Bosaaso: June 28, 2025: Xildhibaan Layla aadan Isxaaq ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay ka mid noqoshada Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso Gobolka Bari.

waxaa goob joog ka ahaa madasha xildhibaanadda xaasaanadda lagu siiyey Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon).
Xildhibaan Leylo Aadan oo ka mid ah Bulshada Koonfur galbeed ee Degan Puntland ayaana bedeshay Cabdirisaaq Axmed Cali (Galinba Ceyn) oo ka wada tirsanayeen Xisbiga Mideeye oo ay ugu qornayd booska (B).
Gudoomiyaa Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobolka Bari ayaana si rasmi ah ugu dhaariyay xubinmada Golaha deegaanka waxaana ka qaybgalay Maamulka Gobolka Bari Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka iyo Masuuliyiin kale.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top