TABABARKA SHAQAALAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Garowe: October 21, 2024: Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland oo qaatay Tababar ku saabsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland.
Tababarkaan oo ay bixinayeen masuuliyiin ka socday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland, ayaa Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa si fiican loo baray Cutubyada kala duwan ee wax-kabadalka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland, kaas oo waxkabadalkii u dambeeyey lagu sameeyey December 2022.
Madaxa Shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Abshir Hassan Mohamed oo soo dhaweeyey hawl-wadeenadii tababarka bixinayey ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada sida ay uga go’antay in shaqaalaha Dowladda lagu tababaro xeerarka kala duwan ee Hay’adaha Dowladda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri oo dedaal badan geliyey in la taabo geliyo Tababarka iyo tayada Shaqaalaha iyo hawl-wadeenada kale ee Wasaaradda, ayaa markasta waxaa ka go’an in la helo shaqaale tayo leh kuna filan shaqooyinka Wasaaradda ka socda ee ay u idmanyihiin.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top