Carmo: May 12, 2025: Daah-furka Barnaamijka Xasilinta Cal-miskaad ee Degmooyinka Carmo, Ufeyn, Iskushuban iyo Bal-dhidin oo ka qabsoomay Degmada Carmo ee Gobolka Bari May 12, 2025.
Ujeeddada daah-furka shirkaan ayaa a in la helo baahiyaha rasmiga ah ee ka jira Degmooyinka uu saameeyey dagaalka lagula jiro argagixisada ee buuraha Cal-miskaad, Dhisida iyo tababaridda guddiyada nabadgelyada ee heer Degmo, wacyigelinta bulshada, xoojinta isku xirka bulshada iyo Dawladaha Hoose iyo in si deg deg ah loo sameeyo qiimeynta baaxadda saamaynta dagaalka ee bulshada ku nool Degmooyinka kor ku xusan iyo deegaanada ku xeeran.
QODOBADA KA SOO BAXAY SHIRKA.
1. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ay hogaamiso barnaamijyada xasilinta Puntland.
2. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ay samayso qiimeyn deg-deg ah, si loo helo xog dheeri ah oo saldhig u noqota barnaamijyada la beegsanayo ee Xasilinta.
3. In la dhiso guddiga isku-dubaridka Xasilinta ee heer Degmo iyo Dawladda dhexe si loo hago dedaallada xasilinta, loona hubiyo isla xisaabtanka bulshada iyo Dawladda Hoose ee ay dhawaan ka dhacday doorashooyinka tooska ah ee hal qof iyo hal cod.
4. In la xoojiyo is-dhexgalka bulshada, gaar ahaan kuwa deegaanada Cal-miskaad kasoo barakacay, iyaga oo lagu daro qorsheyaasha horumarinta heer Degmo.
5. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ay hubiso in barnaamijyada xasilintu noqdaan kuwa ka tarjumaaya baahiyaha haweenka, dhalinyarada iyo bulshada nugul ee uu saameeyey dagaalka Cal-miskaad.
a) In Dawladda Puntland laga qaybgeliyo barnaamijyada xasilinta ee ay hadda ka maqantahay, maadaama ay baahi-weyn ka jirto deegaanada Cal-miskaad ee argagixisada laga horeeyey iyo kuwa qorshaysan ee Calmadow.
b) In dedaalada barnaamijyada xasilinta ay la jaan-qaadaan qorshaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee ah Nabad-dhiska, Xasilinta bulshada iyo u heshiisiinta Beelaha.
c) In la taageero dhismaha awooddaha hay’adaha Dawliga ah ee heer Degmo, gaar ahaanna maamul wanaagga, bixinta adeegyada, iyo xalinta khilaafaadka.
Gunaanad.
Xasilinta Calmiskaad ma aha oo kaliya baahi bani’aadanimo oo degdeg ah, ee waa maalgashi istaraatiiji ah oo lagu sugayo Nabadda, adkaysiga bulshada iyo dhismaha dawladnimo oo rasmi ah. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay diyaar u tahay inay hoggaamiso hawlgal wadajir ah oo hufan, waxtar leh, kuna saleysan baahida dhabta ah ee shacabka Reer Puntland.
Ugu dambayntii waxaanu u mahadcelinaynaa barnaamijka SSF III oo taageeray qorshaha Xasilinta 4 Degmo ee Carmo, Ufeyn, Iskushuban iyo Bali-dhidin ee Gobolka Bari.