WASIIRKA OO QAABILAY WAFTI SARE OO KA SOCDA HAY’ADDA UNHCR.

Garowe: February 19,2025:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL Mudane Abdi Farah Juxa oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa maantay xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda hay’adda UNHCR oo ay hogaaminayey ku xigeenka Madaxa hay’adda UNHCR ee Puntland Mr. Xhemil shahu.
Sidookale, shirka waxaa ka qaybgalay Xoghayaha Wasaaradda Abshir Xasan Maxamed, Government Liaison officer Hay’adda UNHCR Maxamed Nuur iyo Protection Officer Hay’adda UNHCR Mr. Eyop Kefele.
Shirkaan oo muhiim ahaa ayaa waxaa si qoto dheer looga wadahadley qodobo muhiim ah oo kala ah sidaan hoose:-
1. Xal u helidda qul qulka Muhaajiriinta ka imaanaya Dalka Ethiopia.
2.Joojin in Puntland ay qabato Qaxooti cusub xaaladda amni ee soo korartay awgeed.
3. Dib u eegista Puntland Declaration of Prima Facie oo awal hore loo soo saaray April 2016.
3. Hubinta iyo dib u eegista xaaladda guud ee qaxootiga Puntland ku nool ee haysta diiwaangalinta Rasmiga ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
3. Sidii loo soo afjari lahaa barakacnimada dadka Soomaaliyeed ee mudda dheer ku noolaa xeryaha barakacayaasha gudaha Puntland.
4. Dardargelin barnaamijka xalka waara ee dadka u baahan in xirfad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la taageero.
5. Arrimaha shaqo farsamo ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adda UNHCR.
6. xoojinta Xiriirka iyo xogta wada shaqayneed ee Hay’adda UNHCR iyo Dawladda Puntland.
Madaxa cusub ee Hay’adda UNHCR ee Puntland ayaa booqon doona meelaha ay hay’adda ka fulisay mashaariicda lagu hormarinayo Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku nool Gudaha Dowladda Puntland.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top