Munaasabadda daahfurka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo waxaa goobjoog ahaa ahaa Xildhibaano ka ka socday Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Ku simaha Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose, La taliyahaMadaxweynaha, masuuliyiinta ka socday Xisbiyada Siyaasadda, Maamulka Degmada iyo Xubnaha Golaha Deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Dangorayo.
K/S Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Abshir Hassan Mohamed oo shirka kalmad ka jeediyey ayaa u mahadceliyey maamulkii hore ee Degmada Dangaroyo, wadashaqeynti iyo hufnaanta shaqo ee ay Degmada ku soo maamuleen intii Guddoomiyaha xilka joogay.