WASIIRKA OO SOO XIRAY WAJIGA 1-AAD EE SHIRKA DIB U EEGISTA XEER LR.7.

Garowe: December 10, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta soo xiray wajiga 1-aad ee shirka dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Xeer LR.7.
Shirkaa ayaa maanta waxaa diiradda lagu saaray soo bandhigidda tala-bixintii ka soo baxday qodobadii shalay laga dooday, soo jeedin, caqabadihii laga bartay Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7 xiligii Doorashada Goleyaasha Deegaanka, kaas oo ay soo jeedisay Aamina oo ka socotay hay’adda PDRC.
Ka doodista caqabaha ay soo jeedisay PDRC, wax ku darista iyo kaabista qodobada Xeerka ee la xiira Arrimaha Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmooyinka iyo Soohdimaha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland.
Sidookale, waxaa soo jeedin sameeyey Axmed Shire Axmed oo ka socday Machadka Hangool & Jaamacadda Puntland State University (PSU), Kaas oo ku saabsanaa daadejinta Maaliyadda (Fiscal Decentralisation), Caasimadda Garowe, Nidaamka Doorashooyinka Degmooyinka, iyo dib uga fakeridda nidaamka goboladda iyo Degmooyinka ee PL (Administrative Tiers).
Is dhaafsiga aragtida kala duwan ee Dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka waxaa loo bedeli noo ururin iyo kaabis, waxaana la sii wadi doonaa shirarka ku saabsan talo xibinta wax ku darka, kaabista iyo dhamaystirka Dib u eegista xeerkaan.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top