nugaal

481905788 1056100073228034 3390000735989321453 n 1
nugaal

Garowe: February 25, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa xafiiska ku qaabilay madaxa xafiiska siyaasadda qaramada midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mr Evert Kets.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, wada shaqaynta Hay’adaha caalamiga ah iyo Hay’adaha kala duwan ee Dawladda Puntland iyo hawlgalka ciribtirka argagixisada ee buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari. Ugu damayntii Shirka ayaa kusoo dhamaaday Jawi-Wanaaagsan iyo is afgarad laga gaaray dhammaan qodobada hortabinta leh ee shirka looga wada hadlay. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

481165876 1053407066830668 2414458762504527164 n
nugaal

Garowe: February 22, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland mudane Abdi Farah Juxa ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti sare oo ka socda qunsuliyadda Ethiopia dhawaan oo uu hogaaminayo Amb. Yidnekachew Tekle Alemu.

Wasiirka waxaa kulanka kala qeybgalay Xoghayaha Wasaaradda Abshir Hassan Mohamed Waftiga qunsuliyadda Ethiopia iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ka wada hadaleen Arrimo la xiriira qulqulka qaxootiga ka imaanaya Dalka Ethiopia iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Ethiopia iyo Puntland. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

480342564 1051196457051729 449184691394176146 n
nugaal

WASIIRKA OO QAABILAY WAFTI SARE OO KA SOCDA HAY’ADDA UNHCR.

Garowe: February 19,2025:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL Mudane Abdi Farah Juxa oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa maantay xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda hay’adda UNHCR oo ay hogaaminayey ku xigeenka Madaxa hay’adda UNHCR ee Puntland Mr. Xhemil shahu. Sidookale, shirka waxaa ka qaybgalay Xoghayaha Wasaaradda Abshir Xasan Maxamed, Government Liaison officer Hay’adda UNHCR Maxamed Nuur iyo Protection Officer Hay’adda UNHCR Mr. Eyop Kefele. Shirkaan oo muhiim ahaa ayaa waxaa si qoto dheer looga wadahadley qodobo muhiim ah oo kala ah sidaan hoose:- 1. Xal u helidda qul qulka Muhaajiriinta ka imaanaya Dalka Ethiopia. 2.Joojin in Puntland ay qabato Qaxooti cusub xaaladda amni ee soo korartay awgeed. 3. Dib u eegista Puntland Declaration of Prima Facie oo awal hore loo soo saaray April 2016. 3. Hubinta iyo dib u eegista xaaladda guud ee qaxootiga Puntland ku nool ee haysta diiwaangalinta Rasmiga ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. 3. Sidii loo soo afjari lahaa barakacnimada dadka Soomaaliyeed ee mudda dheer ku noolaa xeryaha barakacayaasha gudaha Puntland. 4. Dardargelin barnaamijka xalka waara ee dadka u baahan in xirfad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la taageero. 5. Arrimaha shaqo farsamo ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adda UNHCR. 6. xoojinta Xiriirka iyo xogta wada shaqayneed ee Hay’adda UNHCR iyo Dawladda Puntland. Madaxa cusub ee Hay’adda UNHCR ee Puntland ayaa booqon doona meelaha ay hay’adda ka fulisay mashaariicda lagu hormarinayo Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku nool Gudaha Dowladda Puntland. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

480695573 1051029823735059 2552830226489176432 n
nugaal

WARGELIN: JOOJIN AQOONSIGA NABADDOONADA CUSUB IYO KUWA BEDALKA AH.

Ku: Dhammaan Guddoomiyaasha Gobolada DPL. Ku: Dhammaan Guddoomiyaasha Degmooyinka DPL. Og: Madaxweynaha Dawladda Puntland. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan Guddoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka DPL in la joojiyey aqoonsiga nabaddoonada cusub iyo kuwa bedalka ah ilaa amar dambe, Wasaaradda ayaana dib ka soo sheegaysa xiliga dib loo furi doono. Haddaba, waxaa la farayaa Guddoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Dawladda Puntland in aan la qaban karin warqadda aqoonsiga nabaddoon cusub iyo mid bedal ah midna. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

480805811 1049933107178064 2391797253804146878 n
nugaal

Garowe : February 17, 2025: Masuuliyiin kala duwan ee Dawladda Puntland oo ay hogaaminayaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Fu’aad Abshir Adeer ayaa caawa casho sharaf u sameeyey wafdiga ka socday Dawladda Galmudug iyo masuuliyiin Gobolka Mudug dhanka Puntland.

