WARGELIN: JOOJIN AQOONSIGA NABADDOONADA CUSUB IYO KUWA BEDALKA AH.

Ku: Dhammaan Guddoomiyaasha Gobolada DPL.
Ku: Dhammaan Guddoomiyaasha Degmooyinka DPL.
Og: Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan Guddoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka DPL in la joojiyey aqoonsiga nabaddoonada cusub iyo kuwa bedalka ah ilaa amar dambe, Wasaaradda ayaana dib ka soo sheegaysa xiliga dib loo furi doono.
Haddaba, waxaa la farayaa Guddoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Dawladda Puntland in aan la qaban karin warqadda aqoonsiga nabaddoon cusub iyo mid bedal ah midna.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top