa warbaahinta iyo baraha bulshada. Ugu dambeyntii waxaa shirka ka soo baxay war-murtiyeed lagu dhisayo qorsheyaasha shaqo ee xasilinta Cal-miskaad. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

496107617 1116947237143317 6309251022869166849 n
mudug

Bursaalax: May 11, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dawladda Puntland ayaa soo qaban qaabisay kullamo loogu gogol xaarayo barnaamijka Xalka Waara ( Durable Solution ) oo laga hirgelinayo Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug.

Kullamadaas waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin ka socotay Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha , isuduwaha Wasaaradda Arrimaha gudaha Gobolka Mudug. Ugu horayn waxaa kulanka daah furay Guddoomiyaha Degmada Bursaalax Maxamed Cabdullaahi Khaliif iyo ku xigeenkiisa, waxayna ka warbixiyeen xaaladda degmada iyaga oo soo dhoweeyey hadalka musuuliyintii ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo iyaguna kawarbixiyey ujeedada kormeerkooda iyagoo sheegay in Wasaaraddu Arrimaha Gudaha siyaasad ka leedahay barakacnimada joogtada noqotay, yaraynta kaamamka , yaacsanaanta kaamamka iyo in hal meel la isugu geeyo kaamamka si loo buuxiyo adeegyada asaasiga ah loona guuro Xalka waara. Ugu danbayn waxaa la isku raacay in la xoojiyo wada shaqaynta bah-wadaagta barnaamijka xalka waara (Durable Solution) ee degmada Bursaalax. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

496844815 1114571704047537 80782837824609854 n 2
nugaal

Garowe: May 10, 2025: Madaxda Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa hortagay Guddiyada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimoqraadiyada iyo Maaliyadda, Dhaqaalaha, & Xisaabaadka Golaha Wakiillada.

Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeri iyo Xoghayaha Wasaaradda Abshir Hassan Mohamed. Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ee Golaha Wakiillada oo ka duulaya Waajibaadyada shaqo ee ay u xilsaaran yihiin ayaa soo qaban-qaabiyey kulanka oo ujeedadiisu ahayd dabagalka Xeer Lr. 04 ee 14/08/2012, kuna saabsan Sharciga Mideynta Canshuuraha D/hoose kaas oo cabasho ka timi dadweynaha ka dib Golaha Wakiilladu go’aamiyey in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Mudane Cabdi Faarax Siciid ayaa guddiyada warbixin ka siiyey Canshuuraha Dawaladaha hoose qaadaan, kuwa ka baaqday iyo kuwa iska dhexgalay Dawaladaha hoose iyo Dawladda dhexe. Sidookale, Wasiirka ayaa sharaxay caqabaha ka dhashay isku dhexyaaca Canshuuraha iyo talo soojeedin ku saabsan in dib u eegis iyo kaabis lagu sameeyo xeer Lr.04 ee soo baxay 14/08|2012, Tareefada iyo Xeerarka kala duwan isku midka ah si loo helo Canshuuro midaysan bulshadana aan culays ku ahayn. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa la isla qaatay in Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Maaliyaddu ay guddi farsamo u saaraan wax ka bedelka iyo kaabista Xeer Lr. 04 ee 14/08/2012, kuna saabsan Sharciga Mideynta Canshuuraha D/hoose ee Puntland iyadoo la fulinayo go’aanka Golaha Wakiillada isla markaasna laga jawaabayo cabashooyinka ka iminaya dadweynaha, lana horkeeno Golaha Wakiillada ka hor Kalfadhiga Oktoobar, 2025. Kulanka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda, hawl-wadeenada Golaha Wakiiladda iyo Hawl-wadeenada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha DPL. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

496844815 1114571704047537 80782837824609854 n 1
nugaal

Garowe: May 09, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyo Daladda Bulshada Rayidka ah Puntland ee PUNSAA ayaa Garowe ku soo gabagabeeyay shirka soo bandhigidda cilmi-baaris laga sameeyey 6 Degmo oo labo maalmood ka socday Garowe.

Cilmi-baaristaan oo laga sameeyey Degmooyinka Baargaal, Iskushuban, Ufeyn, Badhan, Dhahar iyo Dangarayo ee Gobolada Raas-casayr, Bari, Sanaag, Haylaan iyo Nugaal ayaa waxWasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo kaa shanaysa Daladda bulshada Rayidka ah PUNSAA. Cilbaaris taan ayaa waxaa lagu eegayey dhinacyada maamulka, adeeg-bixinta, sida caafimaadka asaasiga ah, biyahana, waxbarashada iyo qaybaha isku xirka bulshada iyo Degmada, waxaana la tashiyo kala duwan lala yeeshay Guddoomiyaasha Degmooyinka, Qaybaha ay ka koobantahay Dawladda Hoose iyo qaybaha bulshada ku nool Degmada. Khubarada diyaarisay cilmi-baaristaan ayaa ku saleeyey nidaamka sharci ee ay ku dhisantahay Dawladda Hoose sida in ay waafaqsantahay qaabdhismeedka loo dejiyey Dawladda Hoose in ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, fulinta adeegyada bulshada ku leedahay Dawladda Hoose, wada shaqaynta Degmada iyo Dawladda dhexe, wada shaqaynta bulshada iyo Degmada sida hawlgelinta bulshada. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top