Wasiirka ayaa u mahadceliyey Dawladda Galmudug iyo shacabkeeda sida wanaagsan ee ay taakulo iyo garab istaagga ugu muujiyeen hawlgalka ciribtirka Argagixisada Daacish ee ay Dawladda Puntland kaga sifeynayso buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari, kuwaas oo taakuladii ay wadeen ku wareejiyey shalay Guddiga taakuleynta iyo daryeelka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ku sugan Degmada Carmo ee Gobolka Bari. Masuuliyiinta Dawladda Puntland ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa boggaadi yey garab istaaga Galmudug u muujisay Ciidanka iyo hawlgalka socda, wuxuuna xusay in ay muhim tahay in meel looga soo wada jeesto ciribtirka Argagixisada Daacish iyo Shabaab oo labudaba khatar ku ah guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka oo dhan. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Mudane Fu’aad Abshir Adeer, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, Duqa Caasimadda Mudane Geedi Axmed Tuurre, Duqa Degmada Gaalkacyo, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeri, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Maxamed Ciise Cismaan iyo marti sharaf kale. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

480031057 1049056220599086 2814427962061870106 n
nugaal

Xiritaanka, Garoowe February 16, 2025: Waxaa magaalada Garoowe lagu Soo xirey kulan aqoon-isweydaarsi ah oo kor loogu qaadayo wada-shaqeynta iyo xirfadaha xoghayeyaasha degmooyinka Puntland.

Kulankan oo socdey muddo laba maalmood ah ayaa waxaa soo agaasimay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, waxaana ka soo qaybgalay 11 xoghayaha degmooyinka Puntland. Ujeedada kulanka ayaa ah in la xoojiyo xirfadaha xoghayeyaasha, kor loo qaado wada-shaqeynta dhexdooda iyo inay helaan faham qoto dheer oo la xiriira doorkooda hoggaamineed iyo adeegyada ay u hayaan bulshada. Kulankani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee lagu horumarinayo maamulka iyo adeegyada dowladaha hoose, si loo helo nidaam hufan oo wax-ku-ool ah. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

480568427 1048238734014168 1475631718446302137 n
nugaal

Garoowe February 15, 2025: Waxaa magaalada Garoowe ka furmay kulan aqoon-isweydaarsi ah oo kor loogu qaadayo wada-shaqeynta iyo xirfadaha xoghayeyaasha degmooyinka Puntland.

Kulankan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa soo agaasimay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, waxaana ka soo qaybgalay 11 xoghayaha degmooyinka Puntland. Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Mohamed AIi Farah Farmayeri oo kula dardaarmay xoghayeyaasha inay ka faa’iidaystaan fursaddan aqoon kororsiga ah iyo is-dhexgalka ay kula wadaagayaan xoghayeyaasha kale. Ujeedada kulanka ayaa ah in la xoojiyo xirfadaha xoghayeyaasha, kor loo qaado wada-shaqeynta dhexdooda iyo inay helaan faham qoto dheer oo la xiriira doorkooda hoggaamineed iyo adeegyada ay u hayaan bulshada. Kulankani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee lagu horumarinayo maamulka iyo adeegyada dowladaha hoose, si loo helo nidaam hufan oo wax-ku-ool ah. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

477789573 1045118954326146 7381574095119525451 n
nugaal

SHIRKA XOOJINTA AMNIGA IYO KA HORTAGGA FALALKA KA YIMAADA AJAANIIBTA.

Garowe: February 11, 2025: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa kulan la qaatay guddiga qaxootiga Yemeniinta ku nool Puntland. Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda amniga Saamaynta ay ku leeyihiin, ka feejignaanta dadka ay soo dhaweeyaan ee aysan hubin xaaladdooda, in aysan Puntland ku noolaan karin qof aan sharci ku soo gelin Bad iyo Beri guud ahaan xuduudaha Dawladda Puntland. Sidookale, waxaa kulankaan lagu xoojiyey in aan la aqbalayn warqad bedal ah oo meel kale laga siiyey (Transfer) qof soo gelaya Gudaha Puntland. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

476007987 1040443858126989 6315459624039336432 n
nugaal

WASIIRKA OO DAAH-FURAY WAJIGA 5-AAD EE DIB U EEGISTA XEER LR.7.

