Bari

507990815 1142028254635215 1853773370949363785 n
Bari

MAALINTII 4-AAD

Balli-dhidin: June , 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland (MoIFAD) waxay fududeysay kulamada wadajirka ah ee u dhexeeya Guddiyada nabbada iyo Amniga ee billaha ah oo si wadajir ah looga qabtay afarta Degmo ee mashruuca Xasilinta Calmiskaad ee kala ahCarmo, Iskushuban, Balidhidin, iyo Ufeyn. Kulammadan waxaa ka soo qaybgalay 20 qof Degmo kasta, guud ahaanna gaaraya 80 qof, kuwaas oo isugu jiray xubno ka tirsan guddiyada nabadda ee deegaanka, Booliska, saraakiisha amniga, Maamulka Degmooyinka, odayaal dhaqameedyo, iyo hoggaamiyeyaal kale oo matala bulshada deegaanka. Ujeeddada kulammadaan waxay ahayd in la dhiso madal nidaamsan oo lagu xoojinayo isgaarsiinta iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee ka dhaxeysa hay’adaha nabadda ee bulshada iyo laamaha rasmiga ah ee amniga. Hindisahaan wuxuu doonayaa in uu yareeyo farqiga iskudugid mararka badan keena in si daahsan looga jawaabo dhacdooyinka amni-darro, isla markaana la xoojiyo kalsoonida bulshada iyo hay’adaha dowladda Kulammadii ugu horreeyay waxay fursad u noqdeen in lagu aqoonsado caqabadaha amni ee ka jira deegaanka, laguna wadaago habraacyada digniinta hore (early warning mechanisms), iyadoo la is waafajiyay xeeladaha bulsho iyo kuwa dowladeed ee dhinacyada nabad-dhisidda iyo xallinta khilaafaadka. Ugu dambeyntii Kulammadaan ayaa u dhici doona si bille ah , waxaana la rajeynayaa in ay door muhiim ah ka qaataan saameynta muddada dheer ee mashruucaan oo si gooni ah diiradda u saaraya ilaalinta hannaanka xasilinta ee deegaanada Cal-miskaad ee Degmooyinka Carmo, Ufeyn, Iskushuban iyo Balli-dhidin ee Gobolka Bari. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

497573169 1117236587114382 2278215772768979250 n 2
Bari

COMMUNIQUÉ

Introduction Armo: May 12, 2025: The official launch of the Cal-Miskaad Stabilization Program in the districts of Carmo, Ufeyn, Iskushuban, and Bali-dhidin was held in Carmo District, Bari Region, on May 12, 2025. High-level dignitaries, including the Minister of Health (also Chairperson of the Cal-Miskaad Counterterrorism Support Committee), the Minister of Security and DDR, the State Minister of the office of Puntland President, the Governor of Bari, district mayors, representatives from international and local stabilization partners, civil society actors, traditional elders, and security sector representatives graced the launch ceremony. The primary objective of the launch was to assess the urgent and actual needs in districts affected by the conflict against terrorist groups in the Cal-Miskaad mountains, to establish and train district-level security committees, to raise public awareness, to strengthen the linkage between communities and local authorities, and to conduct a rapid assessment of the conflict’s impact on surrounding populations and areas. Key Resolutions from the Conference 1. The Ministry of Interior, Federal Affairs, and Democratization of Puntland shall lead all stabilization efforts in the region. 2. The Ministry is tasked with conducting a rapid needs assessment to generate detailed and evidence-based information to guide targeted stabilization interventions. 3. A coordination committee for stabilization shall be established at both the district and central government levels to steer efforts, ensure community-government accountability, and reinforce the legitimacy of recently held one-person-one-vote elections. 4. Efforts to promote social cohesion shall be intensified, particularly for displaced persons from the Cal-Miskaad region, by integrating them into district-level development plans. 5. The Ministry shall ensure that stabilization programming is inclusive and responsive to the needs of women, youth, and other vulnerable groups affected by the Cal-Miskaad conflict. Call to the International Community The Ministry of Interior, Federal Affairs, and Democratization of Puntland Respectively calls upon the international community, donor agencies, and development and humanitarian stakeholders to: 1. Ensure Puntland’s participation in ongoing stabilization programs from which it is currently excluded, despite the high levels of need in Cal-Miskaad—an area recently liberated from terrorist control and a strategic focus alongside the Calmadow areas. 2. Align international stabilization efforts with the Ministry’s overarching framework for peacebuilding, community stabilization, and inter-clan reconciliation. 3. Support the institutional capacity building of local government structures—especially those responsible for good governance, service delivery, and conflict resolution at the district level. Conclusion Stabilizing the Cal-Miskaad region is not merely a matter of urgent humanitarian response; it is a strategic investment in peace, community resilience, and legitimate state-building. The Ministry of Interior stands ready to lead a collaborative, transparent, and needs-driven stabilization process that addresses the priorities of the people of Puntland. Finally, we express our sincere gratitude to the SSF III Program for its vital support to the stabilization agenda across the four districts of Carmo, Ufeyn, Iskushuban, and Bali-dhidin in Bari Region. ●●●END●●● For More information, Please Contact us Office of the Communication-MOIFAD.

