Bari

514093737 1154863880018319 2024209805820488404 n
Bari

CARMO JUNE 29, 2025 :Wasiir doowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeenta Doowlada puntland Yuusuf Mohamed Wacays Dhado ayaa furey Kulanka La-tashiga Guddiyada Xasilinta Nabadda iyo Wacyigelinta Bulshada

Kulanka la-tashiga ee lagu qabtay magaalada Carmo wuxuu ahaa mid muhiimad weyn u leh xoojinta nabadgelyada iyo wada-shaqeynta bulshada iyo guddiyada nabadda. Ujeedada ugu weyn ee shirkan waxay ahayd: In la xoojiyo wada-shaqeynta guddiyada nabadda iyo amniga iyo bulshada deegaanka, si si wadajir ah looga hortago khilaafaadka una suurtagasho deegaan xasiloon oo nabad ah. Kordhinta wacyigelinta bulshada si loo fahmo xaaladaha amni ee deegaanka iyo doorka ay bulshada ku leeyihiin ilaalinta nabadda. Intii uu socday kulanka, waxaa la isla gartay in la xoojiyo iskaashiga dhallinyarada, haweenka, odayaasha, aqoon yahnka iyo maamulka degmada. Sido kale in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah ee lagu xallinayo caqabadaha haysta guddiyada xasilinta nabada. Waxaa looga hadlay doorka muhiimka ah ee guddiyada xasilinta nabaddu ku leeyihiin deegaanka, iyadoo si buuxda laysula qaatay in guddiyadan ay yihiin dadaallada xasillinta nabada degaanka Carmo. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

504378235 1153243680180339 4221786637729561900 n
Bari

Bosaaso: June 28, 2025: Xildhibaan Layla aadan Isxaaq ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay ka mid noqoshada Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso Gobolka Bari.

waxaa goob joog ka ahaa madasha xildhibaanadda xaasaanadda lagu siiyey Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon). Xildhibaan Leylo Aadan oo ka mid ah Bulshada Koonfur galbeed ee Degan Puntland ayaana bedeshay Cabdirisaaq Axmed Cali (Galinba Ceyn) oo ka wada tirsanayeen Xisbiga Mideeye oo ay ugu qornayd booska (B). Gudoomiyaa Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobolka Bari ayaana si rasmi ah ugu dhaariyay xubinmada Golaha deegaanka waxaana ka qaybgalay Maamulka Gobolka Bari Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka iyo Masuuliyiin kale. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

513885934 1151770010327706 4032750674958958864 n
Bari

UFAYN JUNE 2025 :Wasiir doowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeenta Doowlada puntland Ayaa ka daahfurtay taxane ololeyaal wacyigelin dadweyne ah oo ka dhacay degmooyinka Carmo, Iskushuban, Ufeyn, iyo Balidhidin, oo qayb ka ah Mashruuca Xasilinta Calmiskaad.

Kulamada Wacyigalintu waxa kasoo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan sida, odayaasha, culimada, haweenka iyo dhallinyarada, si kor loogu qaado wadahadal bulsho, loona xoojiyo maamulka Degmooyinka, loona dhiirrigeliyo nabadda. Ayadoo lagu booriyey muhiimada ay leedahay midnimada bulshada, ka hortagga saameynta kooxaha xagjirka ah, iyo fahamka kala dambeynta dowladda ee bixinta adeegyada iyo sugidda xasiloonida. Waxay bulshadu ugu baaqeen inay si firfircoon uga qayb qaataan hanaanka maamul-wanaagga oo ay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta degmooyinka si loo ilaaliyo nabadda iyo horumarka. Mashruuca Xasilinta Calmiskaad, oo ay hoggaaminayso Wasaaradu, wuxuu leeyahay ujeedooyin ay ka mid yihiin: dhisidda kalsoonida bulshada ee hay’adaha dawladda, la dagaalanka fikradaha xagjirka ah, iyo xoojinta adkaysiga degmooyinka ay saamayso amni daradu. Wacyigelintaaanu waxay qayb muhiim ah ka yihiin istiraatiijiyadda Wasaradda ee ku saleysan wada-shaqeyn ta iyo ka qayb qaadashadaan, iyagoo bixinaya fursad lagu soo bandhigo aragtiyada bulshada, loona waafajiyo dadaallada dejinta baahiyaha deegaanka. Hirgalinta ololayaashan waxay cadeyn u tahay sida Wasaarada ay uga go’antahay maamul daahfuran, ka qayb qaadashada bulshada, iyo nabad waarta oo ka hirgasha guud ahaan Puntland in la gaaro. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

