Garowe: January 13, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa qaabilay wafti sare oo ka socday Hay’adda SSF.

Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax (Khaliifa), Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeri iyo saraakiil ka tirsan Hawl-wadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
Kulankaan ayaa waxaa looga wadahadley mashaariicda Hay’adda SSF ay la waddo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo bahwadaagteeda, guulaha laga gaaray wejiga kowaad ee Tababarka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee qo iyo cod lagu soo doortay iyo dib u heshiisiinta gaar ahaan Deegaanka Xero-jaale ee Gobolka Mudug.
Sidookale, waxaa kulanka lagu lafa-guray la iskuna fahmay xoojinta iyo dib u eegista habka shaqo ee Dawladda Puntland iyo Hay’adda SSF.
Intaas kadib, waxaa wajiga 2-aad ee shirka lagu qabtay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Qorsheynta, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Wasaraada Qorsheynta waxaana heshiis laga gaaray habka wada shaqaynta Dawladda iyo SSF iyo bahwadaagteeda.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top