nugaal

473172369 1024662313038477 4846022241257897524 n
nugaal

Garowe: January 13, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa qaabilay wafti sare oo ka socday Hay’adda SSF.

Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax (Khaliifa), Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeri iyo saraakiil ka tirsan Hawl-wadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. Kulankaan ayaa waxaa looga wadahadley mashaariicda Hay’adda SSF ay la waddo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo bahwadaagteeda, guulaha laga gaaray wejiga kowaad ee Tababarka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee qo iyo cod lagu soo doortay iyo dib u heshiisiinta gaar ahaan Deegaanka Xero-jaale ee Gobolka Mudug. Sidookale, waxaa kulanka lagu lafa-guray la iskuna fahmay xoojinta iyo dib u eegista habka shaqo ee Dawladda Puntland iyo Hay’adda SSF. Intaas kadib, waxaa wajiga 2-aad ee shirka lagu qabtay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Qorsheynta, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Wasaraada Qorsheynta waxaana heshiis laga gaaray habka wada shaqaynta Dawladda iyo SSF iyo bahwadaagteeda. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

471704513 1015648980606477 8423429490191753082 n
nugaal, Uncategorized

Garoowe 31 Dec 2024

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa furay shir lagu soo bandhigayey istaraatiijiyada is dhexgalka Barakacayaasha iyo dadka deegaanka ( local Integration Strategy ) Shirkaan waxaa aad loogu faahfaahiyey sidii Barakacayaashu u dhexgelilahaayeen bulshada ay la nool yihiin oo ay ka qeybqaadan lahaayeen shaqooyinka , doorashooyinka iyo horumarka kale ee ka socda deegaanka ay ku nool yihiin . Waxaa kaloo aad looga hadlay sidii barakacayaasha looga qeybgelin lahaa barnaamijka Xalka Waara oo ah barnaamij hormarinaya nolasha dadka barakacayaasha ah kaasoo u ogolaanaya iney helaan dhul ay iyagu iska leeyihiin Guryana looga dhisi karo .

470234297 1009914261179949 6049395820724532864 n
Arrimaha Gudaha DPL., nugaal

Garowe: December 23, 2024: Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta xariga ka jaray xaafadda cusub ee Hawl-wadaag oo ka kooban 1,000 Guri, taas oo laga dhisay magaalada Garowe ee Caasumadda Dawladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray xaafadda qeybaheeda kala duwan, gaar ahaan xarumaha bixiya adeega, Saldhiga, Dugsiga Hoose/dhexe iyo Xarunta caafimaadka ee xaafafda Hoodaalle. Madaxweynaha ayaa boggaadiyey qorshaha lagu dhisay xaafada oo ay iska kaashadeen Dowladda iyo Hay’adaha bahwadaagta la ah Dawladda Puntland. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda , Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garowe, Bulshada loo dhisay guryaha iyo Hay’adaha ah bahwadaagta la ah ee ka shaqayeeyey dhismaha guryaha xalka waara ee laga dhisay Garowe. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax oo munaasabadda ka qaybgalay ku bogaadiyey maamulka Degmada Garowe iyo Hay’adaha bahwadaagta la ah ee mashruucaan iska kaashaday shaqada wanaagsan ee ay bulshada u qabteen. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

470599797 1006145534890155 6539450756083647277 n
nugaal

LA TASHIGA GUDDOOMIYAASHA DEGMOOYINKA EE DIB U EEGISTA XEER LR.7.

