Ceelbuuh: April 14, 2025: Waftiga Dawladda Puntland ee uu hoggaamiyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ka qaybgalay furitaanka gogosha nabadeynta beelaha walaaha ah ee dirirtu ku dhexmartay Deegaanka Dooxada Dureera ee Gobolka Sanaag.
Waftiga Dawladda Puntland ee gaaray Ceelbuuh ayaa koobnaa labada Gole ee Dawladda Puntland. Sidookale, waxaa gaaray Xildhibaan heer Federaal ee Puntland ku matala DFS, Culumo, Ganacsato iyo Siyaasiin kala duwan oo Reer Puntland ah.
Sidookale, shirka waxaa ka soo qaybgalay guddigii cuqaasha ahaa ee gacanta ku hayey muddadadii Bisha ahayd ee ka soo wareegtay dhacdadaan, guddiga cusub ee hawshaan la wareegay oo ka kooban 21 xubnood isugu jira Gobolada Nugaal, Bari iyo Sool.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa labada beelood ugu baaqay in ay u hogaansamaan go’aanka iyo garta ka soo baxda guddiga la qabtay awooddana la saaro nabadda, walaalnimada iyo wada noolaashaha bulshada walaaha ah ee wada dhalatay ee isku qoyska ah.
Sidookale, Isimada dhaqanka Dawladda Puntland ee madasha joogay ayaa si isku mid ah ula hadlay beelaha walaaha ah ee dirirtu dhexmartay.
Shirka dib u heshiisiinta beelaha ayaa sii socon doona waxaana wadaya oo lagu wareejiyey guddiga ka kooban 21 xubnood oo ka kooban Beelaha daarood.