Garowe: February 04, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta daahfurey wajiga 5-aad ee dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Xeer LR.7. Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday labada Gole ee Dawladda Puntland, Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, Xisbiyada Siyaasadda Guddoomiyaha iyo Guddoomiye, qayb ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Garowe, Hay’adaha maxaliga ah, Jaamacadaha, Garsoorka, sharciyaqaano iyo aqoonyahan kala duwan oo door ku lahaa doodda dib u eegista Xeerka. Ugu horreyntii waxaa shirka si Rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, intaas kadib waxaa warbixin ku saabsan qodobada Wasaaraddu u aragtay in ay u baahanyihiin wax-kabedal iyo kaabis soo jeediyey La taliyaha sare ee dhanka Sharciga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Garsoore Ismaciil Cabdullaahi Cilmi. Soo jeedinta kadib, waxaa doodda loo furay aqoonyahankii iyo Madaxdii kala duwanayd ee shirka ka soo qaybgalay waxaana la is dhaafsaday dood maangal ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 iyo Dastuurka Dowladda Puntland oo meel badan kala duwanaansho ka jiro iyo in kaabis lagu sameeyo qodobada qaarkood. Shirkaan oo ahaa kii 5-aad ayaa waxaa doorkaan muhiimadda la siiyey aragtida ku aadan in dadka ay soo gudbiyaan aragtidooda qodobada ay u arkaan in wax laga bedalo iyada oo lagu dul dhisayo soo jeedinta Wasaaradda ee ah in la helo xeer si dhamaystiran looga qaybqaatay oo sifiican looga fara buuxsaday in la soo saaro. Qodobada aadka looga dooday waxaa ka ka mid ahaa, Qodobka 29-aad ee Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmooyinka iyo Qodobka 24-aad oo sheegaya Shuruudaha lagu lumin karo xubinnimada Golaha Deegaanka. Qodobada 45-aad oo sheegaya habka ay ku furmayaan Fadhiyada Goleyaasha Deegaanka iyo ugu dambeyntii Qodobka 26-aad oo sheegaya Qaab-dhismeedka Derajoonka Degmooyinka iyo Tirada Xubnaha Golaha Deegaanka. Waxaa kale oo shirka khubaradii ka soo qaybgashay soo jeediyeen in wax ka bedal lagu sameeyo qodobada 45-aad ilaa 65-aad oo muhiim u ah xeerkaaan ku dhaqankiisa iyo kala saarista awoodaha xiriirka Dawladda dhexe iyo Dowladaha Hoose. Dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka wuxuu ka dhici doonaa shirarkiisa 6-aad iyo 7-aad Degmooyinka Bosaaso iyo Badhan ee Gobolada Bari iyo Sanaag. Dood dheer kadib, waxaa la qoray soo jeedinta aqoonyahan waxaana laga samayn doonaa in lagu dabakho dhamaystirka dib u eegista Xeerka, waxaana sii socon-doona shirarka lagu dhamaystirayo Xeerka LR.7. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

475186064 1033960135442028 4358944100953077720 n
nugaal

Garowe: January 26, 2025: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa la shiray Guddiga Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka ku nool magaalada Garowe ee sifada sharciga ah ku jooga gudaha puntland.

Wasiirka ayaa guddiga qaxootiga iyo magalya-doonka ku adkeeyey inay nabadda kala shaqeeyaan laamaha Dawladda Puntland iyo inay iska qabtaan qofkii ay ka dareeman inuu halis ku yahay nabadgelyada guud ee wadanka. Sidookale, Wasiirka ayaa guddiga qaxootiga la wadaagay wareegtadii ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland taas oo ku saabsanayd khataraha ay keeni karaan dadka sida sharcidarada ah ku soo gala Deegaanada Puntland iyo in laga hawlgalay maanta oo taariikhdu tahay 26 Jannaayo 2025. Guddiga Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka ( Asylum Seekers ) waxay shirka ka cadeeyeen inay dhankooda nabadgelyada kala shaqaynayanaan laamaha amniga Dawladda Puntland. Shirka waxaa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada Beexaani Axmed Barre iyo La taliyaha farsamo ee Waaxda Ibraahim Axmed Maxamuud. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top