510655217 1151749600329747 1229148799714490497 n
Bari

Waaciye: June 26, 2025: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo, oo weheliyaan Gudomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Dawladda Puntland, Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan Degmada Waaciye ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka soo qayb galay, Maamulka Gobolka Karkaar, Ururka Haweenka, Dhalinyarada, iyo marti sharaf kale oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane C/raxmaan Khallif Faarax ayaa furitaanka kalfadhiga ka jeediyay khudbad uu ku iftiimiyay muhiimadda shirkan uu u leeyahay xoojinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo horumarinta adeegyada deegaanka. Sidoo kale, Wasiiru Dawlaha Wasardda Arimaha gudaha Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa ka hadlay kaalinta Wasaradda Arimaha Gudaha Iyo dimuqradiyada Dawladda Puntland ay ka qaadanayso dhismaha golayaasha deegaanka iyo dhiirrigelinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan. Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Waaciye Mudane Axmed Xassan Bare ayaa khudbadiisa ku sheegay agenjadaha shirka iyo Waxqabadkii Golaha intii labadaba kalfadhiga u dhaxaysay. 1:Maamul Wanaagga 2: Hirgelinta Cashuuraha 3: Horumarinta biyaha 4:Horumarinta wadooyinka iyo qurxinta magaalooyinka Waxa aan samaynay townplanka magaalada waaciye wejigiisa koowaad, waxa aanu furray 28 waddo oo ah waddooyin waaweyn qaarkood dherekoodu gaarayo 3km. ballarkooduna 20m dhanyahay 5:Horumarinta Waxbarashada Waxaa dhammaday dhismaha mac’hadka barashada farsamada gacanta waxan loo dhamaystiray agabkii wax lagu baranayey waxana diyaaarsan hoygii ardayda iyo Macallimiintaba 6:Hawlgillinta Xarunta xannaanada xoolaha Waxa la hawigeliyey lana qalabeeye/ tirinta xannaanada xoolaha. 7: Arrimaha deegaanka 8: Amniga 9: Taakulaynta ciidamada hawlgalka hillac ee cal miskaad. * Maamulka iyo bulshada degmadu iyaga oo isku duuban waxa ay taakulayn iyo garab istaag u sameeyeen cidaamadeena cadowga ka xorreyey deegaankeena. Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan iyo Taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa dhankooda ka hadlay munaasabadda sido kalena bogaadiyay dadaalka golaha deegaanka ee degmada Waaciye, iyagoo ku dhiirrigeliyay in kalfadhigan uu noqdo mid miro dhal ah oo horseeda nabad iyo amni. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

FB IMG 1750963386926
Bari

Carmo: June 26, 2025: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa si wadajir ah u daahfuray Kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Kadib, markii kalfadhiga si toos ah u furmay waxaa xilka Guddoomiyaha Degmada Carmo iska casilay Guddoomiyihii Degmada, isaga oo caddeeyey in uu la shaqayn doono ciddii kale ee la doorto.   Maalmaha soo socda waxaa la dooran doonaa Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Carmo.   Sidoo kale, kalfadhiga Golaha Deegaanka waxaa looga doodi doonaa ajendayaasha hortabinta u leh geedi-socodka horumarinta Degmada Carmo, si loo xoojiyo adeegyada bulshada iyo maamulka deegaanka.   ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD ▪︎▪︎▪︎

510769166 1150885490416158 4470797885378197517 n
Bari

CARMO JUNE 2025 :Wasiir doowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeenta DWP Yuusuf Mohamed Wacays Dhado oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeriayaa Ayaan daahfuray taxane ololeyaal wacyigelin dadweyne ah oo ka dhacay degmooyinka Carmo, Iskushuban, Ufeyn, iyo Balidhidin, oo qayb ka ah Mashruuca Xasilinta Calmiskaad.