497573169 1117236587114382 2278215772768979250 n 1
Bari

●●WAR-MURTIYEED●●

HORDHAC. Carmo: May 12, 2025: Daah-furka Barnaamijka Xasilinta Cal-miskaad ee Degmooyinka Carmo, Ufeyn, Iskushuban iyo Bal-dhidin oo ka qabsoomay Degmada Carmo ee Gobolka Bari May 12, 2025. Madasha daah-furka Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka, Wasiiru Dowlaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ahna Guddoomiyaha Guddiga Taakulada hawlgalka ciribtirka argagisada ee Cal-miskaad, Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada Dawladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Guddoomiyaasha Degmooyinka Carmo, Ufeyn, Iskushuban iyo Bali-dhin ee Gobolka Bari, Hay’adaha taageera barnaamijka Xasilinta, Bulshada Rayidka ah, Nabaddoono iyo laamaha amaanka. Ujeeddada daah-furka shirkaan ayaa a in la helo baahiyaha rasmiga ah ee ka jira Degmooyinka uu saameeyey dagaalka lagula jiro argagixisada ee buuraha Cal-miskaad, Dhisida iyo tababaridda guddiyada nabadgelyada ee heer Degmo, wacyigelinta bulshada, xoojinta isku xirka bulshada iyo Dawladaha Hoose iyo in si deg deg ah loo sameeyo qiimeynta baaxadda saamaynta dagaalka ee bulshada ku nool Degmooyinka kor ku xusan iyo deegaanada ku xeeran. QODOBADA KA SOO BAXAY SHIRKA. 1. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ay hogaamiso barnaamijyada xasilinta Puntland. 2. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ay samayso qiimeyn deg-deg ah, si loo helo xog dheeri ah oo saldhig u noqota barnaamijyada la beegsanayo ee Xasilinta. 3. In la dhiso guddiga isku-dubaridka Xasilinta ee heer Degmo iyo Dawladda dhexe si loo hago dedaallada xasilinta, loona hubiyo isla xisaabtanka bulshada iyo Dawladda Hoose ee ay dhawaan ka dhacday doorashooyinka tooska ah ee hal qof iyo hal cod. 4. In la xoojiyo is-dhexgalka bulshada, gaar ahaan kuwa deegaanada Cal-miskaad kasoo barakacay, iyaga oo lagu daro qorsheyaasha horumarinta heer Degmo. 5. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ay hubiso in barnaamijyada xasilintu noqdaan kuwa ka tarjumaaya baahiyaha haweenka, dhalinyarada iyo bulshada nugul ee uu saameeyey dagaalka Cal-miskaad. BAAQA BEESHA CAALAMKA. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Beesha caalamka, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee daneeya arrimaha nabadda iyo xasilinta Soomaaliya:- a) In Dawladda Puntland laga qaybgeliyo barnaamijyada xasilinta ee ay hadda ka maqantahay, maadaama ay baahi-weyn ka jirto deegaanada Cal-miskaad ee argagixisada laga horeeyey iyo kuwa qorshaysan ee Calmadow. b) In dedaalada barnaamijyada xasilinta ay la jaan-qaadaan qorshaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee ah Nabad-dhiska, Xasilinta bulshada iyo u heshiisiinta Beelaha. c) In la taageero dhismaha awooddaha hay’adaha Dawliga ah ee heer Degmo, gaar ahaanna maamul wanaagga, bixinta adeegyada, iyo xalinta khilaafaadka. Gunaanad. Xasilinta Calmiskaad ma aha oo kaliya baahi bani’aadanimo oo degdeg ah, ee waa maalgashi istaraatiiji ah oo lagu sugayo Nabadda, adkaysiga bulshada iyo dhismaha dawladnimo oo rasmi ah. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay diyaar u tahay inay hoggaamiso hawlgal wadajir ah oo hufan, waxtar leh, kuna saleysan baahida dhabta ah ee shacabka Reer Puntland. Ugu dambayntii waxaanu u mahadcelinaynaa barnaamijka SSF III oo taageeray qorshaha Xasilinta 4 Degmo ee Carmo, Ufeyn, Iskushuban iyo Bali-dhidin ee Gobolka Bari. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

