WASIIRKA OO QAABILAY WAFTI SARE OO KA SOCDA HAY’ADDA UNDP.

Garowe: 19 November 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya Mr Christopher Laker iyo Wafti uu hoogaaminayo.

 

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta mashaariicda UNDP ka fuliso Puntland, dardargelinta qorsheyaasha socda iyo xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee UNDP iyo Puntland iyo qaabka uu noqon doona mashruuca cusub ee Dowlad-kaab.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa waftiga la wadaagtay xog ku saabsan guulaha laga gaaray mashruucii dhammaaday ee JPLG iyo iyo barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland ee laga qabtay 36 Degmo, waxaana soo jeediyey Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose Mudane Maxamed Maxamuud Cali Goojacade.

 

—DHAMMAAD—

 

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top