Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 3-aad laga qaban doonaa 5 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Karkaar iyo 2 Degmo oo Gobolka Bari ah.
Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo.
Tababarkaan ayaa waxaa bixinaya Tababarayaal ka socda Hay’adda CES iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.




























