Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland
Maxamed Cali Faarax ayaa furay shir lagu soo bandhigayey istaraatiijiyada is dhexgalka Barakacayaasha iyo dadka deegaanka ( local Integration Strategy )
Shirkaan waxaa aad loogu faahfaahiyey sidii Barakacayaashu u dhexgelilahaayeen bulshada ay la nool yihiin oo ay ka qeybqaadan lahaayeen shaqooyinka , doorashooyinka iyo horumarka kale ee ka socda deegaanka ay ku nool yihiin .
Waxaa kaloo aad looga hadlay sidii barakacayaasha looga qeybgelin lahaa barnaamijka Xalka Waara oo ah barnaamij hormarinaya nolasha dadka barakacayaasha ah kaasoo u ogolaanaya iney helaan dhul ay iyagu iska leeyihiin
Guryana looga dhisi karo .













