Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Mudane Abdi Farah Juxa oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Shiikh Faarax iyo Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Maxamed Cabdirisaaq Warsame ayaa galabta booqday Cisbitaalka GMC iyo Jaamacadda GSU.
Masuuliyiinta ayaa kormeeray qaybaha Cisbitaalka iyo Jaamacadda, waxa ayna warbixin kooban ka dhagaysteen masuuliyiinta kala duwan iyo Maamulka Cisbitaalka iyo Jaamacadda.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.




















