Garowe: February 04, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta daahfurey wajiga 5-aad ee dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Xeer LR.7.
Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday labada Gole ee Dawladda Puntland, Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, Xisbiyada Siyaasadda Guddoomiyaha iyo Guddoomiye, qayb ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Garowe, Hay’adaha maxaliga ah, Jaamacadaha, Garsoorka, sharciyaqaano iyo aqoonyahan kala duwan oo door ku lahaa doodda dib u eegista Xeerka.
Ugu horreyntii waxaa shirka si Rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, intaas kadib waxaa warbixin ku saabsan qodobada Wasaaraddu u aragtay in ay u baahanyihiin wax-kabedal iyo kaabis soo jeediyey La taliyaha sare ee dhanka Sharciga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Garsoore Ismaciil Cabdullaahi Cilmi.
Soo jeedinta kadib, waxaa doodda loo furay aqoonyahankii iyo Madaxdii kala duwanayd ee shirka ka soo qaybgalay waxaana la is dhaafsaday dood maangal ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 iyo Dastuurka Dowladda Puntland oo meel badan kala duwanaansho ka jiro iyo in kaabis lagu sameeyo qodobada qaarkood.
Shirkaan oo ahaa kii 5-aad ayaa waxaa doorkaan muhiimadda la siiyey aragtida ku aadan in dadka ay soo gudbiyaan aragtidooda qodobada ay u arkaan in wax laga bedalo iyada oo lagu dul dhisayo soo jeedinta Wasaaradda ee ah in la helo xeer si dhamaystiran looga qaybqaatay oo sifiican looga fara buuxsaday in la soo saaro.
Qodobada aadka looga dooday waxaa ka ka mid ahaa, Qodobka 29-aad ee Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmooyinka iyo Qodobka 24-aad oo sheegaya Shuruudaha lagu lumin karo xubinnimada Golaha Deegaanka.
Waxaa kale oo shirka khubaradii ka soo qaybgashay soo jeediyeen in wax ka bedal lagu sameeyo qodobada 45-aad ilaa 65-aad oo muhiim u ah xeerkaaan ku dhaqankiisa iyo kala saarista awoodaha xiriirka Dawladda dhexe iyo Dowladaha Hoose.
Dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka wuxuu ka dhici doonaa shirarkiisa 6-aad iyo 7-aad Degmooyinka Bosaaso iyo Badhan ee Gobolada Bari iyo Sanaag.
Dood dheer kadib, waxaa la qoray soo jeedinta aqoonyahan waxaana laga samayn doonaa in lagu dabakho dhamaystirka dib u eegista Xeerka, waxaana sii socon-doona shirarka lagu dhamaystirayo Xeerka LR.7.