Kulamada Wacyigalintu waxa kasoo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan sida, odayaasha, culimada, haweenka iyo dhallinyarada, si kor loogu qaado wadahadal bulsho, loona xoojiyo maamulka Degmooyinka, loona dhiirrigeliyo nabadda. Wasiir doowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Agaasimaha Guud, oo ku booriyey muhiimada ay leedahay midnimada bulshada, ka hortagga saameynta kooxaha xagjirka ah, iyo fahamka kala dambeynta dowladda ee bixinta adeegyada iyo sugidda xasiloonida. Waxay bulshadu ugu baaqeen inay si firfircoon uga qayb qaataan hanaanka maamul-wanaagga oo ay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta degmooyinka si loo ilaaliyo nabadda iyo horumarka. Mashruuca Xasilinta Calmiskaad, oo ay hoggaaminayso Wasaaradu, wuxuu leeyahay ujeedooyin ay ka mid yihiin: dhisidda kalsoonida bulshada ee hay’adaha dawladda, la dagaalanka fikradaha xagjirka ah, iyo xoojinta adkaysiga degmooyinka ay saamayso amni daradu. Wacyigelintaaanu waxay qayb muhiim ah ka yihiin istiraatiijiyadda Wasaradda ee ku saleysan wada-shaqeyn ta iyo ka qayb qaadashadaan, iyagoo bixinaya fursad lagu soo bandhigo aragtiyada bulshada, loona waafajiyo dadaallada dejinta baahiyaha deegaanka. Hirgalinta ololayaashan waxay cadeyn u tahay sida Wasaarada ay uga go’antahay maamul daahfuran, ka qayb qaadashada bulshada, iyo nabad waarta oo ka hirgasha guud ahaan Puntland in la gaaro. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

511285407 1149756210529086 5680551261333789200 n
Bari

Carmo 24-JUNE 2025 – Shirka Wada-shaqeynta Dawladaha Hoose iyo Bulshada Rayidka ah oo lagu Qabtay Carmo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee degmada Carmo ayaa si guul leh u qabatay shir muhiim ah oo looga hadlayey Wada-shaqeynta Dawladaha Hoose iyo Bulshada Rayidka ah, Maamul Wanaagga, iyo Horumarinta Adeeg Bixinta.

Shirkan oo ka dhacay degmada Carmo 24-kii Juun 2025, ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya bulshada iyo maamullada hoose. Shirkan waxaa ka soo qayb galay wufuud ka kala socotay degmooyinka kala ah Carmo, Ufayn, Waciiye ,Qardho, Iskushuban iyo Bosaso, Sidoo kale, waxaa shirka goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bari. Ujeeddada shirkan ayaa ahayd sidii loo horumarin lahaa nidaamka wada-shaqaynta ee dawladaha hoose iyo bulshada rayidka ah. Wasaaraddu waxaay shirka ku soo bandhigtay soo jeedin ku saabsan nidaam lagu wada shaqeyn karo, kaasoo la filayo inuu fududeeyo in si hufan loo gaaro hadafyada horumarineed iyo adeeg bixinta bulshada. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

509737006 1144920101012697 4232340913912668080 n 2
Bari

Furitaanka Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Xumbays.

Xumbays: June 16, 2025: Gudoomoye ku-xigeenka Gobolka Karkaar Xiir Yusuf Caamir ayaa maanta si rasmi ah u furay kal-fadhiga 2-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Xumbays ee Gobolka Karkaar, iyadona ay kasoo qaybgaleen Gudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada iyo Nabadoono waxgarad Cuqaal iyo Masuuliyiin kale. Kal-fadhiga ayaana inta uu socdo looga Doodaaya horumarada laga qabtay degmada iyo qorshayaasha cusub iyo talaabooyinka lagu horumarinaayo degmada. Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Karkaar Xiir Yusuf Caamir ayaana kula dardaarmay Gudoonka iyo Golaha deegaanka in ay ka shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa Horumarinta iyo amniga Deegaanka u adeegida Bulshada soo dooratay madama Golayaashu matalaan codka shacabka, waana meelaha laga saadaaliyo mustaqbalka degmada loona baahan yahay in ay yeeshaan doodo masiiri ah oo u hiiliya waxqabadka iyo horumarinta kor u qaadida Caafimaadka Biyaha iyo adeegyada Bulshada. Dhammaad.

