FARIISINTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA JARIIBAN EE GOBOLKA MUDUG.

Jariiban: February 08, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa ku dhawaaqay ansixinta dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug.
Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug waxaa Wasiirka ku weheliyey, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Fu’aad Abshir Adeer, Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug G/S Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf, Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Mudug Cabdifaax Samatar Ciise, Masuuliyiin iyo waxgaradka, cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee Degmada Jariiban.
Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25-kii May 2023 kana dhacday 30 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ee ku yimi habka aqlabiyadda Xisbiyada Siyaasadda Puntland sida uu qabo qodobka 29aad farqaddiisa 1aad.
Sidoo lale, Wasiirka ayaa u hambalyeeyey dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Jariiban ee la doortay, kuwaas oo maanta yeeshay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka, Guddoomiyaha Degmada jariiban ee Gobolka Mudug waxaa ku guulaystay Mudane Cabdishakuur Maxamed Faarax, oo ka soo baxay Xisbiga Kaah. Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka waxaa ku guulaystay Mudane Mursan Axmed Xasan oo ka soo baxay Xisbiga Kaah
Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top