Garowe: December 18, 2024: Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa la tashi kala yeelatay Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7. Ugu horreyntii wajiga 2-aad ee shirka Degmooyinka oo maanta looga doodayey dib u eegista Xeer LR.7 waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, intaas kadib waxaa Warbixin ku saabsan qodobada Wasaaraddu u aragtay in ay u baahanyihiin wax-kabedal iyo kaabis soo jeediyey La taliyaha sare ee dhanka Sharciga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Garsoore Ismaciil Cabdullaahi Cilmi. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax iyo Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeri ayaa Degmooyinka maanta la wadaagay aragtida Wasaaradda ee ku aadan in Xeerkaan si wadajir ah looga doodo wax kabedalkiisa. Soo jeedinta kadib, waxaa doodda loo furay Guddoomiyaasha iyo aqoonyahankii kala duwanaa ee shirka ka soo qaybgalay waxaana la is dhaafsaday dood maangal ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in wadatashi balaaran la geliyo wax kabelka Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7. Dood dheer kadib, waxaa la qoray soo jeedinta Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Aqoonyahankii kale ee shirka ka soo qaybgalay waxaana laga samayn doonaa in lagu dabakho dhamaystirka dib u eegista Xeerka, waxaana sii socon-doona shirarka lagu dhamaystirayo Xeerka LR.7.

470184299 1005314471639928 2598000437257943025 n
wasaarada arimaha gudaha puntland, nugaal

Garowe: December 17, 2024: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa daahfurey Tababarka ku saabsan u qareemidda iyo Daadejinta maalmulka Maaliyadda Dowladaha Hoose ee Puntland, kaas oo ay ka soo qaybgaleen 36 Degmo.

Tababarkaan oo socon doonaa muddo 3 Beri ah yaa waxaa looga hadli doonaa Maamul Baahinta iyo Adeeg bixinta Dowladaha Hoose ee Puntland, u qareemidda Sanduuqa Horumarinta Degmooyinka. Sidookale, waxaa looga hadli doonaa dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 iyo Mideynta cashuuraha kala duwan ee Dowladdaha Hoose ee Puntland. Shirka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday Golaha Xukuumadda, Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland ee laga qabtay Doorashada hal Qof iyo hal Cod. —DHAMMAAD— Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. Kala xiriir wixii faahfaahin ah:-

470176063 1004688708369171 8356046136752492807 n
nugaal

Garowe: December 16 2024: shirka Dib u eegista Xeerka mideynta Canshuuraha Dowladdaha Hoose ee Degmooyinka Dowladda Puntland oo u dhaxeeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland ee laga qabtay Doorashada hal qof iyo hal Cod.

Ujeedka shirka ayaa ku saabsanaa ka doodista Qadobada ubaahan in lagu sameeyo wax ka badalka Xeerka mideynta canshuuraha Dawaladaha hoose ee Dagmooyinka Puntland. Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Hanti dhawrka Guud ee Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland ee laga qabtay Doorashada hal cod iyo hal Qof. Intii shirka socday waxaa soo jeediyey Su’aalaha laga doodayey Sharci yaqaanka Wasaaradda Garsoore Ismaciil Cabdullaahi Cilmi iyo Guddoomiyaha Hanti dhawrka Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cismaan Maxamuud Cali, waxaaana fikirkooda iyo talo bixin laga aruuriyey Guddoomiyaasha shirka ka soo qaybgalay —DHAMMAAD— Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. Kala xiriir wixii faahfaahin ah:-

469780754 1000621032109272 444901706297037956 n
Arrimaha Gudaha DPL., nugaal

WASIIRKA OO SOO XIRAY WAJIGA 1-AAD EE SHIRKA DIB U EEGISTA XEER LR.7.

Garowe: December 10, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta soo xiray wajiga 1-aad ee shirka dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Xeer LR.7. Shirkaa ayaa maanta waxaa diiradda lagu saaray soo bandhigidda tala-bixintii ka soo baxday qodobadii shalay laga dooday, soo jeedin, caqabadihii laga bartay Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 xiligii Doorashada Goleyaasha Deegaanka, kaas oo ay soo jeedisay Aamina oo ka socotay hay’adda PDRC. Ka doodista caqabaha ay soo jeedisay PDRC, wax ku darista iyo kaabista qodobada Xeerka ee la xiira Arrimaha Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmooyinka iyo Soohdimaha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland. Sidookale, waxaa soo jeedin sameeyey Axmed Shire Axmed oo ka socday Machadka Hangool & Jaamacadda Puntland State University (PSU), Kaas oo ku saabsanaa daadejinta Maaliyadda (Fiscal Decentralisation), Caasimadda Garowe, Nidaamka Doorashooyinka Degmooyinka, iyo dib uga fakeridda nidaamka goboladda iyo Degmooyinka ee PL (Administrative Tiers). Is dhaafsiga aragtida kala duwan ee Dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka waxaa loo bedeli noo ururin iyo kaabis, waxaana la sii wadi doonaa shirarka ku saabsan talo xibinta wax ku darka, kaabista iyo dhamaystirka Dib u eegista xeerkaan. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

469691231 999881245516584 2795285335395996400 n
nugaal, Arrimaha Gudaha DPL.

