Kulankaan waxaa Agaasimaha Guud ku weheliyey Duqa Degmada Bosaaso Eng Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Eng Cabdulqaadir Cabdi daadir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta Dowladda Puntland Cabduqaadir Shiikh Maxamuud. Shirkaan oo ka dhacay magaalada Bosaaso ayaa ka qaybgalay Madax ka socotay Haay’addaha sida wadajirka ah uga wada shaqeeya mashruuca Saamaynta, kuwaas oo kala ah IOM, UN-Habitat, UNDP iyo Dowlada Swiss oo iyagu ah Doonarka bixinaya dhaqaalaha ku baxaya mashruucaan. Kulanka kadib, masuuliyiinta kala duwan we uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa kormeer shaqo ku tegay Xaafada Xalka waara (Girible), kuwaas oo ay degen yihiin dad horay u ahaa Barakacayaal haddase si rasmi ah uga mid noqday bulshada deegaanka, kuwaas oo loo dhisay Xaafado ay iyagu leeyihiin oo qayb ka ah mashruuca xalka waara, Dowladda Puntland ayaa ku deeqday dhulka laga dhisay Xaafadahaa, waxaana si wada jir ah uga shaqeeyey Dhismaha Dowladda Hoose ee Degmada Bosaaso, iyo bahwadaagta mashruuca ee kala ah IOM, UN-HABITAT iyo UNDP. Masuuliyiinta ayaana Xariga ka jaray Xarunta Hooyada iyo dhaalanka iyo Garoonka kubada Cagta, sidoo kale waxay Kormeereen isla markaana indha indhayn iyo qiimayn ku sameeyeen Suuqa Xaafada, dhismayaasha gacanta lagu hayo ee loo dhisayo bulshada Xafadaasi iyo ceelbiyood cusub oo dhawaan laga hirgelin doono xaafadaha xalka waara. Intaas kadib, masuuliyiinta ayaa qiimayn ku sameeyey qaabka ugu fudud ee loogu dhisi karo Waddo laami ah oo isku xirta magaalada iyo xaafadaha xalka waara ee Bosaaso. Ugu dambeyntii Masuuliyiinta ayaa Bulshada Xaafadda ka dhegaystay baahiyaha ay qabaan kuwaas, waxayna sheegeen in ay baahi weyn u qabaan in ay helaan Dugsi sare, Fursado shaqa abuur iyo waxyaalaha kale ee ay u baahan yihiin, Gudoomiyaha Degmada Bosaaso ayaa ballan qaaday inay si dhow uga shaqaynayaan waxyaalaha dhiman. –DHAMMAAD– XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.