Garoowe February 15, 2025: Waxaa magaalada Garoowe ka furmay kulan aqoon-isweydaarsi ah oo kor loogu qaadayo wada-shaqeynta iyo xirfadaha xoghayeyaasha degmooyinka Puntland.

Kulankan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa soo agaasimay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, waxaana ka soo qaybgalay 11 xoghayaha degmooyinka Puntland.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Mohamed AIi Farah Farmayeri oo kula dardaarmay xoghayeyaasha inay ka faa’iidaystaan fursaddan aqoon kororsiga ah iyo is-dhexgalka ay kula wadaagayaan xoghayeyaasha kale.
Ujeedada kulanka ayaa ah in la xoojiyo xirfadaha xoghayeyaasha, kor loo qaado wada-shaqeynta dhexdooda iyo inay helaan faham qoto dheer oo la xiriira doorkooda hoggaamineed iyo adeegyada ay u hayaan bulshada.
Kulankani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee lagu horumarinayo maamulka iyo adeegyada dowladaha hoose, si loo helo nidaam hufan oo wax-ku-ool ah.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top