507990815 1142028254635215 1853773370949363785 n 3
Bari

MAALINTII 6-AAD

Balli-dhidin:June 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dumuqraadiyeynta Puntland (MoIFAD) oo kaashaanaysa Bahwadaagteeda, waxay si guul leh u qabatay una soo gabagabeysay doodo bulsho oo billaha ah oo ka qayb ka ah mashruuca xasilinta ee Calmiskaad laguna qabtay afarta Degmo ee kala ah Carmo, Iskushuban, Balidhidin, iyo Ufeyn. Hawlgalkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada ballaaran ee ay Wasaaradda iyo Bahwadaagteedu ay ku xoojinayso maamul-wanaagga deegaannada, lagu dhiirrigelinayo wada noolaanshaha bulshada, laguna adkaynayo xasilloonida deegaanada nugul iyo kuwa kasoo kabanaya colaadaha ka dhacay Calmiskaad. Doodaha bulshada waxa si dhow loola shaqeeyey maamulka degmooyinkaas ku kuxusan iyo hogaamiyeyaasha bulshada si loo xaqiijiyo ka-qaybgal ballaaran oo loo dhan yahay. Mid kasta oo ka mid ah afarta degmo waxaa lagu qabtay hal fadhi dood. Intii lagu guda jiray doodaha, waxaa si furan loo siiyey fursad ay bulshada ku cabbiraan tabashooyinkooda, ku falanqeeyaan caqabadaha jira, islamarkaana ay si wadajir ah ugu soo bandhigaan xalal wax ku ool ah oo lagu wajaho dhibaatooyinka deegaanada ka jira. Arrimaha ugu waaweyn ee laga dooday waxa ka mid ahaa murannada dhulka, khilaafaadka la xiriira qaybsiga kheyraadka, isqabqabsi beeleedka, shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo caqabadaha maamul ee jira. Doodahaasi waxay ku salaysnaayeen is-ixtiraam, wada-xaajood furan, iyo hab-facilinta xasaasiga ah ee lagu dhiirrigelinayo wada hadal nabadeed oo miro-dhal ah. Kulamadaan ayaa sii socon doona iyaga oo u qorsheysan in ay u dhacaan hab bille ah. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

506522382 1142040214634019 4201705711158857874 n 1
Bari

Malintii 6-AAD.

ISKUSHUBAN: June 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dumuqraadiyeynta Puntland (MoIFAD) oo kaashaanaysa Bahwadaagteeda, waxay si guul leh u qabatay una soo gabagabeysay doodo bulsho oo billaha ah oo ka qayb ka ah mashruuca xasilinta ee Calmiskaad laguna qabtay afarta Degmo ee kala ah Carmo, Iskushuban, Balidhidin, iyo Ufeyn. Hawlgalkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada ballaaran ee ay Wasaaradda iyo Bahwadaagteedu ay ku xoojinayso maamul-wanaagga deegaannada, lagu dhiirrigelinayo wada noolaanshaha bulshada, laguna adkaynayo xasilloonida deegaanada nugul iyo kuwa kasoo kabanaya colaadaha ka dhacay Calmiskaad. Doodaha bulshada waxa si dhow loola shaqeeyey maamulka degmooyinkaas ku kuxusan iyo hogaamiyeyaasha bulshada si loo xaqiijiyo ka-qaybgal ballaaran oo loo dhan yahay. Mid kasta oo ka mid ah afarta degmo waxaa lagu qabtay hal fadhi dood. Intii lagu guda jiray doodaha, waxaa si furan loo siiyey fursad ay bulshada ku cabbiraan tabashooyinkooda, ku falanqeeyaan caqabadaha jira, islamarkaana ay si wadajir ah ugu soo bandhigaan xalal wax ku ool ah oo lagu wajaho dhibaatooyinka deegaanada ka jira. Arrimaha ugu waaweyn ee laga dooday waxa ka mid ahaa murannada dhulka, khilaafaadka la xiriira qaybsiga kheyraadka, isqabqabsi beeleedka, shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo caqabadaha maamul ee jira. Doodahaasi waxay ku salaysnaayeen is-ixtiraam, wada-xaajood furan, iyo hab-facilinta xasaasiga ah ee lagu dhiirrigelinayo wada hadal nabadeed oo miro-dhal ah. Kulamadaan ayaa sii socon doona iyaga oo u qorsheysan in ay u dhacaan hab bille ah. ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎ XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Scroll to Top