LA TASHIGA GUDDOOMIYAASHA DEGMOOYINKA EE DIB U EEGISTA XEER LR.7.

Garowe: December 18, 2024: Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa la tashi kala yeelatay Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland dib u eegista Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7.
Ugu horreyntii wajiga 2-aad ee shirka Degmooyinka oo maanta looga doodayey dib u eegista Xeer LR.7 waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, intaas kadib waxaa Warbixin ku saabsan qodobada Wasaaraddu u aragtay in ay u baahanyihiin wax-kabedal iyo kaabis soo jeediyey La taliyaha sare ee dhanka Sharciga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Garsoore Ismaciil Cabdullaahi Cilmi.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax iyo Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeri ayaa Degmooyinka maanta la wadaagay aragtida Wasaaradda ee ku aadan in Xeerkaan si wadajir ah looga doodo wax kabedalkiisa.
Soo jeedinta kadib, waxaa doodda loo furay Guddoomiyaasha iyo aqoonyahankii kala duwanaa ee shirka ka soo qaybgalay waxaana la is dhaafsaday dood maangal ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in wadatashi balaaran la geliyo wax kabelka Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7.
Dood dheer kadib, waxaa la qoray soo jeedinta Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Aqoonyahankii kale ee shirka ka soo qaybgalay waxaana laga samayn doonaa in lagu dabakho dhamaystirka dib u eegista Xeerka, waxaana sii socon-doona shirarka lagu dhamaystirayo Xeerka LR.7.

1 thought on “LA TASHIGA GUDDOOMIYAASHA DEGMOOYINKA EE DIB U EEGISTA XEER LR.7.”

  1. Said Yasin Hashi

    Waxaan soo jeedinayaa in meesha laga saaro qodoka oranaya marka maayarka ladooranayo xisbiyadu banaanka bay ku soo heshiin karaan marka waa in xibi haduu waayo aqlabiyada toos ay udoortaan gudoomayaha golaha deegaanku

    Waad mahadsantihiin

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top