FURITAANKA WAJIGA 2-AAD EE SHIRKA NABADDA DEGMADA XARFO EE GOBOLKA MUDUG.

Xarfo: December 28, 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo hogaaminayaya Waftiga Dawladda iyo Isimada dhaqanka Gobolka Mudug ayaa si wadajir ah u furay shirka dhex-dhexaadinta Beelaha dirirtu dhexmartay ee Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.
Shirkaan oo daba socday shirkii December 24, 2024 ka furmay guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud oo u jeedkiisu ahaa in xabadda la joojiyo, ciidamada magaalada laga saaro iyo im wada hadal ay u soo diyaar garoobaan labada dhinac ee dirirtu dhexmaray, ayaa maanta wajigiisi 2-aad oo ah wadahal toos ah waxa uu ka furmay guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud ee Degmada Xarfo.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL oo khudbad muhiim ah ka jeediyey madasha ayaa madax dhaqameedka labada dhinac ugu baaqay in la heshiiyo, oo weliba si dhab ah oo dhamaystiran loo heshiiyo, ciidan beeleedkana la kala diro, dadka iyo deegaankana nabad loo daayo.
Isimada dhaqanka Gobolka Mudug oo door muhiim ah ku lahaa joojinta iyo af qabashada dirirtii dhexmaray labada daraf ayaa si qoto dheer ugu dheeraaday in ay muhiim tahay in nabad iyo xasilloonida la adkeeyo nabad buuxdana la qaato, iyada oo laga waantoobayo waxkasta oo nabadda wax u dhimaya.
Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madax dhaqameed kala duwan oo ka kala yimi Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug, waxayna si isku mid ah ugu baaqeen in ay maanta Reer Puntland guud ahaan u baahanyihiin in ay nabadda adkaystaan, halka cadow ee ay leeyihiinna isku meel uga soo wada jeestaan.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top