Garowe: April 15, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ka qaybgalay munaasabadda daahfurka qorshaha waxqabadka 5-ta sano 2025-2029 ee Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.

Madashaan oo Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC uu ku soo bandhigay qorshaha waxqabad ee 5-ta sano ayaa waxaa ka soo qaybgalay labada Gole ee Dawladda Puntland, Xibsiyada Siyaasadda, UNSOM, Bulshada Rayidka ah, ururada bulshada iyo bahwadaagta Doorashooyinka Puntland.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo kalmad ka jeediyey madasha ayaa ku bogaadiyey Guddiga Doorashooyinka Puntland soo bandhigda qorshaha waxqabadka iyo mudnaansiinta dardargelinta Arrimaha doorashooyinka Dalka.

 

Dhanka kale, Wasiirka ayaa xusay in ay muhiim tahay in si wanaagsan loogu diyaar garoobo wareegga soo socda ee doorashooyinka iyada oo lagu dabakhayo casharadii aan ka soo baranay doorashooyinkii aan hore u soo qabanay, waxaa muhiim ah in aynu dardargelino dib u eegista Xeerka iyo shuruucda Doorashooyinka ugu dambeyntii June 2026.

 

Wasiirka hadalkiisa sii watta ayaa xusay in uu meel Wanaagsan marayo xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 oo maraya meel gaba-gabo ah.

 

Wasiirka yaa yiri Xeeradii hore laga guur mana jirto meelkale oo loo noqdo, kaliya waxaa inoo furan in aynu dhammaystirno wadada Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka hufan ee aynu qaadanay, waxaynu dhamaystiraynaa doorasho laga fara buuxsaday sharciyadeedi la dhamaystiray.

 

Wasiirka oo arrimaha Siyaasadda ka hadlaya ayaa xusay in ay muhiim tahay in shacabka Reer Puntland ay iimaan sadaan Puntland, madaama Puntland ay hormuud u tahay hal abuurka Siyaasadeed ee dalka.

 

▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

 

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIM

HA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top