Garowe: May 09, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyo Daladda Bulshada Rayidka ah Puntland ee PUNSAA ayaa Garowe ku soo gabagabeeyay shirka soo bandhigidda cilmi-baaris laga sameeyey 6 Degmo oo labo maalmood ka socday Garowe.

Cilmi-baaristaan oo laga sameeyey Degmooyinka Baargaal, Iskushuban, Ufeyn, Badhan, Dhahar iyo Dangarayo ee Gobolada Raas-casayr, Bari, Sanaag, Haylaan iyo Nugaal ayaa waxWasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo kaa shanaysa Daladda bulshada Rayidka ah PUNSAA.
Cilbaaris taan ayaa waxaa lagu eegayey dhinacyada maamulka, adeeg-bixinta, sida caafimaadka asaasiga ah, biyahana, waxbarashada iyo qaybaha isku xirka bulshada iyo Degmada, waxaana la tashiyo kala duwan lala yeeshay Guddoomiyaasha Degmooyinka, Qaybaha ay ka koobantahay Dawladda Hoose iyo qaybaha bulshada ku nool Degmada.
Khubarada diyaarisay cilmi-baaristaan ayaa ku saleeyey nidaamka sharci ee ay ku dhisantahay Dawladda Hoose sida in ay waafaqsantahay qaabdhismeedka loo dejiyey Dawladda Hoose in ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, fulinta adeegyada bulshada ku leedahay Dawladda Hoose, wada shaqaynta Degmada iyo Dawladda dhexe, wada shaqaynta bulshada iyo Degmada sida hawlgelinta bulshada.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top