496938418 1115675780603796 2463403286197400537 n 2
Bari

𝗗𝗮𝗮𝗵𝗳𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮- 𝗫𝗮𝘀𝗶𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗖𝗮𝗹𝗺𝗶𝘀𝗸𝗮𝗮𝗱

Carmo: May 12, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Mudane Abdi Farah Juxa ayaa si rasmi ah u daah-furnay barnaamijka xasilinta Cal-miskaad ee wajiga koobaad oo ka bilaamanaya Degmooyinka Carmo, Ufeyn, Iskushuban iyo Balli-dhidin ee Gobolka Bari. Madasha daah-furka waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaasha 4 Degmo ee kor ku xusan, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ahna Guddoomiyaha guddiga taakulada hawlgalka ciribtirka argagixisada ee buuraha Cal-miskaad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-TA Dawladda Puntland, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo dib u heshiisiinta iyo hawl-wadeenada kala duwan ee Wasaarada Arrimaha Gudaha DPL. Shirkaan ayaa wuxuu ahmiyadda siinayaa qodobadaan hoose ku xusan:- 𝟏. 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐞𝐲𝐧 𝐃𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Waxay fulinaysaa qiimeyn deg-deg ah oo ku saabsan xaaladda Nabadeed, adeegyada bulshada, hay’adaha Dawladda heer degmo ee degmooyinka Carmo, Iskushuban, Ufeyn iyo Balidhidin si loo helo, loona daraaseeyo baahiyaha rasmiga ah ee ka jira Degmooyinka. 𝟮. 𝗔𝗯𝗮𝗮𝗯𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗱𝗼 𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗶𝗱𝗮 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮: Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL Waxay dhisaysaa guddiyada Nabadda heer Degmo oo ka kooban masuuliyiin deegaan, Odayaal dhaqameed, haween iyo dhalinyaro si loo dhiso kalsoonida iyo iskaashiga bulshada (social fabric- social hocesion) deegaanada ay samaysay colaadaha, iyada oo la siinayo tababaro ku saabsan Tabaha xalinta khilaafaadka, adkaynta Nabada iyo wada shaqaynta dadka iyo dowladda. 𝟯. 𝗪𝗮𝗰𝘆𝗶𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻 & 𝗧𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮𝗿 𝗞𝘂 𝗦𝗮𝗮𝗯𝘀𝗮𝗻 𝗫𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗞𝗵𝗶𝗹𝗮𝗮𝗳𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 Waxaa la tabari doonaa, guddiyada la dhisay iyo qaybo kamid ah dadweynaha Degmooyinka laga shaqaynayo, waxaa lagu tababri doonaa Tabaha xalinta khilaafaadka, ka hortaga xasaradaha colaadaha iyo la dagaalanka mab da’a xagjirka ah, sii loo dhiso fahamka dadka ee Nabada iyo Xasiloonida bulshada dhexdeeda. 𝟰. 𝗢𝗹𝗼𝗹𝗲 𝘄𝗮𝗰𝘆𝗶𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻 𝗗𝗮𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 Wasaaraddu Waxay qabanaysaa fagaareyaal wacyigelin ah oo ay ka qeyb galayaan Culumada, Odayaasha, Dhalinyaradda iyo Goloyaasha deegaanka si bulshada loogu wacyigeliyo muhiimadda Nabadda. 𝟱. 𝗙𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗙𝗮𝗿𝗶𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮: Wasaaraddu waxay dhisaysaa fariimo nabadeed oo la jaanqaadaya dhaqanka bulshada iyo wacyigooda annagoo gaarsiin doona dadweynaha ku dhaqan deeganada hoos yimaada degmooyinka bar-bilowaga u ah barnaamijka Xasilinta, farriimahaan ayaa dadweynaha loo marin doonaa warbaahinta iyo baraha bulshada. Ugu dambeyntii waxaa shirka ka soo baxay war-murtiyeed lagu dhisayo qorsheyaasha shaqo ee xasilinta Cal-miskaad. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

491958786 1103742365130471 7412761940357630621 n
Bari

Bosaaso: April 24, 2025: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa xarigga ka jaray dhismaha Xarunta qaabiladda qaxootiga ee magaalada Boosaaso oo si casri ah dib u dhis loogu sameeyay.

Agaasimaha Guud waxaa xarig jarka ku weheliyey Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso Ismaaciil Cali Jaamac Maamulaha Shirkadda Deyaar Eng. Cabdiraxmaan Garoon iyo Masuuliyiin ka socotay Hay’adaha UNCHR iyo NRC. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

492520693 1102732431898131 8504836786961715772 n
Bari

Carmo: April 23, 2025: Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqradiyadda Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri oo weheliyaan khuburo iyo aqoonyahan kasocda Wasaaradda ayaa Kormeer iyo Boqasho ku tagay Kuliyadda Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ee Carmo.

