𝗗𝗮𝗮𝗵𝗳𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮- 𝗫𝗮𝘀𝗶𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗖𝗮𝗹𝗺𝗶𝘀𝗸𝗮𝗮𝗱

Carmo: May 12, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Mudane Abdi Farah Juxa ayaa si rasmi ah u daah-furnay barnaamijka xasilinta Cal-miskaad ee wajiga koobaad oo ka bilaamanaya Degmooyinka Carmo, Ufeyn, Iskushuban iyo Balli-dhidin ee Gobolka Bari.
Madasha daah-furka waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaasha 4 Degmo ee kor ku xusan, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ahna Guddoomiyaha guddiga taakulada hawlgalka ciribtirka argagixisada ee buuraha Cal-miskaad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-TA Dawladda Puntland, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo dib u heshiisiinta iyo hawl-wadeenada kala duwan ee Wasaarada Arrimaha Gudaha DPL.
Shirkaan ayaa wuxuu ahmiyadda siinayaa qodobadaan hoose ku xusan:-
𝟏. 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐞𝐲𝐧 𝐃𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚:
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Waxay fulinaysaa qiimeyn deg-deg ah oo ku saabsan xaaladda Nabadeed, adeegyada bulshada, hay’adaha Dawladda heer degmo ee degmooyinka Carmo, Iskushuban, Ufeyn iyo Balidhidin si loo helo, loona daraaseeyo baahiyaha rasmiga ah ee ka jira Degmooyinka.
𝟮. 𝗔𝗯𝗮𝗮𝗯𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗱𝗼 𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗶𝗱𝗮 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮:
Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL Waxay dhisaysaa guddiyada Nabadda heer Degmo oo ka kooban masuuliyiin deegaan, Odayaal dhaqameed, haween iyo dhalinyaro si loo dhiso kalsoonida iyo iskaashiga bulshada (social fabric- social hocesion) deegaanada ay samaysay colaadaha, iyada oo la siinayo tababaro ku saabsan Tabaha xalinta khilaafaadka, adkaynta Nabada iyo wada shaqaynta dadka iyo dowladda.
𝟯. 𝗪𝗮𝗰𝘆𝗶𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻 & 𝗧𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮𝗿 𝗞𝘂 𝗦𝗮𝗮𝗯𝘀𝗮𝗻 𝗫𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗞𝗵𝗶𝗹𝗮𝗮𝗳𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮
Waxaa la tabari doonaa, guddiyada la dhisay iyo qaybo kamid ah dadweynaha Degmooyinka laga shaqaynayo, waxaa lagu tababri doonaa Tabaha xalinta khilaafaadka, ka hortaga xasaradaha colaadaha iyo la dagaalanka mab da’a xagjirka ah, sii loo dhiso fahamka dadka ee Nabada iyo Xasiloonida bulshada dhexdeeda.
𝟰. 𝗢𝗹𝗼𝗹𝗲 𝘄𝗮𝗰𝘆𝗶𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻 𝗗𝗮𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲
Wasaaraddu Waxay qabanaysaa fagaareyaal wacyigelin ah oo ay ka qeyb galayaan Culumada, Odayaasha, Dhalinyaradda iyo Goloyaasha deegaanka si bulshada loogu wacyigeliyo muhiimadda Nabadda.
𝟱. 𝗙𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗙𝗮𝗿𝗶𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮:
Wasaaraddu waxay dhisaysaa fariimo nabadeed oo la jaanqaadaya dhaqanka bulshada iyo wacyigooda annagoo gaarsiin doona dadweynaha ku dhaqan deeganada hoos yimaada degmooyinka bar-bilowaga u ah barnaamijka Xasilinta, farriimahaan ayaa dadweynaha loo marin doonaa warbaahinta iyo baraha bulshada.
Ugu dambeyntii waxaa shirka ka soo baxay war-murtiyeed lagu dhisayo qorsheyaasha shaqo ee xasilinta Cal-miskaad.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top