XAFLADA XIL-WAREEJINTA GUDDOOMIYAHA IYO GUDDOOMIYE KU XIGEENKA CUSUB EE DEGMADA JARIIBAN.

Jariiban: February 13, 2025: Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane ee Gobolka Mudug Cabdifitaax Samatar Ciise ayaa xilka u kala wareejiy Guddoomka Cusub iyo Guddoonkii hore ee Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug.
Xafladda xil-wareejinta Guddoonka Degmada Jariiban ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xubno kamida Xildhibaanada Golaha Deeganka Degmada, Agaasimka Waaxyaha kale duwan ee Dowladda Hoose, laamaha amniga iyo hawl-wadeenada kala duwan ee Dowladda Hoose ee Degmada Jariiban.
Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Degmada Jariiban Cabdishakuur Maxamed Faarax iyo Mursal Axmed Xasan ayaa ka mahadceliyey shaqada baaxada leh ee ay soo qabteen howl wadeenada kala duwan ee Dowladda Hoose iyagoo ka codsaday in sidii maamulkii hore iyo si ka wanaagsan loola shaqeeyo.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top