Agaasimaha Guud iyo khubarada Wasaaradda waxaa Kuliyadda ku soo dhaweeyey Gen. Muuse Cabdiraxmaan Axmed Xasaasi Taliyaha kulliyada Tababarka Ciidanka booliska Carmo iyo Saraakiisha Tababarka bixinaysa ee ciidanka Booliska Dawladda Puntland ee ku sugan Kuliyadda Tababarka Ciidanka Booliska. Kuliyadda Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu tababar uga socdo 500 oo ciidanka Booliska ah ku waas oo ciidanka Booliska Puntland uu qaatay dhalinyaro Reer Puntland oo aqoonyahan ah haystana shahaadooyinka Jaamacadaha ee heerar keeda kala duwan. Agaasimaha ayaa tababar hal Maalin soconaaya oo ku saabsan sida Booliska iyo bulshadu saaxiib dhow u noqon karaan iyo casharo kale oo muhim ah usoo jeediyay ciidanka. Sido kale, khuburo kasocotay Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa dhankooda tababarka wax kasoo jeediyay, ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyay ciidanka kuna amaanay iyaga oo waxbartay inay dadkooda iyo dalkooda u adeegaan. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

476167250 1041958921308816 1697127127097739136 n
Bari

Bosaaso: February 06, 2025: Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland H.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa ka qaybgalay olaha dhiig shubka ee lagu garab istaagayo ciidankeena ku jira hawlgalka ciribtirka argagixisada ee buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari.

Wasiir waxaa weheliyey Guddoomiye ku xigeenka Degmada Bosaaso Mudane Bashiir Faarax Siciid iyo Xoghayaha Dawlada Hoose Ismaciil Cali jaamac (Buureed). ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

475411057 1039667721537936 2403331523251103687 n
Bari

Bosaaso: February 03, 2025: Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa magaalada Bosaaso ka wadda maalintii 2-aad tababarka awood siinta Golaha Deegaanka Degmada.

Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 3-aad laga qaban doonaa 5 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Karkaar iyo 2 Degmo oo Gobolka Bari ah. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. Tababarkaan ayaa waxaa bixinaya Tababarayaal ka socda Hay’adda CES iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

475564415 1039098768261498 1666876144272497691 n 1
Bari

Bosaaso: February 02, 2025: Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari ka daahfuray tababarka awood siinta Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso.

Furitaanka Tababarkaan waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaan Nasiib Muuse Cali oo ka mid guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Bari Maxamed Axmed Maxamuud (Ugaas) iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Bosaaso Bashiir Faarax Siciid, waxaana tababarka bixinaya Hay’adda CES iyo hawl-wadeenada Wasaaradda ee sida wadajirka ah u wada tababarka. Tababarka Goleyaasha Deegaanka 30-ka Degmo ee dhawaan laga sameeyey qiimeynta baahiyahooda shaqo ayaa waxaa wajiga 3-aad laga qaban doonaa 5 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Karkaar iyo 2 Degmo oo Gobolka Bari ah. Tababarkaan ayaa Degmooyinka waxaa lagu barayaa doorkooda Hoogaamineed, Xalinta khilaafaadka, Qorshaynta ka qaybqaadashada iyo hagaha miisaaniyada, kicinta Dakhliga iyo sida ay u degsan lahaayeen qorsheyaasha shaqo. Tababarkaan ayaa waxaa bixinaya Tababarayaal ka socda Hay’adda CES iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

474445687 1028111602693548 7044172692186322295 n
Bari

Bosaaso: January 18, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax iyo Xoghayaha Wasaaradda Abshir Xasan Maxamed ayaa kormeer shaqo ku tegay Xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Bosaaso.

Waxaa masuuliyiinta Wasaaradda ku soo dhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka Degmada Bosaaso Bashiir Faarax Siciid oo uu weheliyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Bosaaso Mudane Ismaciil Cali Jaamac. Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa kormeeray Xafiisyada kala duwan ee Dowladda Hoose iyaga oo u kuurgalay xaaladda shaqo shaqaale ee Degmada waxaana dhammaan Xafiisyada shaqada ka socota soo marsiiyey Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Bosaaso. Ugu dambeyntii Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Xoghayaha Wasaaradda ayaa kulan Xafiiska Guddoomiye ku xigeenka kula kulmay Guddoomiye ku xigeenka, Xoghayaha Dawladda Hoose iyo qayb ka mid ah xubnaha Golaha Deegaanka Degmada, kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray Xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Dawladda Hoose iyo laamaha kale ee Dawladda Puntland. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top