WASIIRKA OO DAAH-FURAY SHIRKA DIB U EEGISTA XEER LR.7.

Garowe: December 09, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta daahfurey shirka dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Xeer LR.7. Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaasha Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo Shuruucda ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xubnaha Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, Xisbiyada Siyaasadda Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Garowe, qayb ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Garowe, Duqa Degmada Godob-jiiraan, Xildhibaan Haashim Maxamed Jaamac oo ka socday Dalka Sweden, Madaxa UNDP Puntland, Hay’adaha maxaliga ah, Jaamacadaha, Garsoorka, sharciyaqaano iyo aqoonyahan kala duwan oo door ku lahaa doodda dib u eegista Xeerka. Ugu horreyntii waxaa shirka si Rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, intaas kadib waxaa Warbixin ku saabsan qodobada Wasaaraddu u aragtay in ay u baahanyihiin wax-kabedal iyo kaabis soo jeediyey La taliyaha sare ee dhanka Sharciga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Garsoore Ismaciil Cabdullaahi Cilmi. Soo jeedinta kadib, waxaa doodda loo furay aqoonyahankii iyo Madaxdii kala duwanayd ee shirka ka soo qaybgalay waxaana la is dhaafsaday dood maangal ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 iyo Dastuurka Dowladda Puntland oo meel badan kala duwanaansho ka jiro iyo in kaabis lagu sameeyo qodobada qaarkood. Qodobada aadka looga dooday waxaa ka ka mid ahaa, Qodobka 29-aad ee Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmooyinka iyo Qodobka 24-aad oo sheegaya Shuruudaha lagu lumin karo xubinnimada Golaha Deegaanka. Qodobada 45-aad oo sheegaya habka ay ku furmayaan Fadhiyada Goleyaasha Deegaanka iyo ugu dambeyntii Qodobka 26-aad oo sheegaya Qaab-dhismeedka Derajoonka Degmooyinka iyo Tirada Xubnaha Golaha Deegaanka. Dood dheer kadib, waxaa la qoray soo jeedinta aqoonyahan waxaana laga samayn doonaa in lagu dabakho dhamaystirka dib u eegista Xeerka, waxaana sii socon-doona shirarka lagu dhamaystirayo Xeerka LR.7. –DHAMMAAD– XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

469840016 1000499348788107 1694147123210601471 n
Arrimaha Gudaha DPL., nugaal

DAAH-FURKA TABABARKA XALINTA KHILAAFAADKA DHULKA.

Garowe: December 10, 2024: Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa daahfuray Tababarka xalinta khilaafadka dhulka ee Degmada Garowe. Guddoomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmada Garowe Mudane Maxamed Cali Xameri ayaa wasiir ku xigeenka kala qaybgalay Daahfurka Tababarkaan oo loogu talagalay in ay ka qaybgalaan xubnaha Golaha Deegaanka, Guddiga Xalinta khilaafadka dhulka, Maxkamadda darjada 1-aad ee Degmada iyo Waaxda Hawlaha Guud iyo Dhulka ee Dowladda hoose ee Degmada Garowe. Tababarkaan oo ku saabsanaa Maaraynta khilaafaadka Dhulka Degmooyinka ayaa waxaa hore looga soo qabtay Degmooyinka Badhan iyo Buurtinle ee Gobolada Sanaag iyo Nugaal. Tababarkaan ayaa waxaa bixinyey Bare Sare Maxamed Muuse Maxamed Kala-kaan waxaana caawinayey Cabdinuur Cali Jaamac oo ka mid ah Hawl-wadannada Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. –DHAMMAAD– XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top