Dangaroyo: July 08, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa Degmada Dangaroyo ee Gobolka Nugaal ka daahfuray Kalfadhiyada 2-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo.

Munaasabadda daahfurka kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo waxaa goobjoog ahaa ahaa Xildhibaano ka ka socday Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Ku simaha Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose, La taliyahaMadaxweynaha, masuuliyiinta ka socday Xisbiyada Siyaasadda, Maamulka Degmada iyo Xubnaha Golaha Deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Dangorayo.
K/S Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Abshir Hassan Mohamed oo shirka kalmad ka jeediyey ayaa u mahadceliyey maamulkii hore ee Degmada Dangaroyo, wadashaqeynti iyo hufnaanta shaqo ee ay Degmada ku soo maamuleen intii Guddoomiyaha xilka joogay.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top