WAR-MURTIYEED.

Garowe: December 19, 2024: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa si guul ah ku soo gabo-gabeysay shir saddex maalmood socday oo ka qabsoomay magaalada Garowe, laga soo bilaabo 17-kii illaa 19-ka December 2024. Shirkaan oo ujeedkiisu ahaa tababarid iyo wadaxaajood dhex-mara Wasaaradaha iyo Dowladaha Hoose ee Puntland ayaa waxaa looga wadda hadley arrimaha maamul baahinta gaar ahaan baahinta awoodda maaliyadda (Fiscal Decentralisation), Adeeg bixinta, Isla-xisaabtanka iyo Awoodsiinta Dowladaha Hoose.
Qodobada ka soo baxay shirka:-
1. In la daadejiyo adeegyada asaasiga ah, lana xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Degmooyinka iyo Wasaaradaha adeegga bixiya.
2. In la xoojiyo wada shaqaynta Degmooyinka iyo Wasaaradaha Dowladda dhexe.
3. Waxaa la isla qaatay in la sameeyo Santuukha horumarinta Degmooyinka Puntland.
4. In la dardargeliyo kicinta cashuuraha heer Degmo, lana dedejiyo dhamaystirka iyo is-waafajinta shuruucda la xiriira cashuuraha Dowladaha Hoose gaarka u leeyihiin.
5. In beesha caalamka iyo dawladduba ay tix-gelin gaar ah siiyaan xoojinta mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed ee Degmooyinka ay doorashooyinku ka dheceen si ay u noqoto wax Soomaalidu higsato.
6. In la dhowro Deegaanka iyadoo laga waantoobayo jaridda dhirta, laynta ugaarta iyo xaalufinta halakeeyey deegaankeena.
7. In aan la magaalayn karin, lana oodan karin dhul cusub oo aan ruqsad looga haysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo ciddii kale ee ay qusayso.
8. In la dedejiyo dib u eegista iyo sixidda xeerarka iyo Siyaasadaha lagu dhaqo Dowladaha Hoose ee Puntland.
9. In laga wada-shaqeeyo adkaynta amniga iyo isku-xirka Bulshada Degmooyinka Puntland.
10. Waxaa la isla qaatay in la qabto shir sanadle ah oo u dhaxeeya Degmooyinka iyo Wasaaradaha Dowladda dhexe ee Puntland, kaas oo ay soo qaban-qaabiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
11. Ugu dambayntii shirku wuxuu u mahadcelinayaa ka soo qaybgalayaashii kala duwanaa oo ay ugu horeeyaan Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda dhexe, Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Hay’adda Kaalo.
—DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL. Kala xiriir wixii faahfaahin ah:-

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top