Cilmi-baaristaan oo laga sameeyey Degmooyinka Baargaal, Iskushuban, Ufeyn, Badhan, Dhahar iyo Dangarayo ee Gobolada Raas-casayr, Bari, Sanaag, Haylaan iyo Nugaal ayaa waxWasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo kaa shanaysa Daladda bulshada Rayidka ah PUNSAA. Cilbaaris taan ayaa waxaa lagu eegayey dhinacyada maamulka, adeeg-bixinta, sida caafimaadka asaasiga ah, biyahana, waxbarashada iyo qaybaha isku xirka bulshada iyo Degmada, waxaana la tashiyo kala duwan lala yeeshay Guddoomiyaasha Degmooyinka, Qaybaha ay ka koobantahay Dawladda Hoose iyo qaybaha bulshada ku nool Degmada. Khubarada diyaarisay cilmi-baaristaan ayaa ku saleeyey nidaamka sharci ee ay ku dhisantahay Dawladda Hoose sida in ay waafaqsantahay qaabdhismeedka loo dejiyey Dawladda Hoose in ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, fulinta adeegyada bulshada ku leedahay Dawladda Hoose, wada shaqaynta Degmada iyo Dawladda dhexe, wada shaqaynta bulshada iyo Degmada sida hawlgelinta bulshada. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL oo shirka si rasmi ah u daahfuray ayaa adkeeyey in ay lagama maarmaan tahay in sida wadajirka ah loo saxo warbixinta ay soo saartay cilmibaaristaan iyada oo wixii saxanna la dhiigelinayo wixii khaldamayna la saxayo. Madasha lagu soo bandhigay Cilmi-baaristaan waxaa ka soo qaybgalay Bulshada Rayidka Guddoomiyaasha Degmooyinka Cilmi-baarista laga sameeyey, hawl-wadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Bahwadaagta SSF, PUNSAA iyo VNG. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.